Soomaaliya oo sanadkan qabaneysa hoggaanka Golaha Wasiirada Jaamacada Carabta

0
Sunday February 24, 2019 - 20:52:24 in Wararka by
  • Visits: 228
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya oo sanadkan qabaneysa hoggaanka Golaha Wasiirada Jaamacada Carabta

    Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in Soomaaliya ay madax u noqoneyso Golaha Wasiirada ee Jaamacada Carabta. Amb. Cawad ayaa sheegay in lixda bilood ee soo socota ay Soomaaliya qaban doonto Hoggaanka Golaha Wasiirada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in Soomaaliya ay madax u noqoneyso Golaha Wasiirada ee Jaamacada Carabta. Amb. Cawad ayaa sheegay in lixda bilood ee soo socota ay Soomaaliya qaban doonto Hoggaanka Golaha Wasiirada Jaamacadda Carabta tan iyo sanadkii 1974-kii.


Soomaaliya ayaa 10 sano ka hor shir guddoomisay Shirka Golaha Wasiirada Jaamacadda Carabta ee ka dhacay Qaahira, waxaana xilligaas shir guddoomiyay Wasiirkii hore ee Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga C/raxmaan C/shakuur Warsame

Wasiir Cawad ayaa ka mid ah wafdiga Madaxweyne Farmaajo ee ka qeyb galaya shirka hoggaamiyayaasha dalalka Carabta iyo kuwa Midowga Yurub ee maanta ka furmaya Magaalada Sharma Sheekh.

Waxaa uu sheegay inta lagu guda jiro shirkaas ay Madaxweyne Farmaajo is arki doonaan Madax kala duwan, sida Madaxweynaha Masar iyo Ra’iisul Wasaarayaasha dalalka Denmark iyo Sweden.

Shirka maanta ka furmaya Magaalada Sharma Sheekh waxaa ka qeybgelaya 22ka Hoggaamiye ee Waddamada Jaamacadda Carabta iyo 28-ka Hoggaamiye ee Waddamada Midowga Yurub.

Waxaa shirkan diiradda lagu saarayaa Maalgashiga, xiriirka, la dagaallanka Argagixisada iyo sidii loo yareyn lahaa Muhaajiriinta ka baxa Waddamada Carabta ee u tahriiba dalalka Yurub.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip