Xildhibaan C/Rashiid Xidig Oo Talaabo La Yaab Leh Kaga Jawaabay Amarkii Laga Soo Saaray Soo Dhoweyntiisa Kismaayo

0
Wednesday February 27, 2019 - 21:22:23 in Wararka by
  • Visits: 288
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan C/Rashiid Xidig Oo Talaabo La Yaab Leh Kaga Jawaabay Amarkii Laga Soo Saaray Soo Dhoweyntiisa Kismaayo

    Xildhibaan C/rashiid Xidig oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ahna musharax u taagan xilka madaxweynaha Maamulka Jubbaland oo loo diiday shacabkii ku soo dhoweyn lahaa Garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ayaa dhex lugeynaya magaalada. C/ras

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan C/rashiid Xidig oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ahna musharax u taagan xilka madaxweynaha Maamulka Jubbaland oo loo diiday shacabkii ku soo dhoweyn lahaa Garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ayaa dhex lugeynaya magaalada. C/rashiid Xidig ayaa shacabka ka balan qaaday mar haddii loo diiday iney gudaha Garoonka soo galaan isaga uu ugu tagayo goobtooda,islamarkaana Garoonka diyaaradaha ilaa iyo magaalada Kismaayo soo lugeynayo. Dadweyne aad u fara badan oo taageerayaashiisa ayaa garbaha ka socda Musharaxa madaxweynaha Jubbaland. Ciidamada Maamulka Jubbaland ayaa maanta hor istaagay shacabka Mas'uuliyiin Garoonka diyaaradaha ku soo dhoweyn lahaa mas'uulkaasi. Xildhibaanka ayaa sidan Bartiisa Facebooka ku qoray:-


Bismilaah:
Ilaahay ayaa mahad iska leh Waxaan si Nabad ah ku soo gaaray Garoonka dayuradaha ee Kismayo:

Mahad gaar ah Waxaan u celinayaa Shacabka ree Jubaland ee maanta u diyaar garoobay soo dhaweyntayda balse laga hor istaagay waxaan markale ugu baaqayaa inay is dejiyaan una hogaansamaan heyadaha Amniga:

Waan hubaa inay tahay maalin taariikhi ah oo shacab Caleemo Qoyan wata laga hor istaago soo dhaweynta Murashaxooda Madaxweynaha Jubaland 2019:

Xildhibaan C/rashiid Xidig oo talaabo la yaab leh kaga jawaabay amarkii laga soo saaray soo dhoweyntiisa Kismaayo


Waxaan idin balan qaadayaa inaan idiin Abaalgudi doono hadii rabi aqbalo:

Abaalkiina 1aad Waxaan ka dhigayaa inaan Garoonka diyaaradaha ee kismayo lug kaga soo baxayo oo aana wax gaadiid ah soo raacaynin lugna ku imaan doono magaalada Kismayo intay rabto ha igu qaadatee hadii hadii rabi idmo:

Waxaan bogaadinayaa ciidamada Amniga ee Jubaland oo si ixtiraam badan ula dhaqmay shacabka anigoo huba inaysan raali ka ahayn Sida shacabka loola dhaqmay balse fuliyay Amarkii lasiiyay:

Markale Waxaan ugu baaqayaa taageerayaasheyda Gudaha iyo dibada inay u hogaansamaan tilmaamaha heyadaha Amniga kuna ekaadaan goobahooda:
Amaana Alaah:

Og: shacabka Jubbaland
Og: Salaadiinta Jubaland
Og: Maamulka Jubaland
Og: Dowlada Federaalka
Og: Urur Goboleedka IGAD
Og: Amisom sector 2
Og: International Community
Mahadsanidiin:
Hon: Abdirashid Mohamed Xidig
Murashaxa Madaxweynaha ee Shacabka Jubbaland 2019:
Kismayo Airport.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip