SAWIRRO: Bakistan Oo Soo Bandhigtay Duuliye Diyaaradeed Oo Ay Soo Riday & Xiisad Ka Dhex Qaraxday Hiniya & Bakistan

0
Wednesday February 27, 2019 - 21:00:20 in Wararka by
  • Visits: 243
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SAWIRRO: Bakistan Oo Soo Bandhigtay Duuliye Diyaaradeed Oo Ay Soo Riday & Xiisad Ka Dhex Qaraxday Hiniya & Bakistan

    Afhayeenka Milliteriga da Pakistan, Jeneral Asif Qafuur ayaa sheegay inay saakayto soo rideen 2 Diyaaradaha Dagaalka ee Hindiya, kuwaasi oo ku soo xad-gudbay Xuduudka Pakistan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afhayeenka Milliteriga da Pakistan, Jeneral Asif Qafuur ayaa sheegay inay saakayto soo rideen 2 Diyaaradaha Dagaalka ee Hindiya, kuwaasi oo ku soo xad-gudbay Xuduudka Pakistan.

Waxa kale oo uu sheegay inay nolol ku qabteen 3 Duuliye oo la socday Diyaaradaha la soo riday, iyadoo mid ka mid ah Duuliyayaasha uu dhaawacan yahay, lana daaweynayo.

Dowladda Hindiya weli kama aysan hadlin Diyaaradaha laga soo riday iyo Duulliyayaasha laga qabtay, balse, Saraakiisha Maamulka Hindiya ee maamula qeyb ka mid ah Gobalka lagu murunsan yahay ee Jaamu Kashmiir ayaa sheegay in 2 Duuliye iyo qof rayid ah geeriyoodeen, kadib, markii ay Diyaarad ay leeyihiin Ciiddanka Cirka Hindiya ku burburtay guddaha Kashmiir.

Idaacadda Radio Pakistan waxay beenisay war ay Wakaalladda Wararka Hindiya ee Wakaalladda Wararka Hindiya ee Asian International News Agency ee (ANI) ku sheegtay in la soo riday Diyaarad Dagaal oo ay Milliteriga Pakistan leyihiin oo nooceedu ahaa F 16.

Wakaalladdu waxay horey u baahisay inay Milliteriga Hindiya toogteen Diyaarad Dagaal oo ay leeyihiin Ciiddanka Cirka Pakistan, taasi oo ku dhacday Dooxda Laam ee Degmadda NOWSHERA ee gudaha Pakistan.

Dhinaca kale, Ugu yaraan 4 Garoomo Diyaaradeed oo ku yaalla Waqooyiga Hindiya oo uu ku jiro Garoon ku yaalla Kashmiir ayaa la wada xiray, iyadoo ay Ciiddanka Cirka ee Hindiya si Ku-meel-gaar ah u adeegsan doonaan Garoomadaasi.

Sidoo kale, Dowladda Pakistan waxay hakisay dhamaan Duullimaadyadda Diyaaradaha Rayidka ee isticmaala Garoomadda ku yaalla Waqooyiga dalkaasi, oo ay ku jiraan magaallooyinka Peshwaar.

Milliteriga dalalka Pakistan iyo Hindiya waxaa horey u dhex maray 3 Dagaal tan iyo markii ay madax-bannaanida ka heleen Gumeysigii Ingiriiska sannadkii 1947-kii.

Burburka Diyaarad 4
Burburka Diyaarad 4
Burburka Diyaaradda 1
Burburka Diyaaradda 1
Duuliye 1
Duuliye 1
Duuliye 2
Duuliye 2
Duuliye Hindi Oo Isagoo Dhaawac La Qabtay
Duuliye Hindi Oo Isagoo Dhaawac La Qabtay



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip