Maxkamad ku xukuntay sanad xarig ah muwaadin Soomaaliyeed oo isku dayay inuu qaniino askari

1
Wednesday February 27, 2019 - 23:55:07 in Wararka by
  • Visits: 296
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamad ku xukuntay sanad xarig ah muwaadin Soomaaliyeed oo isku dayay inuu qaniino askari

    Maxkamad ku taal dalka Malta ayaa ku xukuntay Muwaadin Soomaali ah oo dalkaas qaxootinimo ku joogo hal sano oo xarig ah iyo ganaax dhan labo kun oo Yuro ah kadib markii ay ku heshay dambi ah inuu isku dayay inuu qaniino askari u soo waday saldhigga B

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamad ku taal dalka Malta ayaa ku xukuntay Muwaadin Soomaali ah oo dalkaas qaxootinimo ku joogo hal sano oo xarig ah iyo ganaax dhan labo kun oo Yuro ah kadib markii ay ku heshay dambi ah inuu isku dayay inuu qaniino askari u soo waday saldhigga Booliska.

Cabdiqani Cumar Cabdulaahi oo ka mid ah dhalinyarada tahriibka ku tegey dalka Malta ayaa loo soo gudbiyay ciidamada Booliska inuu rabshad ka dhex wado maqaayad ku taal Marsalfron dalka Malta,waxayna askartii tagtay baarka ay la kulmeen ninkan dhalinyarada ah iyo nin kale oo khilaaf soo kala dhex galay.

Booliska ayaa ku amray Cabdiqani inuu u raaco saldhigga hase yeeshee Cabdiqani oo xiligaasi aan caadi ahayn oo la sheegay inuu sarkhaansanaa ayaa la dagaalamay ciidamada isagoo la sheegay in uu isku dayay inuu qaniino mid ka mid ah ciidamada.

Sida lagu daabacay wargeyska Malta Today garsoorihii maxkamada dhagaysatay dacwada loo haystay Cabdiqani Cumar Cabdulaahi ayaa ku dhowaaqay go’aanka maxkamad taasoo noqotay hal sano oo xarig ah iyo inuu ganaax dhan 2000 oo Yuro ah.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip