Askari ka tirsan ciidamada Dowlada oo lagu diley duleedka Muqdisho

0
Sunday February 24, 2019 - 20:12:00 in Wararka by
  • Visits: 237
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askari ka tirsan ciidamada Dowlada oo lagu diley duleedka Muqdisho

    Askari ka tirsan ciidamada dowlada federalka ayaa lagu diley deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedka magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Askari ka tirsan ciidamada dowlada federalka ayaa lagu diley deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedka magaalada Muqdisho.

Askariga la dilay oo watay Mootada labada lugood leh ee loo yaqaan Fekonta ayaa rasaas ku furay labo ruux oo ku hubeysan bastoolado kuwaaasoo watay mooto kale.

Kooxda dilka geysatay ayaa hore u kaxeystey mootadii uu watay askariga iyagoo hore u sii qaatay qorigii uu watay askariga.

Saraakiisha laamaha amaanka waxa ay sheegeen iney baxsadeen kooxdii dilkaas geysatay, iyadoo la baadi goobayo mootadii ay ku baxsadeen.

Dhinaca kale waxaa xalay koox ku hubeysan bastoolado ay ku dileen degmada Dharkiinleey nin magaciisa lagu sheegay Muxidiin Mocow oo ahaa nabadoon si weyn looga yiqiin degmada Dharkeynley.

Ciidamada amaanka oo tagay halka uu dilka ka dhacay, ayaa sameeyay howlgalo baaritaano ah, iyadoo aan la soo sheegin wax dad ah oo lagu soo qabtay howlgalka.Si kastaba, wax ka yar 24 saacadood magaalada Muqdisho waxaa lagu dilay 3 qof oo uu ku jiray Xildhibaan Cismaan Cilmi Qore, iyadoo wax badan la iska weydiinayo tira badnida Ciidamada kala duwan ee ku sugan Muqdisho iyo sida fudud ee ku baxsadaan dhalinyarada Bistooladaha la carara ee dilalka ka geysta Caasimada.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip