Amisom oo shaacisay tirada Ciidamada Militariga Somaliya

0
Wednesday February 27, 2019 - 11:37:38 in Wararka by
  • Visits: 268
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Amisom oo shaacisay tirada Ciidamada Militariga Somaliya

    Hawlgalka Midowga Afrika ee Amisom ayaa sheegay in Ciidamada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay kor u dhaafeen 20,000 oo Askari islamarkaana suuragal tahay in ay la wareegaan amniga dalkooda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hawlgalka Midowga Afrika ee Amisom ayaa sheegay in Ciidamada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay kor u dhaafeen 20,000 oo Askari islamarkaana suuragal tahay in ay la wareegaan amniga dalkooda.

Koox ka socotay Amisom oo qiimeyn ku sameysay Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa warbixintii ay soo heleen waxaa ay ku wareejiyeen dowladda Soomaaliya.

Warbixintan oo ay soo diyaariyeen saraakiil ka socotay Amisom ayaa waxaa Wasiirka amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ku wareejiyay madaxa hawlgalka Amisom ee Soomaaliya Francisco Madeira.

Qoraalkan oo ka kooban 60 Bog ayaa lagu sheegay in Ciidamada dowlad Goboleedyada, dowladda Federaalka ah iyo malleeshiyo beeleedka ka qeyb qaata dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ay kor u dhaafeen 20,000 sidaas darteedna ay qayb ka noqon karaan qorshaha kala guurka Soomaaliya.

Waxaa kale oo warbixinta lagu sheegay in Maamulka Goboleedka Galmudug uu hoggaaminayo tirada ugu badan Ciidamada, waxaana ku xiga Maamullada Puntland, Jubaland, Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle.

Waxyaabaha kale ee sahanka lagu soo ogaaday waxaa ka mid ah in inta badan Ciidamadaas ay qabaan tababarka aas aaska ah ee Milatariga laakiin aysan heysan Lebbis u gaar ah iyo hub ku filan.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip