Dilal ka dhacay Magalada Muqdisho iyo duleedkeeda

0
Sunday February 24, 2019 - 22:33:08 in Wararka by
  • Visits: 264
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dilal ka dhacay Magalada Muqdisho iyo duleedkeeda

    Kooxo hubeysan ayaa deegaanka Weeydoow ee duleedka Magalada Muqdisho waxaa la sheegay inay ku dileen askari ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya,kadibna ay baxsadeen. Askariga oo la sheegay in uu ka tirsanaa Ciidamada Nabadsugida Soomaaliya aya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxo hubeysan ayaa deegaanka Weeydoow ee duleedka Magalada Muqdisho waxaa la sheegay inay ku dileen askari ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya,kadibna ay baxsadeen. Askariga oo la sheegay in uu ka tirsanaa Ciidamada Nabadsugida Soomaaliya ayaa watay sida ay Goobjoogayaal sheegeen Mootada nooca fekonta,waxaana la sheegay in sidoo kale ay toogteen rag hubeysan oo iyana Mooto watay,halkaasna ay isaga baxsadeen.

Ciidamo Boolis ah ayaa saacado kadib gaaray goobta uu dilka ka dhacay,iyaga oo halkaasi kasoo qaaday Medyka askari balse aaney u suurtagelin inay gacanta ku dhigaan kooxii ka dambeeyay dilkaas.

Wararka aan heleyno ayaa sidoo kale waxa ay sheegayaan in raggii ka dambeeyay dilka askariga ka tirsanaa Ciidamada Nabadsugida ay horay u sii qaateen Qori nooca AK47 ah oo uu watay.

Dhinaca degmada Dharkenley gaar ahaan Xaafada Macmacaanka ayaa waxaa kooxo hubeysan ay ku dileen Nin Oday ahaa oo la sheegay in uu ahaa Nabadoon laguna Magacaabi jiray Muxudiin Kilkilow,isla markaana dadkii dilay ay Goobta ka baxsadeen.

Inta badan dilalka loo geysto askarta ka tirsan ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ka dhaca Muqdisho iyo duleedkeeda ayaa waxaa mas’uuliyadooda sheegta Ururka Al-Shabaab.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip