Jeneraal Bashiir;"Isma qaadaneyso amni darrada Muqdisho iyo kordhinta tirada Ciidamada booliska Muqdhois".

0
Wednesday February 27, 2019 - 22:48:08 in Wararka by
  • Visits: 324
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jeneraal Bashiir;"Isma qaadaneyso amni darrada Muqdisho iyo kordhinta tirada Ciidamada booliska Muqdhois".

    Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamed ayaa si kulul uga hadlay falalka amni darro ee maalmihii u danbeeyay ka dhacay magaalada Muqdisho iyadoo inta badan raggii weeraradaas geystay ay baxsadeen. Jeneraal Bashiir C

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamed ayaa si kulul uga hadlay falalka amni darro ee maalmihii u danbeeyay ka dhacay magaalada Muqdisho iyadoo inta badan raggii weeraradaas geystay ay baxsadeen. Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamed ayaa sheegay iney kordhiyeen tirada Ciidamada joogay Saldhigyada degmooyinka gobolka Banaadir kuwaasoo hore qeyla dhaan looga keeni jiray tira yaraantooda.

"Mudaa laga qeylinaayay ciidan yaraan, Ciidanka Saldhigga waa yaryahay, Waaxda ma gaari karo, waxaan ku guuleysanay qorshihii aan geynay tubta amniga in ciidankaan la gaarsiiyay Numberkii aan qabsanay, Waxaa xaqiiq ah in Ciidanka booliska degmo walba uu joogo Ciidan boolis ah oo ku filan” ayuu yiri Taliyaha.

Waxa uu sidoo kale sheegay General Bashiir in wadooyinka degmooyinka ay joogaan Ciidankii loogu talagalay howlgalada iyadoo ay sii dheertahay Ciidamada sida gaarka ah loosoo tababaray oo ay kamid yihiin kuwa Gaashaan iyo Ciidanka C.I.D ee baaritaanada gaarka ah sameeya.

"Codsi dambe oo aan u noqon doono majirto, maadaama aan heysano Ciidankii loogu talagalay iyo agabkoodii, waa inaan gacanta ku dhignaa amniga magaaladan, waana waajib na saaran” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Waxa uu soo hadal qaaday wadashaqeyn la’aanta ka dhaxeysa Gudoomiyayaasha degmooyinka gobolka Banaadir iyo Taliyayaasha Saldhigyada Caasimada isagoo sheegay iney Masuuliyad wadareed u qaataan wax kasta oo ka dhaca degmooyinka.

"Gudoomiye degmo iyo Taliye Saldhig aan wada shaqeynin waxey ka go’antahay amniga magaalada, waxaa loo baahanyahay iney is qaataan Gudoomiyaha iyo Taliyaha, ayna adeegsadaan Ciidamada degmooyinka u jooga,waa iney dhamaataa far far ku taag”.ayuu hadalkiisa ku soo xiray Janaraal Bashiir.

Si kastaba, hadalkan ayuu Taliyaha ka jeediyay madal ay fadhiyeen Saraakiisha ugu sareysa Ciidamada sida Taliye Kuixgeenadiisa,Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir iyo kuwa degmooyinka Caasimada iyadoo laga arinsanayay amniga magaalada Muqdisho.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip