Al-Shabaab Oo Shaqaalo Hay'ad Samafal Ka Afduubtay Duleedka Magaalada Garbahaareey Ee G/Gedo

0
Wednesday February 27, 2019 - 21:30:35 in Wararka by
  • Visits: 291
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-Shabaab Oo Shaqaalo Hay'ad Samafal Ka Afduubtay Duleedka Magaalada Garbahaareey Ee G/Gedo

    Wararka aan ka heleyno duleedka Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi Maanta dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay shaqaalo ku Afduubteen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka aan ka heleyno duleedka Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi Maanta dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay shaqaalo ku Afduubteen.

Dad deegaanka Garbahaarey ayaa ku soo waramaya in Al-shabaab shaqaalaha ay Afduubteen ay u shaqeynayeen Hay’ad Samafal oo ka howlgasha deegaanadaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaa ku daraya in Shaqaalaha Hay’adda xiliga la Afduubanaayay ay ku sugnaayeen Duleedka Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo,halkaasi ay u joogeen howlo shaqo.

Ilaa iyo hada lama oga Al-shabaab halka ay la aadeen Shaqaalaha ka tirsanaa Hay’adda Samafal ee Maanta ka Afduubteen Garbahaarey.

Al-Shabaab oo Shaqaalo Hay’ad Samafal ka afduubtay duleedka magaalada Garbahaareey ee G/Gedo




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip