Balakot: Pakistan oo wacad ku martay inay ka jawaabi doonto "duqeymaha cirka" ee Hindiya

0
Wednesday February 27, 2019 - 10:41:00 in Wararka by
  • Visits: 340
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Balakot: Pakistan oo wacad ku martay inay ka jawaabi doonto "duqeymaha cirka" ee Hindiya

    Dowaladda Pakistan ayaa sheegtay inay ka jawaabi doonto "waqtiga iyo goobta ay iyadu doorato" kaddib markii Hindiya ay duqeymo dhanka cirka ah ku qaadday maleeshiyaad ku sugan gudaha waddanka Pakistan. Hindiya ayaa sheegtay in ay dishay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowaladda Pakistan ayaa sheegtay inay ka jawaabi doonto "waqtiga iyo goobta ay iyadu doorato" kaddib markii Hindiya ay duqeymo dhanka cirka ah ku qaadday maleeshiyaad ku sugan gudaha waddanka Pakistan. Hindiya ayaa sheegtay in ay dishay tira badan oo maleeshiyaad ah hasayeeshee Pakistan ayaa warkaasi ugu yeertay mid ay "mas'uuliyad darro" ku dheehan tahay. Xiisadaha u dhaxeeya dalalka dariska ah ee hubka nukliyeerka ah haysta ayaa aad sare ugu kacay kaddib markii weerrar lagu qaaday ciidammada Hindiya ee ku sugan Kashmir. Weerrarka ayaa waxaa sheegtay urur uu saldhiggiisu yahay waddanka Pakistan, waa Jaysh Muxamed ee, Hindiyana waxa ay markaasi wacad ku martay inay aargoosan doonto. Hindiya waxa ay Pakistan ku eedaynaysaa in maleeshiyaadka ay u ogolaatay inay dalkeeda ka howlgalaan, arrintaas oo ay Pakistan diidan tahay.

Pakistan-iyiin gubaya calanka Hindiya kaddib markii milateriga dalkaasi uu gudaha usoo galay dalkoodaLahaanshaha sawirkaEPA Image captionPakistaniyiin gubaya calanka Hindiya kaddib markii milateriga dalkaasi uu gudaha usoo galay dalkooda



Hindiya iyo Pakistan-ba waxa ay ku andacoodaan lahaanshiyaha dhulka Kashmir oo ay u badan yihiin dadka Muslimiinta, hasayeeshee qeyba un ayey ka maamulaan. Labadan arrintaas daraadeed ayey saddex goor oo hore u dagaalameen, iskudhacooduse waa uu xadidnaa tan iyo markii ay xorriyadda ka qaateen Britain 1947 - kuwaas oo mid ma ogiyee inta kale la isku haystay Kashmir.

Duqeymahan ayaa noqonaya kuwii ugu horreeyay ee laga gaysto meel ka baxsan barta koontarool ee kala qeybisa Khasmir-ta ay Hindiya maamusho iyo midda ay Pakistan maamusho - tan iyo dagaalkii labada dal dhexmaray 1971.

Maxaa dhacay?

Labada dhinac ayaa waxa ay baahiyeen dhacdooyin aad u kala duwan. Saraakiisha Hindiya ayaa waxa ay sheegeen in duqeymaha dhanka ah ay ku garaaceen xero ku taal Balakot, waqooyi galbeed waddanka Pakistan.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee waddanka Pakistan Vijay Gokhale ayaa sheegay in "tira badan" oo maleeshiyaad ah la dilay, isagoo difaacay weerrarka kuna tilmaamay "duqeymo ka hortag ah" oo la doonayay in Jaysh Muxammed loogaga joojiyo weerrarada ay soo qaadaan.

Dadka ku noold deegaanka Balakot ayaa BBC-da u sheegay inay ku soo tooseen dhawaqa qaraxyo waa weyn hasayeeshee lama xaqiijin cid wax ku noqotay.

Milateriga Pakistan ayaa meesha ka saaray inay jiraan cid wax ku noqotay duqeymaha cirka. Waxa uu milaterigu sheegay in diyaaradahiisa ay ku qasbeen kuwa Hindiya inay goobta dib uga gurtaan gantaalladii ay sideenna ay ku tuuraan deegaan aanan la deganayn.

Map of region
Presentational white space

Maxay aheyd jawaabcelintu?

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee waddanka Pakistan Shah Mahmood Qureshi ayaa sheegay in Hindiya "ay maciin bidday sheegasho iyada un ku kooban, oo jahawareer iyo khiyaali miiran ah", isagoo farta ku fiiqaya doorashooyinka dalkaasi Hindiya ka dhici doona bisha May.

Kulan uu yeeshay Golaha Ammaanka Qaranka ee Pakistan, oo uu ka mid yahay Ra'iisul Wasaare Imran Khan, ayaa waxa uu ku soo gebagaboobay digniin ah in Pakistan ay "jawaabi doonto waqtiga iyo goobta ay iyadu doorato".

Dadka Hindiya ayaa dabaaldegay kaddib markii uu soo baxay warka sheegaya in ciidammada dalkaasi ay howlgal fuliyeenLahaanshaha sawirkaEPA Image captionDadka Hindiya ayaa dabaaldegay kaddib markii uu soo baxay warka sheegaya in ciidammada dalkaasi ay howlgal fuliyeen

Ra'iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaanan si toos ah u soo hadal qaadin duqeymaha dhanka cirka ah mar uu ka hadlayay isu soo bax siyaasadeed oo Talaadadii ka dhacayay deegaanka Rajasthan hasayeeshee waxa uu dadkii halkaas isugu soo baxay u sheegay: "Waan fahmi karaa xamaasadda iyo quwadda aad leedihiin. Maanta waa maalintii aannu sharfaynay halyeeyadayada."

Haddaba iyadoo laga cabsi qabo in arrinta ay cirka isku sii shareerto, ayaa Midowga Yurub waxa uu labada dalba ugu baaqay "inay aad isku xakameeyaan", Shiinaha ayaa isna codsi noocaas oo kale ah diray.

XIGASHOBBC


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip