HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 27-KA FEBAARYO 2019-KA

0
Wednesday February 27, 2019 - 10:19:15 in Wararka by
  • Visits: 514
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 27-KA FEBAARYO 2019-KA

    MADAXWEYNE BUHAARI OO MAR KALE KU GUULEYSTAY DOORASHADDA NIGERIA. Madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari ayaa mar kale loo doortay madaxweynenimada Nigeria, sida ay muujinayso natijada kama dambaysta ah ee doorashadii Sabtidii dhacday. Hoggaamiy

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNE BUHAARI OO MAR KALE KU GUULEYSTAY DOORASHADDA NIGERIA. Madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari ayaa mar kale loo doortay madaxweynenimada Nigeria, sida ay muujinayso natijada kama dambaysta ah ee doorashadii Sabtidii dhacday. Hoggaamiyahan 76 jirka ah ayaa ka guulaystay madaxweyne ku xigeenkiisii hore Atiku Abubakar, isaga oo kaga badiyay wax ka yar afar milyan oo cod. Xisbiga Abubakar ee PDP ayaa qaadacay natiijada. Dib u dhac ku timid codaynta iyo rabshado ayaa hadheeyay doorashada, balse kormeereyaasha madax bannaan ma aysan soo sheegin wax isdabomarin. Xisbiga madaxweyne Buhari ee APC ayaa ku guulaystay 19 oo ka mid ah 36da gobol ee dalkaasi uu ka kooban yahay. Dadka doorashada u soo baxay ee codaynta u diiwaan gashanaa ayaa noqonaya 35%, guddiga doorashaduna wuxuu natiijada kama dambaysta ah ku dhawaaqi doonaa Arbacada maanta ah.

MAREYKANKA OO SHEEGAY IN 20 DAGAALY AHAN OO KA TIRSANAA URURKA ALSHABAAB KU DILEEN DUQEYN CIRKA AH G/HIIRAAN

Qoraal ay ku shaaciyeen bogga Twitter –ka taliska Mareykanka ee Africom ayeey ku sheegeen in duqeyn ay ka fuliyeen deeg aanka Shabeeley ee gobolka Hiiraan 25kii bishan ku dileen 20 ka tirsan dagaalyah ann ada Alshabaab. taliska ayaa sheegay in howglalkan oo ay iska kaashadeen ciidam ada dowladda Soomaaliya sidoo kale lagu bur buriyay gaari dagaal oo ay lahaayeen Alshabaab.

Ma aysan sheegin shacab wax ku noq day, iyaga oo intaa ku daray in ay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah Alshab aab. 23kii bishan duqeyn sidan oo kale diya aradaha Mareykanka ku fuliyeen deegaan no hoostaga degmada Maxaas ayeey shee geen ay ku dileen 35 dagaalyahan oo ka tir san Ururka Alshabaab, iyaga oo sidoo kal ana bur buriyay gaadiidkii ay la socdeen.

marka leysku geeyo tirada dhimashada lab adii maalmood ee u danbeeyay duqeymaha Mareykanka ay ka fuliyeen gobolka Hiiraan ayaa noqonaya 55 xubnood oo ka tirsan Alshabaab.G/Hiiraan ayaa hadda u muuqda mid ka mid ah bartilmaameedka weerarrada cirka ah ee Mareykanku ka fuliyo dalka Soomaa liya.

SHIRKA SADDEX BILLAHA AH CADAALADDA OO LAGU QABTAY MAGAALADA MUQDISHO

Waa shir 3dii biloodba mar ay isku yimaa daan bahda cadaaladda dalka iyo deeq bixi yeyaasha caalamka, kaas oo lagu soo ban dhigo wax yaabaha laga qabtay arrimaha garsoorka iyo Cadaalada markaasi socda ee la doonayo in lagu sii hormariyo, waxaa ka qayb galay wakiilo ka socday dowladaha xubnaha ka ah Federaalka, gobolka Ban aadir Wasaaradda Cadaaladda oo hormuud u ah xafiiska Ra’iisul wasaaraha iyo hay’ad aha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee arrimaha cadaalada ka shaqeeya, sidoo kal e dowladaha Denmark iyo Holand ayaa ka mid aha ka qayb galayaasha shirka shalay.

Wasiirka Cadaaladda XFS oo furay shirka ayaa ka jeediyay Khudbad uu uga hadlay horumarka laga sameeyay arrimaha cadaal ada dalka iyo dadaalka dowladda Soomaal iya ay ugu jirto in la sii balaariyo, isaggoo halkaa ka sheegay in dhawaan la dhisi doo no golaha adeegga garsoorka iyo kan la dagaalanka Musuqmaasuqa.

Wasaaradda Cadaaladda ayaa shirka kus oo bandhigtay waxyaabihii u qabsoomay bi lihii dambe waxaa sidoo kale la soo bandh igay daraasaad iyo xog uruurin laga sameey ay helitaanka cadaaladda ee bulshada, ta asi oo laga sameeyay guud ahaan dalka.

Wasiirka Cadaaladda XFS ayaa markii uu soo idlaaday Shirka oo saacado qaatay ka hadlay muhiimada uu lahaa Shirkaasi iyo xo gtii lagu soo bandhigay. "Shirkaan waa mid Seddexdii bilba mar aan yeelano bahda cadaaladda ee Heer federal iyo heer dowlad goboleed, waxaa nagala qayb galay Xafi iska Ra’iisul wasaaraha iyo deeq bixiyaasha oo runtii ad u ammaanay xogta lagu soo bandhigay, waxaana uu qayb ka yahay shirarka looga hadlayo hormarinta han aanka cadaalada dalka, waxaan rabnaa oo aan halkaana ka sheegnay in sanadkaan aan dhameestiri doono dhismaha guddiga la dagaalanka musuqmaasuqa iyo golaha adeega garsoorka oo hadda meelgabaga ba ah noo maraya”. ayuu yiri Wasiirka Cada aladda.

WASIIR SABRIYE OO SHIR MUHIIM AH KA FURAY MUQDISHO

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa furay Shirka Wadajir ee Hannaanka Qaran ee Dowladd aha Hoose oo ay ka Qeyb galayaan Wasii ra da Arimaha Gudaha iyo dib u heshiista Dowlad goboleedyada iyo Maamulka go bolka Banaadir.

Waxaa diirada lagu saarayaa sidii dadw eynaha loo gaarsiin lahaa adeegyada muhi imka u ahnoloshooda, loona daadajin lah aa maamulka.Wasiir Sabriye ayaa sheegay in u jeedka madashaan loo dhisay ay tahay Horumarinta golayaasha deegaanka, Hirgal inta hannaanka dhab u heshiisiinta Qaranka iyo sidii xalwaara loogu heli lahaa arrimaha Barakacayaasha.

Wasiirka ayaa ayaa sidoo kale tilmaamy in degmooyinka ay sal dhig u yihiin in helo dhab u heshiin waarta iyo xal Waara oo loo helo dhibaatooyinka haysta dadka Barakac ayaasha ah, isagoo sidoo kale sheegay in laga doodayo

Dajinta orshaha xasilinta deegaana da la xureeyay.Wasiirada dowlad goboleed yada ee ka qeyb galaya shirka ayaa bogaad iyay rajana ka.muujiyay natiijada ka soo bixi doonto. Shirka madasha Wadajir waxaa uu socona yaa 3 maalmood waana kii 12aad,waxaana la filaya in lagu dajiyo qorshaha xasilinta iyo dhismaha golayaasha deegaan ka degmooyinka dalkaee lagu howl galayo sadaxda bil ee soo socoto.

WASIIRKA GAASHAANDHIGGA SOOMAALIYA OO LA KULMAY SARAAKIIL KA TIRSAN MIDOWGA YURUB

wasiirka Gaashaandhigga XFSFSoomaaliya Xasan Cali Maxamed ayaa shalay kulan kula qaatay Xafiiskiisa Sarakiil ka socotay Midowga Yurub,Md Hasan Ali Mohamed Wasiirka Difaaca XFS ayaa sheegay in sara akiisha Midowga Yurub uu kala hadlay xoo jinta Xiriirka Iskaashi iyo Milatari ee ka dhax eeya Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulmay Saraakiil ka socota Howlgalka Midowga Yurub Howlgalka Midowga Yurub ee Soom aaliya ayaa qeyb weyn ka qaata Tababar sii nta Ciidamada Qaranka Soomaaliya oo uu qorshu yahay in ay Amniga kala Wareegaan Ciidamada AMISOCiidamada AMISOM ay aa la qorsheynayaa in ay ammaanka dalka ku wareejiyaan ciidamada dowlada Soomaa liya iyadoo lagu wado in kun askari oo ka tir san ciidamada AMISOM ay ka baxaan dal ka Soomaaliya dhamaadka toddobaadkan.

BALAKOT: PAKISTAN OO WACAD KU MARTAY INAY KA JAWAABI DOONTO "DUQEYMAHA CIRKA” EE HINDIYA

Dowaladda Pakistan ayaa sheegtay inay ka jawaabi doonto "waqtiga iyo goobta ay iyadu doorato" kaddib markii Hindiya ay duqeymo dhanka cirka ah ku qaadday maleeshiyaad ku sugan gudaha waddanka Pakistan.

Hindiya ayaa sheegtay in ay dishay tira badan oo maleeshiyaad ah hasayeeshee Pakistan ayaa warkaasi ugu yeertay mid ay "mas'uuliyad darro" ku dheehan tahay.

Xiisadaha u dhaxeeya dalalka dariska ah ee hubka nukliyeerka ah haysta ayaa aad sare ugu kacay kaddib markii weerrar lagu qaaday ciidammada Hindiya ee ku sugan Kashmir.

Weerrarka ayaa waxaa sheegtay urur uu saldhiggiisu yahay waddanka Pakistan, waa Jaysh Muxamed ee, Hindiyana waxa ay markaasi wacad ku martay inay aargoosan doonto.

Hindiya waxa ay Pakistan ku eedaynaysaa in maleeshiyaadka ay u ogolaatay inay dalkeeda ka howlgalaan, arrintaas oo ay Pakistan diidan tahay.

Hindiya iyo Pakistanba waxa ay ku andacoodaan lahaanshiyaha dhulka Kashmir oo ay u badan yihiin dadka Muslimiinta, hasayeeshee qeyba un ayey ka maamulaan. Labadan arrintaas daraadeed ayey saddex goor oo hore u dagaalameen, iskudhacooduse waa uu xadidnaa tan iyo markii ay xorriyadda ka qaateen Britain 1947 kuwaas oo mid ma ogiyee inta kale la isku haystay Kashmir.

Duqeymahan ayaa noqonaya kuwii ugu horreeyay ee laga gaysto meel ka baxsan barta koontarool ee kala qeybisa Khasmirta ay Hindiya maamusho iyo midda ay Pakistan maamusho tan iyo dagaalkii labada dal dhexmaray 1971.

Maxaa dhacay?

Labada dhinac ayaa waxa ay baahiyeen dhacdooyin aad u kala duwan. Saraakiisha Hindiya ayaa waxa ay sheegeen in duqeymaha dhanka ah ay ku garaaceen xero ku taal Balakot, waqooyi galbeed waddanka Pakistan.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee waddanka Pakistan Vijay Gokhale ayaa sheegay in "tira badan" oo maleeshiyaad ah la dilay, isagoo difaacay weerrarka kuna tilmaamay "duqeymo ka hortag ah" oo la doonayay in Jaysh Muxammed loogaga joojiyo weerrarada ay soo qaadaan.

Dadka ku noold deegaanka Balakot ayaa BBCda u sheegay inay ku soo tooseen dhawaqa qaraxyo waa weyn has ayeeshee lama xaqiijin cid wax ku noqotay.

Milateriga Pakistan ayaa meesha ka saaray inay jiraan cid wax ku noqotay duqeymaha cirka. Waxa uu milaterigu sheegay in diyaaradahiisa ay ku qasbeen kuwa Hindiya inay goobta dib uga gurtaan gantaalladii ay sideenna ay ku tuuraan deegaan aanan la deganayn.

MADAXWEYNE FARMAAJO LOOGU SOO DHA WEEYAY MAGAALADA DOOXA?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa gaaray M/Do oxa, wuxuuna berri wada hadallo la yeelan ayaa Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tami im Bin Xamad Al Thaani.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyey garoon ka Diyaaradaha ee M/Qatar, waxa ana halk aasi kusoo dhaweeyey Masuu liyiin sare oo ka tirsan Dawladda Qatar iyo Diblumaasi yi inta Safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi.

Booqashadaan ayaa waxaa Madaxwey naha ku wehelinaya Wasiirro ka tirsan XFS oo ay kamid yihiin Wasiirka Maaliyadda Md Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Marwo Mar yan Aweys Jaamac.

ENG YARISOW OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA DALKA SUUDAAN

Duqa Muqdisho ahna G/G/Banaadir C/ixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha dalka Suudaan ee Soomaaliya Mudane Khalafal laah Mustafa.G/Yarisow oo ugu hambalye eyay Danjire Khalafallaah xilkan dhawaan loo soo magacaabay ayaa u sheegay in uu kala kulmayo Maamulka iyo shacabka Caas imadda soodhaweyn wanaagsan, muddada uu ku guda jiro gudashada waajibaadkiisa Qaran.

Danjiraha dalka Suudaan ee Muqdisho ayaa codsaday in dib loo soo celiyo dhulkii xarunta u ahaa Safaaradda dalkiisa ee ay u qorshaysay Dowladdii dhexe ee Soomaal iya, arrinkaas oo uu aqbalay Guddoomiyaha Go bolku. Sidoo kale, labada masuul ayaa isku afgartay in dib loo soo celiyo iskaa shiga iyo xiriirka wada shaqeynayd ee ka dhaxeeyey Dowladaha Hoose ee Muqdisho iyo Khartoum, iyadoona la isdhaafsanayo khibradaha iyo qorsheyaasha la xiriira ilaa linta deegaanka, xaqiijinta bilicda iyo baahin ta adeegyada asaasiga ah.

Eng.Yarisow ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka Suudaan kaalinta ay ka qaadataan waxbarashada dhallinta Soomaaliyeed, maadama dalkaas uu hooy u yahay kumannaan arday oo waxkabarta Jaamacadaha dalkaas, sidoo kalena macal imiin Suudaan u dhalatay ay bareyaal ka yihiin qaar ka mid ah xarummaha waxbara shada Caasimadda.

DFS OO KU DHAWAAQDAY DIIWAAN GELINTA DOOMANKA KALLUUMEYSI

Wasiirka Kaluumeysiga iyo Khayraadka Bad da XFS Md.C/hi Bidhaan Warsame ayaa xa fiiskiisa ku qaabilay xubno ka socday urur ada Iskaashatooyinka Kaluumeysatada So omaa liyeed,iyagoo ka wada hadlya sidii loo xoojin lahaa wadashaqeyn dhexmarta Was aarad da iyo Kaluumeysatada. Kulanka oo muddo saacado ah qaatay ayaa Wasiirka Cabdullaahi Bidhaan Warsa me iyo guddoomiyaasha Ururada Iskaasha tooyinka Soomaaliyeed,waxaa ay xooga sa areen arrimo ay kamid yihiin diwaangelin ta doomanka kaluumeysi,Kalluumeysa tada iyo habka bixinta ruqsadaha kalluumey si oo ay bixiso Wasaaradda.

Sidoo kale waxaa la isla gartay in Wasaa radda Kalluumeysiga dowladda Soomaaliya ay sameyso suuq geyn dibadd ah kaluunka dalka,iyo in la abuuro hab cusub oo lagu uru urinayo laguna keydinaya xogaha arrimaha asi la xiriira. Md.C/hi Bidhaan Warsame Wa siirka Kaluumeysiga iyo Khayraadka Badda Dowladda Soomaaliya ayaa balanqaaday in suuqa ugu weyn ee Kalluunka Soomaaliya laga furayo Muqdisho,gaar ahaan Xamarw eyne.

Ugu dambeyntii wuxuu ku booriyay Kaluumeysatada in ay ilaaliyaan oo ay ka taxdiraan tayada iyo nadaafadda Kalluunka ay iibinayaan si loo ilaaliyo caafimaadka bu lshada,maadaama ay cabashooyin ka imaa nayaan xiliyada qaar.

MUWAADIN SOOMAALI OO XABSI KU MUTEYS TAY DIL IYO DHAAWAC UU GEYSTAY

Dareewal Soomaali oo lagu magacaa bo Maxameddeeq Saciid Diiriye, balse loo yaqaano Maxamed Diiriye ayaa la soo taa gay Maxkamad ku talla gobalka Mineso tta ee dalka Mareykanka, isagoo lagu soo oo gay geerida qof ka mid ah rakaabkii la soc day Taksigiisa, iyo mid kale oo dhawacmay.

Eedeysanaha oo ahaa Dareewal Ta ksi, ayaa la sheegay inuu shil galay bishii bi shii Janaayo 19dii ee sannadkii 2017kii, waxaana dhacdadaasi ku geeriyooday Nin Maraykan oo la oran jirey Shawn Koltiska, halka nin kale oo lagu magacaabo Joosef Foster uu soo garaay dhaawac dhinaca dha barka oo uu haatan ka soo kabanayo.

Dhinaca kale, Boliska gacanta ku hayey Baaritaanka Kiiskan waxay Maxkamadda u soo gudbiyeen inuu Eedeysanuhu sarqaans anaa, xilligii u ushilku galayey, balse, Qoysk iisa iyo Jaalliyadda Soomaalida wey beeni yeen inuu sarqaansanaa.

Si kastaba ha ahaatee, Garsoorihii Max kamadda waxa uu Maxamed Diiriye oo 31jir ku xukumay xabsi 17sanno ah iyo inuu bi xiyo 150,000 oo Dollar oo dib loogu celinayo Qoyska Ninkii ku geeriyooday shilkaasi oo la oran jirey Shawn Koltiska.

INDIA OO DUQEYN KA FULISAY GUDAHA PAKISTAN

India ayaa sheegtay inay duqeysay xero ay kooxda mintidiinta Kashmir ee Jai sheMohammad ay ku leedahay gudaha da lka Pakistan. Kooxdan ayaa dhowaan sheeg atay mas’uuliyadda qarax ismiidaa min baa buur ahaa oo laba toddobaad ka hor lala be egsaday ciidamada sida milatar iga u taba baran ee qeybta Kashmir ee India, kaasi oo lagu dilay 40 askari.

Xogahayaha wasaaradda arrimaha dibe dda India,Vijay Gokhale ayaa weerark an ku qeexay mid ka hortag ah oo ka dhashay xog sirdoon oo sheegaysay in kooxda Jai she Mohammad ay qorsheyneysay weerar kale oo ismiidaamin ah oo ay ka ful iso India.

Gokhale ayaa sheegay in India ay u qaa dday tallaabadan si ay u badbaadiso dhib aato soo gaarta shacabka. Duqeymahan oo India ay sheegtay in lagu dilay mintidiin bad an, ayaa sii xoojin doona xiisadda ka dhex oogan labada dal ee Nuclearka ku hubey san ee India iyo Pakistan.

QM. OO KU EEDEYSAY DOWLADA SOOMAAL IYA INAY KU SOO ROGTAY SHAQAALAHEEDA CANSHUUR

Q/Midoobay ayaa cabasho ka keentay laca go canshuur ah oo ay dowlada Soomaaliya ku soo rogtay shaqaalaheeda ka howlgala dalka Soomaaliya.Xafiiska QM ee dalka So omaaliya ayaa ku tilmaamay lacagaha ca nshuuraadka ah iyo Dalkugal ay dowlada Soomaaliya ku soo rogtay shaqaalaheeda inay xadgudub ku tahay heshiisyo hore oo ka reebaya shaqaalaha QM in lacago can shuur ah ay bixiyaan.

Xafiiska UNSOS ayaa warqad cabasho ah u direy Wasiirka Arrimaha Dibada DFS Axmed Ciise Cawad iyadoo lagu sheegay qoraalkaas in illaa kun ka mid ah shaqaa laha Q/Midoobay iyo qandaraas qaatayaa sha ay saameyn ku yeelatay dalkugal iyo la cago canshuuro ah oo ay dowlada federalka iyo dowlad goboleedyada ay ku soo rogeen.

Sidoo kale xafiiska UNSOS ayaa sheegay in hay’ada Socdaalka dowlada Soomaaliya uu diiday in uu aqoonsado heshiisyo hore loo galay iyo weliba sidoo kale dalkugalyada ay shaqaalaha ka soo qaataan safaaradaha dowlada Soomaaliya ay ku leeyihiin dalalka dibadda iyagoo ku tilmaamay dalkugalada as kuwo been abuur ah.

Xiriirka u dhexeeya dowlada Soomaaliya iyo QM ayaan wanaagsa nayn tan iyo markii ay dowlada Soomaaliya ay ceyrisay Wakii lkii Xoghayaha QM ee D/Soomaaliya dhama adkii sanadkii aynu ka soo gudubn ay.

QARAX DHIMASHO IYO DHAAWAC SABABAY OO XALAY KA DHACAY MUQDISHO

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax Bam oo sababay Dhimasho iyo dhaawac oo Xalay ka dhacay magaal adda muqdisho.

Qaraxaan ay ka dhacay Degmadda Boond heere ee gobolka Banaadir.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal, koo xo hubeysnaa ayaa Bambadda gacanta la ga tuuro ku weeraray Fariisin Ciidamadda F DS ay ku leeyihiin gudaha Degmadaas.

In ta la xaqiijiyay wiil dhalinyaro ahaa oo Mo oto Bajaaj ka xeynayay ayaa ku dhin tay,halka ay ku dhaawacmeen Labo kale.

Kooxihii ka dambeeyay weerarka Bamadda ayaa goobta ka baxsaday,waxayna Ciidama dda amaanka DFS ay la wareeray ay ku gu uldarst een in ay gacanta ku dhigaan ragii bambadda tuur ay

GABAR YAR OO SI ARXAN DARO AH LOOGU DILAY MAGAALADA NAIROBI

Wararka naga soo gaaraya M/Nayrobi ee dalka Kenya ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi si arxan daro ah loogu dilay Gabar yar.Dilka Gabadhan ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay Xaafada Islii ee M/ Nayr obi,isla markaana Meydkeeda la jarjaray si da ay sheegeen Ehelada Gabadha yar,taasi oo magaceeda lagu soo gaabiyay Isma haan. Sidoo kale waxaa la tilmaamayaa in Ismahaan oo da’ahaan jirtay 14sano ay 7adyadii la soo dhaafay ay la joogtay dad ay ehel ahaayeen,kuwaasi oo kunool Xaafd da Islii ee Magalada Nairobi.

Warar aan heleyno ayaa sheegaya in Hoo yadda dhashay Gabadha ay ku nooshahay Xeryaha Qaxootiga Kaakuma eek u yaalla Kenya,iyadoona dilka gabadheeda ku eedeeysay Haweeney la sheegay in ay qaraabo yihiin.

Ciidanka Booliska dalka Kenya ayaa ga canta ku dhigay Haweeyneydii falkan geys tay,isla markaana xabsi ku yaalla halkaasi lagu xiray. Arrintaan ka dhacday Xaafadda Islii ee Soomaalida ku badan tahay ee M/Nayrobi ayaa ku soo aadeysa xili daraad Xaafad ka tirsan Magaalada Gaalkacyo laga helay Meydka Gabar yar oo 13sano jirah eyd oo si xun loo dilay,waxaana dhacdad aan ay saameeyn weyn ay ku reebtay Shac abka Soomaaliyeed.

BAARLAMAANKA PUNTLAND OO KULAN DEG DEG AH KA YEESHAY DILKII CAAISHO ILYAAS

Waxaa weli socota hadal heynta dhacd adii lagu kufsaday laguna dilay Caaisho Ily aas Aadan oo oo aheyd gabar 12 jir ah taas oo meydkeeda habeen ka hor la dhigay afa afka hore hoygooda oo ku yaalla Waqooyi ga M/Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mu dug. Baarlamaanka Puntland ayaa Shalay kulan deg deg ah waxa uu ka yeeshay dhac adada gabadha yar lagu dilay taas oo ahe yd falkii lagula kacay mid aad looga naxay.

Qaar ka mid ah Xubnaha Golaha Wakiil ada Puntland oo Warbaahinta la hadlay ay aa waxa ay sheegeen inay aad uga xun yih iin dhacdadaas naxdinta leh ee lagula kacay Caaisho Ilyaas Aadan,waxaana Hay’adaha amniga Puntland ka dalbadeen in ay si deg deg ah u soo qabtaan cadaaladana u hor keenaan dadkii ka dambeeyay.

Waxa ay ka digeen in ay soo baxaan dad difaac u noqonaya hadii gacanta lagu dhigo dadkii falkaasi naxdinta leh kula kac ay Gabadha yar,isla markaana laamaha a mniga ay waajibaadkooda ka gutaan.

Tan iyo markii ay soo baxday falka kuf siga iyo dilka isugu jira ee lagula kacay Caa isho Ilyaas Aadan ayaa Ciidamada Booliska Puntland waxa ay wadeen howlgallo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay falk aas,waxaana warar soo baxaya ay shee gayaan inay jiraan ilaa 8 ruux oo loo qabtay kiiskaas.

MADAXWEYNAHA JUBBALAND OO DALAB U DIRAY MIDOWGA YURUB

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jub baland Axmed Maxamed Islaam ayaa qasr iga Madaxtooyada shalay ku qaabilay Wa fdi ka socday Beesha caalamka gaar ahaan M/Yurub oo uu hogaaminayay Madaxa Ma shaariicda Hormarinta Jarmalka ee Soom aaliya Mr Marius Rauh.

Madaxweynahah ayaa wafdiga waxaa uu kala hadlay sidii la isugu xiri lahaa kaa lmooyinka iyo Adeegyada hormarinta isla markaana ay u noqon lahaayeen kuwo sim an oo wax tar leh. Kulanka ayaa sidoo kale lagaga hadlay sidii loo dardar galin lahaa Mashariicda hormarinta ee ay tahay in la qabto mustaqbalka dhow iyadoo sidoo kale la joogtaynayo kaalmada gargaarka ah ee ay dhinacyadan ku tageerayaan Soomaali ya gaar ahaan Jubbaland.

M/ DHAGAXBUUR OO DARAAD LAGA DAAHFURAY ADEEG LEYDHADHKA OO 24 SAAC MARKII UGU HOREYSAY SHAQEYN DOONAAN

Waxaa daraad ka dhacay Magaalada dhagaxbuur ee deeganka soomaalida Itoo biya Degto Xafladdan aad u heesaryso taa oo aheyd mid lagu qabtay xerada wayn ee ay warshadda laydhku leedahay, waxaana kasoo qaybgalay masuuliyiinta u saraysa da wladda oo uu u horeeyo Madaxwaynaha DDS Musyafe Muxumed Cumar iyo maamul ka magaalada Dhagaxbuur.

Xafladdan ayaa waxaa hadallo kooban oo munaasabadda xadhig jarka ku saabsan kasoo jeediyay masuuliyiinta maamulka ma gaalada dhagaxbuur iyo sidoo kale madaxw ayne Mustafe cagjar. Adeegga laydhkan ee 24 saac ah, ayaa maamulka magaaladu wa xay ka hawlgali doonaan sidii xaafadaha ma gaalada loogaadhsiin lahaa iyadoo tiirashii laydhka loogu talagalay ay inta badan ka taagan yihiin xaafadaha dhexdooda.

Magaalooyin kale oo degaanka katirsan ayaan iyagu wali helin adeegga laydhka ee 24 saac, waxaana hadda socda hawlo lagu gaadhsiinayo laydhka magaalooyin badan oo degaanka ka tirsan. iyadoo dawladdu ay ku tala jirto sidii degaanka oo dhan laydhka loo gaadhsiin lahaa.

WASIIRKII ARRIMAHA DIBEDDA IIRAAN OO IS CASILAY IYO WARAR SHEEGAYA IN WELI…

Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Iiraan, Maxamed Jafaad Zariif ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkaasi, sida uu ku shee gay qoraal uu soo dhigtay Barta Bulshadda ee INSTAGARAM. Faahfaahin kama uusan bixinin sababaha uu isku casilay, wuxuuna u mahad celiyey Qaranka Iiraan iyo Sara aki isha.

Wakaalladda Wararka Dowladda Iiraan ee IRNA waxay sheegtay inuu Afhayeen Caba as Musaafi xaqiijiyey inuu iscasilay Wasii rkaasi oo xilka hayey tan iyo bishii August ee sannadkii 2013kii. Madaxweyne Xasan Ruuxaani ayaa la sheegay inuusan weli aq balin Iscasilaadaasi.

Dhinaca kale, Madaxweynaha dalka Syria, Bashaar Xaafid Alasad ayaa waxa uu booqasho marlaarag ah ku tegay caasi madda dalka Iiraan ee Tehraan, wuxuuna la kulmay dhigiisa dalkaasi, Xasan Ruuxaani iyo Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan, Aayatu llaahi Cali Khamanii. Waa booqashadii 1aad ee uu Madaxweynaha Syria ku tago Iir aan, tan iyo markii ay dagaalladda sokeeye ka bilowdeen dalka Syria bishii Maarso ee sannadkii 2011k

MAXKAMADDA GAALKACYO OO AMAR KU BIX ISAY IN LA SOO QABTO DAD LAGU TUHMAYO DILKII CAASHO ILYAAS

Maxkamadda Darajada 1aad ee M/Gaa lkacyo ee G/Mudug ayaa amar ku bixisay in la soo qabto eedeeysane iyo gaari lagu tu hmaayo in Meydka Caasho Ilyaas Aadan la gu kor keenay Gurigooda,kadib markii la dilay.

Maxkamadda ayaa amartay in la soo qab to eedeysame Yaasir Aadan Cali iyo Gaari loo heysto in uu ahaa midkii lagu keenay Meydka Caasho Ilyaas Aadan. Sidoo kale Maxkamadda ayaa Dhammaan laamaha amniga iyo Saldhiga Bartamaha dhexe ee Gaalkacyo wax ay Ogeysiisay in la soo qabto eedeysanaha iyo Gaaigaas.

Daraad ayaa waxaa Xaafad ka tirsan Gaalkacyo lagu arkay Meydka Caasho Ilya as oo 13sano jir aheyd,taasi oo si xun loo dilay,kadibna waxaana la sheegay in la dhigay Meydkeeda Gurigooda Hortiisa,isla markaana ay Reerkeeda ka maqneyd oo ay baadi goobayeen.

HOOS KA AKHRISO Amarka Ka Soo Baxay Max Kamadda Darajada 1aad Ee M/Gaalkacyo.

https://www.radiodalsan.com/wp-content/uploads/2019/02/Capture-8.png

WASIIRKA AMNIGA IYO TALISKA BOOLISKA OO KULAN DEGDEG KA YEESHAY DHACDADII DADKA LAGU LAAYAY EE DULEEDKA MUQDISHO

Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Ab uukar Islow Ducaale iyo Taliska Ciidanka Booliska ayaa habeen hore kulan degdeg ah ka ye eshay dhacdadii daraad ka dhacday duleedka Muqdisho, halkaasoo daraad lagu laayay sagaal ruux oo lix ka mida ay haween ahaayeen.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii baaritaan dhab ah loogu sameyn lahaa dhacdadaas, iyadoo Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Booliska ay fareen laanta dambi baarista inay si degdeg ah u keenaan caddeymo rasmi ah.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Sh/Hoose ayaa Warbaahinta gudaha u she egay in xubno ka tirsan maamulka deegaan ka Lafoole looga yeeray xarunta baarsita dambiyada ee C.I.D, halkaas oo shalay laga sugayo iney tagaan.

dad alagu xasuuqaya deeganka xaawa cabdi Xubnaha looga yeeray xarunta baarista danbiyada ayaa la filayaa in waxa laga we ydiiyo sida ay ku timid toogashada halka mar ah ee lagu dilay Sagaalka qof ee u bad naa Dumar, iyadoo eeda ugu weyn ee ay wajahayaan ay tahay iney dayaceen mas ’u uliyada ka saarneyd ilaalinta nabadgelya dooda. Xubno ka tirsan maamulka gobolka Sh/ Hoose ayaa sheegay in la isaga fadhiyo cida qaadaneysa mas’uuliyada dadka la lay ay iyo in la keeno dadkii falkaasi geystay ama raad lagu tixraaci karo soo qabashada dambiilayaasha.

Warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in amarka loogu yeeray mas’uuliyiinta deega anka iyo Saraakiisha Ciidamada ay bixiyeen madaxda ugu sareysa dalka, kuwaasoo kulan gaar ahaa Isniintii ka yeeshay toga shada loo geystay dadka ku howlanaa arri maha nadaafada.

Sagaalka qof ee la dilay ayaa ka mid ahaa 38 qof oo ka shaqeynayay howlaha nadaaf ada inta u dhaxeysa Ceelasha Biyaha iyo deegaanka Xaawo Cabdi ee wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.Ma jirto cid sheegatay dilkaas, hase ahaat ee Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoo se ayaa ku eedeeyay inay dilkaas ka dam beeyeen AlShabaab.

XUKUUMADDA SOOMAALIYA OO AMAR DULDHIGTAY SHIRKADAHA GANACSI EE KA HOWLGALLA DALKA

W/Ganacsiga iyo Warshadaha ee XFS ayaa ku wargelisay shirkadaha Ganacsi ee Soomaaliyeed iyo kuwa Ajaanibta inay si deg deg ah ku qaataan Leesinka Ganacsi si ay shaqadooda u sii wataan. Qoraal kasoo baxay ayaa sidoo kale la faray kuwa qaatay Shatiga Ganacsiga ee uu ka dhacsan yahay inay Cusboonaysiistaan,balse hadii ay ee ku cusboonaysiisan waayaan waqtiga Shat iga ugu qoran ee sanadkan ah la ganaaxi doo no.

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshada ha XFSayaa maalmahaan waday dardar xooggan oo ku aadan la socodka shirkada ha Ganacsi ee ka Shaqeeya Gudaha dalka ha ahaadaan kuwa Soomaalida leedahay iyo kuwa Ajaanibta.

SOMALI

DIGNIINTA GANACSiGA- OGEYSIISKA QALAB 

_______________________


OGAYSIIS WAA BIXINAYAAin calaamadda ganacsiga ee kor ku xusan tahay calaamad ganacsi:

British American Tobacco (Investments) Limited, of Globe House, 1 Water Street, London WC2R 3LA, United Kingdom

waxaana loo isticmaalaa iyadoo lala xiriirinayo:

Sigaarka; tubaako, qashin ama la soo saaray; ku duub tubaakadaada; sigaarka tubaakada; alaabta tubaakada; beddelka tubaakada (maaha ujeedo caafimaad); sigaarka; cigarillos; nalalka sigaarka; nalalka sigaarka; cayaaraha; qoraallada sigaarka; warqadda sigaarka; tuubooyinka sigaarka; santuuqa sigaarka; qalabka jeebka ee sigaar-cabista; mishiinka gacanta lagu hayo ee tubaakada isku mudda tuubada waraaqda; siga elektarooniga ah; dareeraha sigaarka elektarooniga ah; alaabta tubaakada loogu talagalay ujeedada kuleylka.

OGAYSIIS WAXAA KA BIXIYAY in dacwad sharci ah laga qaadi doono qof kasta ama shirkad isticmaala calaamada ganacsiga ama wax kasta oo la midabtakooro ama kuwa kale ku xadgudbo xuquuqda shirkaddaas.

SOMALI

DIGNIINTA GANACSiGA- OGEYSIISK A QALABK

_______________________

OGAYSIIS WAA BIXINAYAA in calaamadda ganacsiga ee kor ku xusan tahay calaamad ganacsi:

British American Tobacco (Brands) Limited, a British company of Globe House, 4 Temple Place, London WC2R 2PG, United Kingdom

waxaana loo isticmaalaa iyadoo lala xiriirinayo:

Sigaarka; tubaako, qashin ama la soo saaray; ku duub tubaakadaada; sigaarka tubaakada; alaabta tubaakada; beddelka tubaakada (maaha ujeedo caafimaad); sigaarka; cigarillos; nalalka sigaarka; nalalka sigaarka; cayaaraha; qoraallada sigaarka; warqadda sigaarka; tuubooyinka sigaarka; santuuqa sigaarka; qalabka jeebka ee sigaar-cabista; mishiinka gacanta lagu hayo ee tubaakada isku mudda tuubada waraaqda; siga elektarooniga ah; dareeraha sigaarka elektarooniga ah; alaabta tubaakada loogu talagalay ujeedada kuleylka.

OGAYSIIS WAXAA KA BIXIYAY in dacwad sharci ah laga qaadi doono qof kasta ama shirkad isticmaala calaamada ganacsiga ama wax kasta oo la midabtakooro ama kuwa kale ku xadgudbo xuquuqda shirkaddaas

OGAYSIISKA GUUD DIGNIINTA GANACSIGA

(gudaha dhulka SOMALIA)

OGEYSIIS WAA BIXINAYAA in ETI GIDA SANAYI VE TICARET ANONIM SIRKETI, a Turkish company with head office at ORGANIZE SANAYI BOLGESI 11. CADDE ESKISEHIR TURKEY

Miyuu leeyahay mulkiilaha iyo mulkiilaha shakhsiga ah ee soo socda?

Calaamadaha kor ku xusan waxaa loo isticmaalaa fasalka caalamiga ah 30 iyadoo loo eegayo waxyaabaha soo socda:

Fasalka 30aad: Buskudka; shokolado; keega; qashinka; gafafka; keega; tarts; macmacaanka, macmacaanka, macmacaanka ku salaysan burka iyo shukulaatada, macmacaanka muuska, macmacaanka barafka; burooyinka barafka; Calaamadaha la cuni karo.

OGAYSIIS WAXAA KA BIXIYAY in dacwadaha sharci loo hirgelin doono qof kasta ama shirkad isticmaala calaamad isku mid ah ama midabtakoorka, ama qof kasta oo jabiya xuquuqda lahaanshaha lahaanshaha

Wixii macluumaad dheeraad ah, fadlan la xiriir:

Inventa International Email: info@inventa.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip