Akhriso:-Xilliga Baarlamaanka la horgeyn doono Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed

0
Wednesday February 27, 2019 - 10:45:58 in Wararka by
  • Visits: 303
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhriso:-Xilliga Baarlamaanka la horgeyn doono Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed

    Maanta oo Arbaco ah ayaa la filayaa in Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdi Casiis Xasan Maxamed laftagareen uu Golihiisa Wasiirada Cusub horgeeyo Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulkaas. Kal-fadhiga 7aad ee Golaha Wakiilada Koonfu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maanta oo Arbaco ah ayaa la filayaa in Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdi Casiis Xasan Maxamed laftagareen uu Golihiisa Wasiirada Cusub horgeeyo Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulkaas. Kal-fadhiga 7aad ee Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed ayaa furmay isniintii la soo dhaafay,waxaana guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cabduqaadir Shariif Sheekhuna Maye uu Xildhibaanada ku wargeliyey in Maanta oo Arbaco ah la horkeeni doono Golaha Wasiirada Cusub si ay u ansixiyaan.

Madaxweyne Cabdi Casiis Xasan Maxamed laftagareen ayaa sheegay in Golihiisa Wasiirada ay noqon doonaan kuwo u adeega Shacabka,isla markaana meel iska dhiga danaha gaarka ah,waxaana Xildhibaanada uu ka codsaday inay ansixiyaan.

Magalada Baydhabo ayaa wararka laga helayo waxa ay sheegayaan in uu ka socdo diyaar garoowgii u dambeeyey ee ku aadan furitaanka kulanka Baarlamaanka Koonfur Galbeed si loo horgeeyo Golaha Wasiirada Cusub ee Maamulkaas.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip