Dhageyso:-Halkee ayay ku dambeeyeen Gaadiidkii ku xayirnaa Dekadda Muqdisho?

0
Sunday February 24, 2019 - 22:55:16 in Wararka by
  • Visits: 223
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso:-Halkee ayay ku dambeeyeen Gaadiidkii ku xayirnaa Dekadda Muqdisho?

    Todobadyadii la soo dhaafay waxaa dekadda weyn ee Magalada Muqdisho ku xayirnaa Gaadiid farabadan oo ay dalka keeneen Ganacsato Soomaaliyeed,balse ay u xayirnaayeen dhowr sababoob. Ganacsatada Gaadiidkaas leh ayaa waxa ay sheegeen in sababta ugu wey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Todobadyadii la soo dhaafay waxaa dekadda weyn ee Magalada Muqdisho ku xayirnaa Gaadiid farabadan oo ay dalka keeneen Ganacsato Soomaaliyeed,balse ay u xayirnaayeen dhowr sababoob. Ganacsatada Gaadiidkaas leh ayaa waxa ay sheegeen in sababta ugu weyn ee Gawaaridooda uga oo bixi weysay dekada Muqdisho ay aheyd in loo waayay Taargooyin,isla markaana shirkadii Taargooyinka bixin jirtay ay soo wajahday dhaqaale la'aan.

Mid ka mid ah Ganacsatadaas Gaadiidkaasi leh oo lagu Magacaabo Cabdi Waaxid Cabdi Shakuur Cali ayaa sheegay in Shirkadda bixisa Taargada Gaadiidka laga soo dejiya Dekadda ay awood u waayeen inay kumaan taargo soosaaraan,isla markaana dhaqaalaha ay inta badan ku maqan tahay Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya.

Waxa uu sidoo kale sheegay in caqabadahaas ay Gaadiidkooda muqdisho kusoo gelin waayeen ay kala hadleen,Wasaaradda Maaliyadda,Wasaaradda Gaadiidka iyo Shirkadda dekadda maamusha ee Albeyrak balse aan waxba laga qaban.

Cabdi Waaxid Cabdi Shakuur Cali ayaa sidoo kale sheegay in maalma ka hor dekadda Wey nee Muqdisho uu tegay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre,isla markaana uu amar ku bixiyay in gaadiidkaas la fasaxo,sidaasina inta badan la fasaxay Gaadiidkoodii ka xayirnaa.

Audio Player
 
00:00
00:00
Use



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip