Faah faahin: Dilal ka dhacay Boosaaso iyo Gaalkacyo

0
Wednesday February 27, 2019 - 10:48:36 in Wararka by
  • Visits: 308
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah faahin: Dilal ka dhacay Boosaaso iyo Gaalkacyo

    Kooxo hubeysan ayaa siyaabo kala duwan waxaa ay saacadihii la soo dhaafay dilal qorsheysan uga kala geysteen Magaalooyinka Boosaaso iyo gaalkacyo ee Dowlad goboleedka Puntland. Dilka kobaad ayaa waxa uu ka dhacay bartamaha Magalada boosaaso gaar aha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxo hubeysan ayaa siyaabo kala duwan waxaa ay saacadihii la soo dhaafay dilal qorsheysan uga kala geysteen Magaalooyinka Boosaaso iyo gaalkacyo ee Dowlad goboleedka Puntland. Dilka kobaad ayaa waxa uu ka dhacay bartamaha Magalada boosaaso gaar ahaan goob Gawaarida laga raaco oo lagu Magacaabo Gaaca,waxaana dad ku sugan Boosaaso ay sheegeen in la dilay Askari ka tirsanaa Ciidamada Puntland.



Nin ku hubeysnaa bustoolad ayaa la sheegay in askariga oo lagu Magacaabi jiray Shucayb Cismaan Caluula uu dhowr xabadood madaxa kaga dhuftay xilli ay wada saarnaayeen Gaari rakaab ah, kadibna uu halkaasi ka baxsaday.

Dilka labaad ayaa waxa uu ka dhacay Waqooyiga magalada Gaalkacyo kadib markii Nin hubeysan uu Gurigiisa hortiisa ku toogtay xalay Wiil 12 jir ah oo lagu Magacaabi jiray Xaaji Cabdirashiid Faarax,isaga oo goobta ka baxsaday.

Weli lama oga sababta loo dilay iyo cida ka dambeysa dilkiisa,hayeeshee waxa uu kusoo aadayaa xilli weli Magalada Gaalkacyo laga hadal haayo kufsigii iyo dilkii loo geystay Caaisho ilyaas Aadan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip