DEG DEG:-Laba Diyaaradaha Dagaalka Ee Hindiya Oo La Soo Riday Iyo Duuliye Gacanta Lagu Dhigay

0
Wednesday February 27, 2019 - 11:57:57 in Wararka by
  • Visits: 292
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG:-Laba Diyaaradaha Dagaalka Ee Hindiya Oo La Soo Riday Iyo Duuliye Gacanta Lagu Dhigay

    Ciiddanka Cirka dalka Pakistan (PAF) waxay sheegeen inay burburiyeen 2 Diyaaradaha Dagaalka Hindiya oo ku soo xad-gudbay Hawada Pakistan, isla markaana ay Hal Duuliye gacanta ku dhigeen. Afhayeenka Milliteriga Pakistan, Sarreeye Gaas Asif Qafuur aya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciiddanka Cirka dalka Pakistan (PAF) waxay sheegeen inay burburiyeen 2 Diyaaradaha Dagaalka Hindiya oo ku soo xad-gudbay Hawada Pakistan, isla markaana ay Hal Duuliye gacanta ku dhigeen. Afhayeenka Milliteriga Pakistan, Sarreeye Gaas Asif Qafuur ayaa sheegay inay Ciiddanka Cirka Pakistan saakayto ka fal-celiyeen xad-gudbka Diyaaradaha Hindiya ee soo galay Hawada dalkooda, isla markaana ay 2 Diyaaradaha Dagaalka Hindiya toogteen, iyadoo mid ka mid ah ku soo dhacday gudaha xuduudka Pakistan, halka Diyaaradda kalena ku dhacday Gobalka Jaamu-Kashmiir ee ay Pakistan iyo Hindiya kala maamulaan. Waxa uu intaasi ku daray inay Ciiddanka dhulka gacanta ku dhigeen Duuliye ka mid ah kuwii waday Diyaaradaha la soo riday.

 
Dhinaca kale, Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Pakistan ayaa xaqiijisay inay Ciiddanka Cirka soo rideen 2 Diyaaradaha Dagaalka ee Hindiya.

Hadal ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay inaysan Pakistan doonaynin inay toogtaan Diyaaradahaasi, balse, haddii Ciiddanka lagu khasbo ay samaynayaan tusaalahaasi o okale.

Wasaaradda waxay Falka lagu soo riday Diyaaradahaasi ku sheegtay inay tahay Is-difaac ay xaq iyo awood u leeyihiin.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip