Xisbiyada mucaaradka Somaliland oo dhaliiilay mas'uuliyiin ka qaybgallay shirkii xisbiga kulmiye

1
Thursday February 28, 2019 - 00:01:33 in Wararka by
  • Visits: 307
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiyada mucaaradka Somaliland oo dhaliiilay mas'uuliyiin ka qaybgallay shirkii xisbiga kulmiye

    Labadda xisbi mucaarad ee WADDANI iyo UCID ayaa sharci daro ku tilmaamay masuuliyiin aanu sharcigu ogolayn inay ka qaybgalaan shirarka xisbiyada. Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa ku eedeeyey xisbiga KULMIYE in uu bahdilay hay'adihii dawladd

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Labadda xisbi mucaarad ee WADDANI iyo UCID ayaa sharci daro ku tilmaamay masuuliyiin aanu sharcigu ogolayn inay ka qaybgalaan shirarka xisbiyada. Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa ku eedeeyey xisbiga KULMIYE in uu bahdilay hay'adihii dawladda oo dhamaantood ka wada qaybgaleen shirkii golaha dhexe ee KULMIYE, taas oo uu ku tilmaamay mid ka baxsan nidaamka dawladnimo.

Sidoo kale, waxa ay ku dhaliileen inuu madaxweynuhu dadka uga sheekeeyo wixii dhexmaray Ra’isal wasaaraha itoobiya iyo isaga, taas oo ay ku tilmaameen in aanay ahayn afdublamaasiyadeed.

 

Afhayeenka xisbiga WADANI Barkhad Jaamac Batuun ayaa soo bandhigay masuuliyiin sharcigu ka mamnuucay inay shirarka xisbiyada ka qaybgalaan oo shirkii KULMIYE joogay, waxaanu farta ku fiiqay taliaha guud ee Booliska, ku xigeenka xeer ilaalinta, xisaabiyaha guud ee qaranka, agaasimaha guud ee wasaarada arrimaha bulshada iyo shaqadda,gudoomiyaha hay’adaha qaxootiga iyo Hanti dhawrka guud ee qaranka oo uu sheegay inay mamnuuc tahay inay ka qaybgalaan shirarka xisbiyadda.

"Madaxweynuhu wuxu hore la shiray agaasimeyaasha guud waxaanu ku yidhi kama qaybgali kartaan arrmaha siyaasada, nasiib daro waxa shirkaasi ka qaybgalay agaasimeyaal oo hor fadhiyey madaxweynuhu iyamuu khaldan yahay iyagumuu saxsan yahay, Hay;adaha dawladda hadii uu kulmiyesidaas u bahdilayo waxa iman doonna saadaashadeeda lama garan karo, Idaacadii Radio Hargeysa ee hantida qaranka ahayd ayaa si toos ah looga sii daynayaa shirkii kulmiye”ayuu yidhi Barkhad Batuun.



Dhinaca kale, xisbiga UCID ayaa iyaguna shakhsiyaad masuuliyiin qaran ah oo ka qaybgalay shirkii KULMIYE ku tilmaamay inay tahay sharci jabin.

"Madaxweyne Biixi inta uu dalka haystay maalin walba talaabo ayuu shacabka ku eegayey, tii u dambaysay shalay buu qaatay oo hay’adii aan loo ogolayn in aanay siyaasada ku milmin lagu arkay iyagoo xisbigi dhex fadhiya oo astaantii calanka kulmiye madaxa iskaga duubay, ragaasi waxa ka mid ah Hanti dhawrihii qaranka, waxa iyaguna jooga xubno ah xeer ilaalinta oo sharicigu ogolayn, xisaabiyihii guud ayaa isna goobta jooga,gudoomiyihii Bankiga dhexe, iyo agaasimeyaal kale, taasna waxay ina tusaysaa inuu sharcigii meesha ka baxay oo dastuurkii lagu tuntay”ayuu yidh Yuusuf Kayse xoghayaha warfaafinta xisbiga UCID.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip