Sacudiga oo markii ugu horeysay u magacaabay qof dumar ah safiir

0
Sunday February 24, 2019 - 23:44:25 in Wararka by
  • Visits: 248
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sacudiga oo markii ugu horeysay u magacaabay qof dumar ah safiir

    Boqortooyada Sacudi Carabiya ayaa markii ugu horeysay u magacawday qof dumar ah inay noqoto safiir,waxaana safiirka dalka Maraykanka ay u magacowday Amiiradda Riima Bint Bandar. Amiirada oo aabaheed hore u soo noqday Safiirka Boqortoyada Sacudi Cara

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boqortooyada Sacudi Carabiya ayaa markii ugu horeysay u magacawday qof dumar ah inay noqoto safiir,waxaana safiirka dalka Maraykanka ay u magacowday Amiiradda Riima Bint Bandar. Amiirada oo aabaheed hore u soo noqday Safiirka Boqortoyada Sacudi Carabiya u fadhiya dalka Maraykanka 1983 ilaa 2005 ayaa bedeleysa wiilka uu dhalay Boqor Salman ee Amiir Khaalid Bin Salman oo loo magacaabay Wasiir ku xigeenka gaashaandhigga.




Riima Bint Bandar ayaa xilka la wareegaysa iyadoo weli ay taagan tahay xiisadii ka dhalatay dilkii Jamaal Khashoggi oo ay ku dileen qaar kamid ah sirdoonka Boqortooyada Sacudi Carabiya gudaha Qunsuliyada uu ku leeyahay magaalada Istanbul.

Amiirada ayaa Shahaadada koowaad ka qaadatay Jaamacada George Washington Universitey ee dalka Maraykanka waxayna xilal kala duwan ka soo qabatay Boqortoyada Sacudi Carabiya.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip