Madaxweyne Deni "Waxaan ka xumahay in hub fara badan oo Soomaaliya loogu deeqo, uusan Puntland soo gaarin"

0
Sunday February 24, 2019 - 21:00:22 in Wararka by
  • Visits: 246
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Deni "Waxaan ka xumahay in hub fara badan oo Soomaaliya loogu deeqo, uusan Puntland soo gaarin"

    Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa beesha Caalamka ku dhaliilay iney soo gaarin taageerada uu ku bixiyo magaca Soomaaliya. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in maamulkiisa dhibaato ku qabo Kooxaha Shabaab iyo Daacish, kuwaasoo uu sh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa beesha Caalamka ku dhaliilay iney soo gaarin taageerada uu ku bixiyo magaca Soomaaliya. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in maamulkiisa dhibaato ku qabo Kooxaha Shabaab iyo Daacish, kuwaasoo uu sheegay iney ku soo qulqulayaan deegaanada Puntland, iyagoo ka soo talaabaya baddaha. Si arrimahaas looga hortago, ayuu talo ahaan u soo jeediyay in maamulkiisa lagu garab istaago sidii meesha looga saari lahaa Kooxaha argagixisada oo saldhigyo waaweyn ka sameystay buuraleyda gobolka Bari.

"Waxa ugu weyn ee maanta Soomaaliya la rabo in laga taageero waa Nabadgelyo, waa Cadawgii oo hada ka soo tallaabaya badda oo Ajaanib leh oo soo galaya buuraha bari ee Puntland iyo cadaw deegaano kale ka imaanaya oo raba in midnimada iyo wadajirka puntland ay wiiqaan, arrimahaasoo dhan waxey u baahan tahay difaac adag” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Waxaa uu sheegay in Puntland aaney soo gaarin hub fara badan oo loogu deeqay dowladda Soomaaliya, maamulkiisana aaney awood u leheyn inuu hub soo iibsado haduu dhaqaale ku bixin lahaa xitaa.

"Waxaan aad uga xumahay in hub aad u fara badan oo Soomaaliya loogu deeqay uusan Puntland soo gaarin, iyadoo ah meesha kaliya oo ilaalisa midnimada Soomaaliya, hor istaagtay cid kasta oo damac ka gashay Soomaali in wixii ay mudneyd aysan helin waxa ugu weynn annaga xisaabta aan gelin doono waxaa ka mid ah in xuquuqda Shacabka iyo Ciidanka la helo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweynaha.

Hadalkan ayaa Madaxweynaha Puntland uu ka jeediyay Xerada 54aad oo ah taliska guud ee ciidamada difaaca Puntland ee ku taalla duleedka Garowe.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip