SAWIRO: Taliyaha Ciidanka Asluubta Suudan oo booqday Xarunta taliska Booliska

0
Sunday February 24, 2019 - 23:14:11 in Wararka by
  • Visits: 258
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SAWIRO: Taliyaha Ciidanka Asluubta Suudan oo booqday Xarunta taliska Booliska

    Taliyaha Ciidanka Asluubta Dalka Sudaan S/Guud Haatim Al-nuur C/qaadir oo martiqaad ka helay dhigiisa dalka Soomaaliya S/guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa waxaa Xarunta Taliska Boliiska ku soo dhaweeyey Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Gaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Ciidanka Asluubta Dalka Sudaan S/Guud Haatim Al-nuur C/qaadir oo martiqaad ka helay dhigiisa dalka Soomaaliya S/guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa waxaa Xarunta Taliska Boliiska ku soo dhaweeyey Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Gaas Bashiir Cabdi Maxamed iyo Madaxda Hogaanadda Booliiska Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Dalka Sudaan oo ay wehliyaan Taliyayaasha Ciidamadda Asluubta iyo Boliiska ayaa Salaan ka qaatay Cutub ka tirsan Ciidanka Boliiska waxaana kooxda baanbeyda Muusikada u garaaceen Astaanka Muusikada Labada Dal, isagoo mid mid ugu soo wareegay qaybaha uu ka kooban yahay Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Taliayaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Gaas Bashiir Cabdi Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa martiqaad rasmi ah ugu dhiibay Taliyaha Ciidanka Boliiska Suudaan.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Dalka Sudaan Saree Guud Haatim Alnuur C/qaadir ayaa ka mahadceliyey soo dhaweynta ay u sameeyeen Ciidanka Boliiska, iyadoo ay tahay markii ugu horeysey ee uu booqasho ku yimaado Dalka Soomaaliya.

Dalka Suudaan ayaa waxaa uu ka mid yahay dalalka ugu horeeya ee ka caawiya Soomaaliya Tababarida qaybaha ay ka kooban yihiin Ciidanada Qalabka Sida.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip