Dhageyso:-Taliska Booliska oo sheegay in dad loo qabtay dilkii Xildhibaan Cisman Cilmi Boqore

0
Sunday February 24, 2019 - 21:14:20 in Wararka by
  • Visits: 227
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso:-Taliska Booliska oo sheegay in dad loo qabtay dilkii Xildhibaan Cisman Cilmi Boqore

    Shalay Gelinkii dambe ayay aheyd markii degmada Kaaraan ee Gobolkan Banaadir lagu dilay Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore,hayeeshee taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxa ay sheegeen in dilkaasi dad loo qabtay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shalay Gelinkii dambe ayay aheyd markii degmada Kaaraan ee Gobolkan Banaadir lagu dilay Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore,hayeeshee taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxa ay sheegeen in dilkaasi dad loo qabtay.


Taliyaha hoggaanka Waaxda Canshuuraha ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdullaahi Xasan Bariise oo Warbaahinta kula hadlayay Muqdisho ayaa sheegay in laamaha Amniga Soomaaliya ay qabteen laba ruux iyo Gaari ay wateen,kuwaas oo lagu tuhmayo dilka Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore.

Waxa uu sheegay taliyaha in kiiska dilka ah ee loo geystay Xildhibaanka aan intaasi looga hari doonin,isla markaana ragga la hayo baaritaano lagu sameyn doono,sidoo kale kuwo kale oo uu sheegay inay maqan yihiin ay ku raad joogaan.

Cadaaladda ayuu sheegay in dhawaan la horkeeni doono dadkii ka dambeeyay dilka Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore,xilli uu ku sugnaa Xaafad ka tirsan degmada Kaaraan ee Gobolkan Banaadir.

Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore ayaa ka mid ahaa xildhibaanada ugu da’da weyn ee Baarlamaanka Soomaaliya,waxaana uu mar ka mid noqday guddoomiye ku xigeenada Golaha Shacabka,waxana lagu xasuustaa in uu ka qeyb qaadan jiray doodaha kulul oo ay yeeshaan Xildhibaanada Baarlamaanka.

Audio Player




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip