24-KA FEBARAAYO 2019-KA HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA AXAD 24-KA FEBARAAYO 2019-KA

0
Sunday February 24, 2019 - 08:18:04 in Wararka by
  • Visits: 474
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    24-KA FEBARAAYO 2019-KA HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA AXAD 24-KA FEBARAAYO 2019-KA

    SHIR MADAXEEDKA DALALKA CARABTA IYO MIDOWGA YURUB OO MAANTA KA FURMAYA SHARMA EL-SHEIKH Saacadaha soo socda oo Maanta ah ayaa la filayaa in Magalada Sharma El-Sheikh ee dalka Masar in uu ka furmo shir Shir Madaxeedka dalalka Car-abta iyo M

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

SHIR MADAXEEDKA DALALKA CARABTA IYO MIDOWGA YURUB OO MAANTA KA FURMAYA SHARMA EL-SHEIKH Saacadaha soo socda oo Maanta ah ayaa la filayaa in Magalada Sharma El-Sheikh ee dalka Masar in uu ka furmo shir Shir Madaxeedka dalalka Car-abta iyo Midowga Yurub oo ah kii ugu horeeyay oo ay dalkaasi ku yeeshaan. Shirkaas ayaa waxaa Soomaaliya uga qeyb galaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo,waxana sidoo kale ka qeyb galaya 22 dal oo ka socda Wadamada Carabta 28 ka mid ah Midowga Yurub oo uu Ingiriiska ku jiro. Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed ciise Cawad oo ku sugan dalka Masar ayaa sheegay in shirkaasi looga hadli doono xoojinta iskaashiga u dhexeeya dalalka Carabta iyo Yurub, xallinta caqabadaha waddamada caalamka horyaalla sida tahriibka iyo Amniga, iyo sidii wax looga qaban lahaa xasilooni darrada ka jirta qaar kamid ah dalalka Carabta. Masuuliyiinta iyo Diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee qaybta ka ah wafdiga Madaxweynaha ayaa dhankooda kulamo gaar ah la yeelan doona dhiggooda dalalka Carabta iyo Yurub, iyaga oo kala xaajoon doona sare u qaadidda iskaashiga iyo wada-shaqaynta ka dhexaysa. Wadamada Midowga Yurub ayaa xilligaan waxa ay doonayaan inay xiriir wanaagsan la yeeshaan Wadamada Carabta oo qaarkood ay qani ku yihiin Shidaalka iyo Saliida,waxaana xusid mudan in qaar ka mid ah wadamada Yurub ay martigeliyaan Qaxooti Carbeed oo wadamadooda dagaalo uga cararay.


KIM JONG-UN OO TAREEN KU TAGAYA VIETNAM OO ISAGA IYO TRUMP SHIR KU YEELAN DOONAAN

Kim Jong-un iyo Donald Trump a-yaa markii labaad kulmi doona 27-28 bisha Febraa-yo

Warbaahinta qaranka Kuuriyada Waqooyi ayaa waxa ay xaqiijisay in hog-aamiye Kim Jong-un uu u kicitimay shirka uu Vietnam kula yeelanayo Madaxw-eynaha waddanka Mareykanka Donald Trump.

Warbixinn lagu baahiyay warbaa-hinta qaranka ee Kuuriyada waqooyi ayaa ah qirashadii ugu horeysay ee xukkum-adda Pyongyang ay ku shaacinayso in shirka Hanoi uu dhici doono.

Warbixinn lagu baahiyay warb-aahinta qaranka ee Kuuriyada waqooyi ayaa ah qirashadii ugu horeysay ee xuk-kumadda Pyongyang ay ku shaacinayso in shirka Hanoi uu dhici doono.

Socdaalkiisa waxaa la shaaciyay saacado uun ka dib markii tareen gaa-shaaman oo midabkiisu yahay cagaar iyo huruud uu ka gudbay xadka dalkaasi la leeyahay Shiinaha.

Safarka dalka Vietnam ayaa la filaya in uu qaato 60 saacadood. Waxaa la aaminsanyahay in safarka ay ku weh-eliyaan walashiis Kim Yo Jong, iyo mid kamid dadkii wadahadalada ugu qey-bgalayay Jeneraal Kim Yong Chol.

Waxaa jirto hadal hayn shee-gaysa in Mr Kim uu booqani doono xar-umaha ganacsiga ee Vietnam shirka ka hor. Donald Trump ayaa waxaa uu isku deyi doona in uu siiyo Kim kaalmo loogu talagalay in lagu kaabo dhaqaalaha dalkiisa ee sii liicayay hadii uu joojiyo barnaamijkiisa nukliyeerka. Shirka mad-axeedkan labaad ee aadka looga dhur-sugayo ayaa waxaa uu dhici doona ma-alinta Arbacada.

QEYBTII UGU HOREYSAY CIIDAMADA BURUNDI OO DALKOODA DIB UGU LAABTAY

Sida laga soo xigtay saraaakiil ka tirsan ciidamada Burundi ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM waxaa bilaaw-day dib u celinta ilaa 1,000 askari oo ka mid ah ciidamadooda ku sugan Soom-aaliya.

Khamiistii aynu soo dhaafnay ay-eey sheegeen saraakiishu in ay gaa-reen magaaalada Bujunbura ilaa 200 oo askari oo bilow u ah 1.000 askari oo mi-dowga Africa uu dalbaday in dib loogu celiyo dalkooda.

Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in ay halkeeda ka soo socto daa-bulida ciidamada Burundi oo intooda ba-dan ka imanaya deegaannada gobolka Shabeellaha dhexe oo ay ka howlga-laan.

Dowladda Burundi guud ahaan marka la eego kuma qanacsana go’aa-nka midowga Africa uu Sooomaaliya uga soo saarayo qeyb ka mid ah ciida-madooda ka tirsan AMISOM, waxaana uu madaxweynaha dalkaas ku baaqay shir deg deg ah oo arritan ka yeeshaan dalalka ciidamada ka jooga Soomaaliya.

KHEYRE” DAD BADANI WAXA AY AAMINSAN YIHIIN IN AY MAXAABIIS ILAALIYAAN CIIDAN KA ASLUUBTA”

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khayre oo ka qayb galay shalay munaasabadda xuska 49-aad ee aasaaska ciidanka Asluubta Soom-aaliyeed ayaa xarigga ka jaray xabsiga guud ee Muqdisho iyo maxkamad casri ah oo laga hir-geliyay gudaha Taliska Guud ee Asluubta.

"Ciidamada Asluubta Soo-maaliyeed waxa ay la haayeen magac iyo maamuus, dad badani waxa ay aa-minsanyihiin in ay maxaabiis ilaaliyaan. waa in aan aqbalnaa in Shaqadoodu tahay toosin, waa in aan aqbalnaa in Shaqadoodu tahay barbaarin, waa in aan aqbalnaa in shaqadoodu tahay anshixin iyo wacyi gelin, waa in aan aqbalnaa in shaqadoodu tahay inay dib-u-caawiyaan dad Soomaaliyeed oo si ay noloshu uga qaldantahy, kuna soo celi-yaan bulshada si ay uga qayb qaataan dib-u-dhiska iyo dib-u-yagleelidda qara-nnimada Soomaaliyeed”, ayuu yiri Ra-’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

"Waan halkaan idinkaga hamb-alyeynayaa shalayy in aad soo dha-maystirteen xabsigii la rabay in lagu xanaaneeyo dad Soomaaliyeed laakiin ay ka muuqato qaabka uu dalkeennu dib ugu soo dhismaayo, waxaan uga hambalyaynayaa ciidamada asluubta iyo wasaaradda caddaaladda iyo bahda caddaaladda oo dhan oo halkaan joogta oo naftooda dalka u huray, annaga oo tacsina u dirayna kuwii ku geeriyooday oo uu ugu dambeeyay xeer ilaaliye ku-xigeenkii, in xabsigii iyo maxkamaddii ay isku dhex taallo, macnaheedu waxa ay tahay in cadddaaladii ay tallaabo horay u qaaday, waan idiin hambalyeynayaa, Soomaaliya waxa aan leeyahay Ilaahey ha u barakeeyo”, ayuu raaciyay ra’iisul wasaaraha XFS.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo cii-danka asluubta ugu hambalyeeyay mu-naasabadda 49 sano guurada kasoo wareegtay aasaaska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa u ballan qaaday in madaxda qaranku kala shaqaynayso gudashada waajibadka qaran ee saaran iyo helidda dhammaan xuquuqaadaka ay leeyihiin isaga oo xasuusiyay in cii-danku ay yihiin laf-dhabarta dawladni-mada dalka.

Xabsiga guud oo la gaarsiiyay heerka xabsiyada caalamka loona dha-maystiray adeegyada ay u baahanyihiin maxaabiista lagu xiro, una ogolaanaya xuquuqdooda aasaasiga ah, ayaa mee-sha ka saararaya dhibaatooyinkii maxa-a-biistu ku qabeen gudaha xabsiyada lagu xiro.

Dawladda Soomaaliya ayaa mu-hiimad gaar ahaaneed siisay hanna-anka xabsiyada dalka loogu bedelayo gooba dhaqan celin, waxbarasho iyo toosin, si looga gudbo dhaqankii hore ee ahaa in xabsiyadu loo aqoonsado goob ciqaabeed, waxaana halbeegyada wasaaradda caddaaladdu ay ku leed-ahay Tubta Amniga iyo caddaalada ka-mid ah hagaajinta xabsiyada dalka guud ahaan

XISBIGA MUCAARADKA AH EE WADDANI OO MADAXWEYNE BIIXI USOO JEEDIYEY EEDDO

Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa si weyn uga horyimid eraygii Itoobiya u isticmaashay Somalil-and ee ay ku sheegeen maamulka, isla markaana ay kaga hadlayeen soo dhoweyntii weftigii madaxweyne Muuse Biixi uu ku tagay Addis-ababa.

Xoghayaha arrimaha dibadda xisbiga WA DDANI Faadumo Siciid Ibraahim, ayaa sheegtay in uu madaxweynuhu ka ja waa bo sababta uu u aqballay inay Somaliand maamul lagu sheego.

"Qoraalka ka soo baxay kulankii mada xweyne Muuse iyo Ra’isal wasaa raha Itoobiya waxay warmurtiyeedkii ay ka soo saartay Itoobiya sheegtay inuu Madaxwey ne Muuse Biixi uu aqballay inuu si fiican ula shaqeeyo Soomaaliya, waxaanay Itoobaya isticmaashay era-yga Maamulka oo ay ku sheegeen Som-aliland, kaasi oo ka dhigaysa maamul goboleedyada Soomaa liya ka jira, waxaanay u qornayd inuu maa mulka Somaliland la shaqaynayo dawlada fadaraalka Soomaaliya, Anagu waxaan doonaynaa inuu madaxweynuhu noo cadeeyo miyeynu tuurnay qaranimadii Somaliland, miyeynu qaadanay maamul goboleed, goormaanu wada shaqayn yeelanay Soomaaliya, goormaynu xooj-inayna wada shaqaynta aynu la lahayn Soomaaliya ee qoraalka lagu xusay ee ku qoran, mugdiyo faro badan baa ku jirta, marka maaha inaynu shalay ku doodno waa la ina soo dhowe eyey”-ayey tidhi Faadumo Siciid oo dhal-iilaysay erayga Itoobiya ku qortay qoraal ay kaga hadlayeen kulanka weftiga ma-daxweyne Biixi oo ay ku qoreen maa-mulka Somaliland.

Sidoo kale, wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin oo isagu daraad ka jawaabay sababta Itoobiya qoraalkeeda ugu qortay maa-mulka Somaliland mar arrintaasi wax laga way diiyey, waxa uu kaga jawa-abay inay iska caadi tahay oo dawla-daha waawe ynba la gu sheego maam-ulka hebel, waxaanu xu say in arrintaasi in wax weyn ahayn.

SHABAAB OO XUKUN KU RIDAY HAWEENAY

Ururka Al Shabaab ayaa xukun ku fuliyay haweenay ay ku eedeeyeen inay ku kacday Fal Zino ah Degmada Kamsuuma ee Gobolka Jubbada hoose.

Xukunkaan ayaa dhacay daraad galab, kadib markii ay ku fuliyeen haweenayda lagu magacaabo Maryam Muxudiin Ma-xamed 100 Jeedal ah.

Dadweyne badan ayaa daaw-anaayay goobta fagaaraha ah ee hawe-enaydaan xukunka lagula fuliyay, waxa-ana Xukunka ku dhawaaqay Qaadiga Shabaab.

Qaadiga Maxkamadda ayaa she-egay haweenayda inay qiratay falka ay ku kacday, sidaasi awgeedna xukunka loogu fuliyay.Deeganada Shabaab ay joogaan ayaa waxaa ka dhaca xuk-unada noocaan oo kale ah oo ay ku fuli-yaan dadka ay ku eedeeyeen inay gal-aan falalka Zinada.

Maxkamadaha Shabaab ayaa-nan wali ridin xukun loo haysto askari ka tirsan Shabaab oo fal zino ah galay.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO GAARAY SHARMA EL-SHEIKH

Madaxweynaha JF/Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farm-aajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Masar si ay uga qayb-galaan Shir Mada xeedka dalalka Car-abta iyo Midowga Yu rub oo berri ka furmaya magaalada Shar ma El-Sheikh.

Shir Madaxeedka dalalka Carabta iyo Midowga Yurub oo markii kowaad dalka Masar lagu qabanayo ayaa waxaa loo-ga hadlayaa xoojinta iskaashiga u dhe-xeeya dalalka Carabta iyo Yurub, xal-linta caqabadaha waddamada caalamka horyaalla sida tahriibka, iyo sidii wax looga qaban lahaa xasilooni darrada ka jirta qaar kamid ah dalalka Carabta.

Madaxweyne Farmaajo ayaa madaxda Carbeed iyo kuwa reer Yurub kala hadli doona sidii taageero dhan wa-lba ah loogu fidin lahaa dowladda Soo-maaliya oo ku hawlan dib u soo kabas-hada iyo dowlad-dhisidda Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale shir-doceedyo la yeelan doona mada-xda ka soo qayb-gelaysa shirka isaga oo kala hadli doona xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka Carabta iyo Yurub.

Masuuliyiinta iyo Diblumaasiyi-inta Soomaaliyeed ee qaybta ka ah wa-fdiga Madaxweynaha ayaa dhankooda kulamo gaar ah la yeelan doona dhiggo-oda dalalka Carabta iyo Yurub, iyaga oo kala xaajoon doona sare u qaadidda iska ashiga iyo wada-shaqaynta ka dhe-xaysa.

Safarkan waxaa Madaxweynaha ku weh eliya Wasiirka Arrimaha Dibad-da iyo Iskaa shiga Caalamiga ah Mu-dane Axmed Ciise Cawad, Wasiiru Do-wlaha Madax too yada Mudane Cabdul-qaadir Sh. Cali Baqdaadi iyo La-taliyey-aal sare oo ka tirsan Xafiiska Madaxwe-ynaha.

MADAXWEYNAHA GALMUDUG OO WEERAR AFKA KU QAADAY DOWLADDA SOMALIYA

Madaxweynaha Maamulka Ga-lmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa weerar afka ku qaaday dowladda Federalka Somaliya.Xaaf oo shalay dib ugu laabtay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, ayaa wuxuu sheegay balamihii dowladda Somaliya ay wada galeen inaysan waxba ka soo bixin.

Wuxuu sheegay kulankii ugu da-mbeeyay ee Madaxweyne Farmaajo ay ku wada yeesheen Magaalada Garowe waxyaabihii la isla gartay inaysan wax-ba ka dhaqangelin.

Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in dowlada Federaalka ay dagaal kula jirto Galmudug, islamarkaana ay isku dayeeyso in ay Ciidamada 21-aad iyo NISA u adeegsato caburin iyo in ay u isticmaalan si qaldan taasina ay ka hor-tagi doonaan oo aysan marnaba suur-aabi doonin ay wiilashooda loo adeeg-sado.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa ugu baaqay shacabka reer Galmudug isku tashtaan oo ay garab istaagaan Maamulkooda.

Madaxwe

XASARADAHA KA TAAGAN DALKA VENEZUELA OO CIRKA ISKU SII SHAREERAYA

Wararka laga helayo dalkaasi Venezuela ayaa sheegaya in koox da-dka asal ahaan ka soo jeeda Venezuela ay isku dhaceen ciidammada ammaan-ka ee uu soo amray madaxweyne Nic-olas Maduro – kuwaasoo isku dayayay inay ka hortagaan gargaar ka soo gala xadka Brazil.

Hoggaamiyaha mucaaradka Ju-an Guaido, oo isagu bishii hore isku ma-gic aabay madaxweynaha ku meel gaa-rka ah ee dalkaasi, Mareykankuna uu u sacabba tumay, ayaa sheegay inuu doonayo in gar gaar ka socda Mareyka-nka iyo mid caal ami ah la geeyo dalk-aasi.

Waa tallaabo uu madaxweyne Mad-uro hore u diiday, isagoo dafiraya in xa-sarad bani`aadannimo ay dalkiisa ka jirto.

Dhanka kale, Xadka Venezuela uu la wad aago dalka Colombia, tobnaan kun oo qof ayaa ka qayb galay isu imaatin uu soo qa ban qaabiyay bilyaneerka Richard Bran son.

Madaxweynayaasha Chile iyo Colom bia ayaa ka soo qayb galay. Isu imaatin kale oo uu meel halkaasi 300m u jirta uu ka soo abaabulay madaxweyne Nicolas Maduro ayaysan dad badan ka qayb galin.

HAWEENEY SOOMAALI AH OO GABADHEE DA KU SAMEYSAY GUDNIINKA FIRCOONIGA OO LA XUKUMAY

Maxkamadda Federalka ee dalkaasi ayaa xaqiijisay Xukun ay Maxkamad Heer Gobal horey ugu riday Haweeney Soomaali ah oo lagu helay inay 2 gab-dhood ay dhashay u dhoofisay Somalia si loogu soo sameeyo Gudniinka Fircoo-niga oo mamnuuc ka ahaa dalka Swi-tzerland iyo inta badan dalalka aan

Muslimka ahayn.

Haweeneydaasi oo aan magace-eda la shaacinin ayaa la sheegay in lagu xukumay Xabsi 8 bilood ah, waana Xukunkii ugu horreeyey eeKiiskaasi ee ka dhaca dalka Switzerland.

Xukunkaasi oo dhacay daraad oo Jimco ahayd waxay Maxkamadda Fe-deralka ee dalkaasi ku gacan-sayrtay sheegasho ay Haweeneydaasi ku she-egtay inaysan ka war haynin inuu Gudn-iinka fal Dembi ah ka yahay dalka Swi-tzerland.

Gabdhaha ay Haweeneydaasi dhashay ee lagu sameeyey Gudniinka FGM ayaa la sheegay in sannadihii 20-13-kii iyo 2015-kii loo dhoofiyey dalalka Somalia iyo Somalia, si loogu soo gudo, waa sida ay Dacwad-oogayaasha u gudbiyeen Maxkamadda.

Hooyadda Soomaalida ee xuk-unka lagu riday ayaa la sheegay inay ku nooshahay Gobalka Nejutel ee dalka Switzerland ee looga hadlo Luqadda Faransiiska

Haweenydaasi ayaa la sheegay in Somalia loo soo dhoofin doono marka ay dhamaysato Xukunka 8-da bilood, halka ay carruurteeda la joogi doonaan Aabahooda oo isna ku nool dalka Swit-zerland.

Sannadkii hore DFS waxay bil-owday kiiskii ugu horreeyey Dacwadda Gudniinka FGM, kadib, markii ay gabar 10-jir ah u geeriyootay markii lagu sam-eeyey Gudniin nooca FGM.

Si kastaba ha ahaatee, 55 million oo gabdho ku nool Qaraadda Afrika ay-aa lagu sameeyey gudniinka FGM, iyad-oo Somalia heerka ugu sarreeyo kaga jirto Gundniinka noocaasi ah oo 98% gabdhaha lagu sameeyo Gudniinkaasi oo loogu dhaqmo dhaqan ahaan.

XUBNO AL-SHABAAB AH OO KU GEERIYOO DAY QARAX KA DHASHAY GAARI AY SAARNAAYEEN

Saraakiisha Milateriga Sooma-aliya ee gobolka Gedo, gaar kuwa ku sugan degmada Garbahaareey ee Xa-runta Gobolka Gedo ayaa sheegay in ay Qarax ku dhinteen ilaa 10 dagaalame oo Al-shabaab ah.

Saraakiisha ayaa sheegay in X-ubno katirsan Al-shabaab oo saarnaa gaari ay Qaraxyo ku soo rareyn uu kula qarxay degaanka Ceel-cade ee gobolka Gedo.

Ma jirto ilo dowladda ka madax banaan oo warkaan xaqiiijisay, Al-shabaab weli kama hadli arintaan la sheegay in ku qabsatay gobolka Gedo.

KENYA OO MAXKAMAD SOO TAAGTAY HOO YO WIILKEEDA LOO HEYSTO WEERARKII DUSITD2

Maxkamad ku taalla magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa la soo taagay Sakina Abdalla oo ah hoo-yada dhashay Ali Salim Gichunge oo la rumaysan yahay in uu yahay maskaxdii ka dambeysay weerarkii Bishii Janaayo Al Shabaab ay ku qaadeen hotelka DusitD2 ee magaaladaasi.

Qaadiga Maxkamadda Francis Andayi ayaa sheegay in haweeneydani lagu eedeeyay in ay Booliska ka diiday in ay u sheegto halka uu ku sugan yah-ay wiilkeeda.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in Taleefoonkeeda laga helay xiriiro joo-gta oo la samey jirtay dad jooga Soom-aaliya, kuwaasi oo ay haatan baaritano ku socdaan.

Dhageysiga dacwadda ka dhan-ka ah Haweenaydan ayaa dib loo dhi-gay, iyadoona loo fariisan doonon tod-obaadka soo aadan.

Dowladda Kenya ayaa horay u sheegtay Ali Salim Gichunge uu yahay maskaxdii ka dambaysay weerarkaasi oo ay ku dhinteen in badan 20 Qof oo Kenyaan ah, kadib markii rag hubeysan oo ka tirsanaa Al Shabaab ay gudaha u galeen hoteel nuuca raaxada oo ku yaala galbeedka magalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

DENMARK OO SHEEGTAY IN MUHAAJIRIINTA LAGU GACAN-SAYRO CODSIYADOODA LOO GUDBIN DOONO…

Baarlamaanka dalkaasi waxa uu ansixiyey Sharci Cusub oo Jesiirad Sha-ybaar u ahayd Doofaarka laga dhigo Xarun lagu hayo Muhaajiriinta Demb-iyadda gala iyo kuwa diidan in dib loogu celiyo dalkooda hooyo.

Sharcigaasi waxa uu Muhaajir-iinta uga digaya in loo gudbin doono Je-siiradda Lindholomee horey u ahayd Shaybaar lagu baaro cudduradda ku dhaca Doofaarka, haddii ay Dembi ku galaan gudaha dalka Denmark ama ay diidaan in loo masaafuriyo dalkooda Hooyo.

Isbedelka Sharciga Cusub ee Qaxootiga ee dalkaasi waxaa muddo dheer u ololeynayey Xisbiga Dadka Danishka ee (DF), waxayna soo dhaw-eeyeen Sharciga Cusub ee fasaxaya in Muhaajiriinta dembiyadda gala iyo kuwa diidan in dalkooda lagu celiyo lagu hayo Jesiiradda Lindholom oo horey u ahayd Saldhig Cilmi-baarista cudduradda ku dhaca Doofaarka.

Wasiirka Maaliyadda ee dalka Denmark, Kiristiaan Jensenwaxay fa-ahfaahin dheeraad ah ka bixisay in Jes-iiradaasi loo isticmaalo Guriyeynta dad-ka la masaafurinayo, waxayna xustay inay jiraan xadidaada badan oo lagula socon karo Muhajairiinta loo gudbiyo Jesiiradda Lindholom.

Sharciga Cusub ee ay Mudana-yaasha Barlamaanka Denmark ansixiy-een waxa uu meesha ka saari doonaa inay Muhaajiriin cusub si fudud isaga dhiibaan dalkaasi, taasi oo la micno ah inay Dowladda Denmark adkeysay Sha-rciga Magangelyo-doonka ee dalkaasi .

Bishii December ee sannadkii hore, Haweeneyda Wasiirka Socdaalka ee dalka Denmark, Inger Støjberg wa-xay la hadashay Mujtamaca Soomaal-ida ee ku nool dalkaasi, iyadoo sheeg-tay inay dib ugu laabtaan dalkodoa hooyo, kana qeyb galaan Dib-u-dhiska dalka ay asal ahaan ka yimaadeen.

BOOLISKA OO GACANTA KU DHIGAY DHALIN YARO KU HUBEYSAN TOOREEYO

Wararka naga soo gaaraya Mag-aalada Garowe Caasimadda Puntland ayaa waxa ay sheegayaan Taliska Bool-iiska gobolka Nugaal ay shalay soo bandhigeen ku dhawaad 30 dhalinyaro ah oo lagu soo qabtay hawlgallo ay cii-damada amnigu ka sameeyeen xaaf-adaha kala duwan ee magaalada Gar-oowe.

Xassan Cabdullaahi Maxamed Taliyaha Qeybta Booliiska gobolka Nu-gaal ayaa sheegay in dhalinyarada la soo qabtay ay ku eedaysan yihiin dhaca iyo furashada dadweynaha magaaalada isagoo xusay in qaar kamid ah raggan ay ka soo carareen dhinaca magaalada Boosaaso oo hawlgallo culus ka socd-an.Waxaa uu warbaahinta u soo bandhigay tooriyo la sheegay in ay dhac iyo furasho ku geysanayeen dhaliny-arada la soo qabtay waxaana taliyuhu sheegay in maalinta berri ah maxkamad la isku geyn doono iyaga iyo qalab-koodaba.

QORSHAHA HORUMARINTA QARANKA EE 9-AAD OO KA FURMAY DHUUSAMAREEB

Waxaa shalay si rasmi ah Ma-gaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug uga furmay Wad-atashiga wareegga kowaad ee Qors-haha horuamrinta Qaranka Sagaalaad oo ahmiyad ballaaran u leh dalka .

Waxaa daahfurka wadatashiga ka qeyb ka ahaa Xubna ka kala socda golaha Wasiiradda Galmudug, buslahda rayidka Maamulka iyo Khubarada Qor-shahan shaqaalaha Wasaaradda Qors-heynta Qaranka.

Bulshada ku nool deegaanada Galmudug ayaa si wanaagsan u soo dh-oweeyay qorshaha horumarinta qaranka Soomaaliyeed, ayna diyaar u yahiin in baahiyahooda ay ku biiriyaan Qorshaha Harumarinta Qaranka Sagaalaad.

Guddoomiyaha Gobalka Galga-duud Axmed Cali Jimcaale oo munaas-abada ka hadlay ayaa soo dhaweeyay wadatashiga wareegga kowaad ee Qos-haha Horuamrinta Qaranka Sagaalaad, waxuuna bogaadiyay dadaaalada ay wado Wasaaradda Qorsheynta Qara-nka.

Wasiirka Qorsheynta Dowladd Gobaleedka Galmudug Cabdikaafi Qaaf ayaa sheegay in farxad wayn u tahay maamulka Galmudug,in ay qeyb muhiim ahku yeeshan wadatahsiga Qorshaha horumarinta Qaranka Sagaalaad, isla amrkaana ay diyaar u yahiin in baah-iyaha u baahan wax ka qabashada ka Galmudug ahaan in ay Khubarada la wadaagaan si uu qeyb ugu noqdo Qors-haha Horumarinta Qaranka Sagaalaad.

SAXAAFADDA KENYA "DOWLADDA KENYA WAA INAY SUGTAA GO’AANKA KAMA DAMB EYSTA AH EE DACWADDA BADDA SOOMAA LIYA EE ICJ”

Saxaafadda waddanka Kenya ayaa ku baaqday in dowladda Kenya ay xoogaa yareyso hadallada ad adag ee ay adeegsanayso ee ku saabsan kiiska dacwadda ka dhexeysa labada dal ee badda ay Soomaaliya leedahay oo Kenyaatigu kusoo xad gudbeen.

Wargeyska ‘The Star’ ee ka soo baxa Kenya ayaa shalayy qoray in dow-ladda Kenya ay xoogaa yareyso lahja-dda ay adeegsanayso, isla markaana sugto go’aanka kama dambeysta ah ee maxkamadda cadaaladda ICJ ee Ha-gue, ee dalka Holland.

Kenya ayaa dhowaan dib usoo ceshatay safiirkeedii Soomaaliya Lucas Tumbo halka ay ceyrisay safiirkii Soo-maaliya ee Nairobi Mudane Maxamuud Tarsan.

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha dibadda Kenya Monica Juma ayaa she-egtay in ay taako dhulkooda ah uga tegi doonin waddan kale, isla markaana ugu baaqday Soomaaliya inay raalli gelin bixiso.

Kenya waxay ku andacoonaysaa in Soomaaliya ay xaraashtay xirmooyin shidaal oo ku jira baddeeda hase yee-shee Soomaaliyana waxay dacwad u gudbisay maxkamadda ICJ waxayna sheegtay in dhulkeenna aanay cidina xoog ku qaadan karin.

XASAN SH. MAXAMUUD OO KA TACSIYEE YEY GEERIDA MARXUUM CISMAAN CILMI BOQORE

Boqore Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xas an Sheekh ayaa ka hadlay dilka xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo kooxo hubeysan gelinkii dambe ee shalay ku dileen ma gaalada Muqdisho.War Saxaafadeed uu soo saaray Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu tacsi ugu direy qoyskii iyo eheladii iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed geeri dii allaha u naxariistee Ex Xildhibaan Cism aan Cilmi Boqorre.

"Anigoo ku hadlaayo magacayga iyo ma gaca dhammaan xubnaha iyo bahweynta Xi sbiga Nabadda iyo Horumarka (UPD) wax aan halkaan tacsi uga dirayaa qoyska iyo ehe ladii uu ka geeriyooday Marxuum Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo ka mid ahaa aasaasayaashii Xibiga isla markaana xubin firfircoon ka ahaa Xisbiga.”ayuu ku yiri War Saxaafadeedkiisa Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa ka tacsiyeeyay geerida Xildhibaanka Mas’uulyiin badan waxaana ka mid ah Axmed Macalin Fiqqi oo sheegay inay saaxibo dhow ahaayeen Marxuumka.

{2} = SH. SHARIIF OO KU BAAQAY IN LA SOO QABTO CADAALADANA LA MARSIIYO KOOXIHII DILAY XIL.CISMAAN CILMI BOQORE

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa ayaa tacsi u diray ehalada,Qoyska iyo dhamm aan sha cabka Soomaaliyeed ee uu ka geer iyooday Xildhibaan Cismaan Ci lmi Boqore oo kooxo hubeysan ay ku dileen Muqdisho.

"Inaa lillah wa inaa ileyhi raajicuun, ilaahay ha u naxariisto walaalke en Cismaan Cilmi boqorre oo xildhibaan ka ahaa golaha shac abka oo gacan ka xaq daran ay ku dishay Muqdisho,”ayuu yiri Sheikh Shariif.Wuxuuna tacsi u diray Golaha shacabka oo uu ka tirsanaa, qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed oo uu ka ba xay marxuumka. Ugu dambeyntii,madaxweynihii hore ay aa laamaha amniga ee Dowladda u gu baa qay in cadaaladda marsiiyaan soona qabta an kooxihii ka dambeeyay falkaasi foosha xun

RA’IISUL WASAARE KHEYRE OO KA TACSIYE EYAY GEERIDA XILDHIBAAN CISMAAN CILMI BOQORE

Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Alle ha u naxariistii Xildhibaan Cism aan Cilmi boqore oo lagu diley gelinkii dambe ee shalay maga alada Muqdisho.

R/wasaare Kheyre ayaa uga tacsiy adeey ay Qoyski i,Qaraab adii,Xildhibaana da Baar lamaanka Soomaaliyeed oo uu ka ba xay Xildhibaanka,isagoona Alle uga bar yay in uu Janadii fardowso ka wa raabiyo marxu mka,Qoyskii iyo Qarankii uu ka baxayna samir iyo iimaan Alle ka siiyo.

Sidoo kale waxaa geerida Marxuum Cu smaan Cilmi Boqore ka tacsiyeeyay Gudd oomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan iyo Guddoomiyaha Max kamada Sare ee dalka Gary aqaan Baashe Yuusuf Axmed waxayna eebe uga baryeen inuu Jan adii Fardowso ka wara abiyo Eh eladii iyo Qaraabadii uu ka geeri yoodayna Samir iyo Iimaan eebe ka siiyo.

TAARIIKHDA XILDHIBAAN CISMAAN CILMI BOQORE OO LAGU DILAY MUQDISHO

Gelinkii dambe ee shalay ayaa Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado waxa ay gudaha degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ay ku dileen Xildhibaan Cismaan Cilmi Boq ore o ka tirsanaa Xildhibaanada Gol aha Shacab ka Baa rlamaanka Soo ma aliya. Xildhibaan Boq ore waxaa uu ku dha shay Dalka Jabuuti, waxaana xiligii gobanimo doonkii uu ka mid ahaa dadkii Faransiiska ay ka soo mas aaf uriyeen dalkaasi ee la keenay Maga alada Muqdisho,isagoo xiligaas noqday Ci idan kunagaaray Darajada Korne el. Wa xaa uu kamid ahaa Xildhibaanadii ugu hor eeyay ee dowladii Carta laga soo doo rtay, wuxuu noqday Guddoomiye kuxigeen ka labaad ee Gobolaha Shacabka markii uu Cabdullaahi Yuusuf Axmed dalka ka noqday Madaxw eyne.

Allaha u Naxariistee Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore ayaa ahaa haatan Ninka ugu da’da weynaa Xildhibaanada Golaha Shac abka Baarlamaanka,waxaana deegaan Do or ashadiisa ay tahay Gobolka Awdal ee Soomaaliland.

Sidoo kale Xildhibaan Cismaan Cilmi Boq orre waxa uu ka tirsanaa Guddiga Difaaca ee G/Shacabka, horena waxa uu u soo qab tay xilka Guddoomiye Ku Xigeenka 2-aad ee G/ Shacabka. Xildhibaan Seynab Caamir oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Shac abka Baarlam aanka Soomaaliya oo ku sug an Dalka Jabu uti ayaa Xalay Idaacadda Dalsan uga hada shay Taariikhda Xildhib aan Cismaan Cilmi Boqorre.

GUDDOONKA GOLAHA SHACABKA OO KA HAD LAY DILKII LOO GEYSTAY XILDHIBAAN BOQORE

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee JFS Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan oo ku sugan Dalka Tur kiga ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Allaha ha u naxriistee Xildhibaan Marxuum Cusmaan Ci lmi Boqore oo ay gacan ka xaq daran ku di shay Magaaladda Muqdisho,wax aana uu Alle uga baryay in naxriista jano uu ka war aabiyo Ehelkii iyo qaraabadii uu ka geeriy ooday iyo guud ahaan umadda Soo maali yeedna uu samir iimaan ka siiyo. "Innaa Lillaah Wa Innaa Illeehi raajicuun waxaan ka tacsiyadeynayaa geeridii ku timid Allaha u naxriistee Xildhibaan Marxuum Cusmaan Boqore oo ay gacan ka xaq daran dishay Rabi naxriistiisa haka waraabiyo ehelkiisa iyo guud ahaan umada Soomaaliyeedna Samir iimaan Allaha haka siiyo.Gudddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa sheegay in Xildhibaan uu ahaa AUN muwaadin jecel Dowladnimada Soomaaliya.

"Anigoo ku hadlayay magacayga iyo kan guud ahaan golaha Shacabka waxaan qirayaa Allaha ha u naxriistee marxuumka Inuu ahaaa qof Cibaado badan,dadka mar walba wanaaga fara, qof dowaldnimada jecel iyo sidoo kale oday Soomaaliyeed oo ay ka go’antahay in Dalkeena uu horumar gaaro”

Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa rajo ka muujiyay in hay’adaha amaanka ay gacanta ku soo dhigi doonaan gacan ku dhiiglayaa shii ka dambeeyay Dilka Allaha u naxriistee Xil dhibaanka ,wuxuuna hay’adaha ugu baa qay in ay baaraan cidii ka dambeysay dilka Xildhibaana.

Ugu dambeyna waxaa uu ugu baaqay sha cabka Soomaaliyeed in ay hay’adaha nabad galiyada kala shaqeeyaan sugida amaan ka.Sidoo kale Kusimaha Guddoomiyaha Go laha Shacabka ahna Guddoomiye kuxigeen ka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa ka tacsiyadee yay geerida Xildhibaan Cusmaan Cilmi Boq ore oo ay kooxo arxan laabaya ku dileen Mag aaladda Muqdisho.

SENATOR XUSEEN "XILDHIBAAN CISMAAN CILMI BOQORE WAXAA ISBUUC KA HOR LAGA KAXEYSTAY CIIDAMADII ILAALADA U AHEYD

Senator Xuseen Sheekh Maxamuud oo ka tirsan Aqalka Sare ayaa ka tacsiyadeeyay dilkii Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo gelinkii dambe ee shalay ay Kooxo hubeysan ku dileen degmada Kaaraan.

Senatorka ayaa sheegay in Xildhibaan Boqore ay kulmeen dhowr todobaad ka hor, kana walaacsanaa xaalada amnigiisa

"Xildhibaanka oo aan kulanay dhowr asbuuc ka hor ayaa wuxuu ka walaacsanaa Amn igiisa gaar ka ah maadaama Taliska Cii danka Booliska ay ka kaxaysteen ciidamadii ilaalada u ahayd sida uu ii sheegay”ayuu yiri Senator Xuseen Sheekh Maxamuud.

Waxaa uu sheegay in Xildhibaan Boqore ay ka wada tirsanaayeen Xisbiga UPD oo ah Xisbi mucaarad ah oo inta badan dhaliila dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore ayaa si xornimo ah ku mari jiray magaalada Muq disho, isagoo aan cabsi qabin, isla marka ana Ilaalo wadan, waxaa uu kaga duwanaa Xildhibaanada Baarlamaanka inuu

deganaa dhanka waqooyi ee magaalada Muqdisho.

CABDIRAXMAAN C/SHAKUUR WARSAME OO SHAACIYAY INUU WELWEL KA QABO XAALADDA AMNI EE MUQDISHO

Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Ex-Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo kooxo hybeysan maqribkii xalay ku dishay magaalada Muqdisho.

Tacsi ka dib,Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay inuu welwel ka qabo xaalad nabadgeyl ee magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay in maalin kasta la dilaa Saraakiil ciidan,iyo mas’uuliyiin Dowladeed iney tahay arrin u baahan in si dhab ah la isaga warsado.

"Waxaan tacsi u dirayaa qoyska, ehelka iyo xildhibaanada labada Gole ee Baarlamaanka dilka loo geystay Allaha u naxariisto Xildhibaan Cismaan Climi Boqre oo ka mid ahaa odayaasha Golaha Shacabka. Sabar iyo Iimaan Allaha naga wada siiyo, waxaanse welwel ka qabaa xaalada nabadgelyo xumi ee magaalada Muqdisho. Waxaa maalin kasta la dilaa saraakiil ciidan iyo masuuliyiin dawladeed. Waa arrin u baahan in si dhab ah la isaga warsado,” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur Warsame.

GUDOONKA GOLAHA SHACABKA OO KA HADLAY DILKA XILDHIBAAN CISMAAN CILMI BOQORRE 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee JFS Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan oo ku sugan Dalka Tur kiga ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Allaha ha u naxriistee Xildhibaan Marxuum Cusma an Cilmi Boqore oo ay gacan ka xaq daran ku dishay Magaaladda Muqdisho,waxaana uu Alle uga baryay in naxriista jano uu ka waraabiyo Ehelkii iyo qaraabadii uu ka ge eriyooday iyo guud ahaan umadda Soomaa liyeedna uu samir iimaan ka siiyo.

"Innaa Lillaah Wa Innaa Illeehi raajicuun wa xaan ka tacsiyadeynayaa geeridii ku timid Allaha u naxriistee Xildhibaan Marxuum Cusma an Boqore oo ay gacan ka xaq daran dishay Rabi naxriistiisa haka waraa biyo ehelkiisa iyo guud ahaan umada Soomaaliyeedna Samir iimaan Allaha haka siiyo.

Gudddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa sheegay in Xildhibaan uu ahaa AUN muwaadin jecel Dowladnimada Soomaaliya.

"Anigoo ku hadlayay magacayga iyo kan guud ahaan golaha Shacabka waxaan qirayaa Allaha ha u naxriistee marxuumka Inuu ahaaa qof Cibaado badan,dadka mar walba wanaaga fara, qof dowaldnimada jecel iyo sidoo kale oday Soomaaliyeed oo ay ka go’antahay in Dalkeena uu horumar gaaro”

Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa rajo ka muujiyay in hay’adaha amaanka ay gacanta kusoo dhigi doonaan gacan ku dhiiglayaashii ka dambeeyay Dilka Allaha u naxriistee Xildhibaanka ,wuxuuna hay’adaha ugu baaqay in ay baaraan cidii ka dambeysay dilka Xildhibaana.

Ugu dambeyna waxaa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay hay’adaha nabad galiyada kala shaqeeyaan sugida amaanka.

Sidoo kale Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Xildhibaan Cusmaan Cilmi Boqore oo ay kooxo arxan laabaya ku dileen Magaaladda Muqdisho.

AL-SHABAAB OO SHEEGATAY DILKA XILDHI BAAN CISMAAN BOQORRE

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay dilka Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo gala bnimadii shalay lagu khaarijiyay magaa lada Muqdisho. Dilka mudanaha oo ay ful iyeen kooxo ku hubeysan bastoolado ayaa ka dhacay degmada Karaan ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada amn iga ay qabteen ragii geystay toogash ada, in kasta oo aanan la xaqiijin karin. Xildhiba anka ayaa noqonaya midkii ugu horeeyay ee laga dilo Gollaha Shacabka sanadkaan 2019. Marxmuum, ex-Xildhi baan, Cismaan Cilmi Boqorre ayaa kamid a haa Guddiga dif aaca ee Aqalka Hoose iyo mud anayaasha ugu da’da wayn Gollaha wakiilada shacab ka

Ciidamada ammaanka ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay gaarigii dilka fuliyay iyo darawalkii waday, inkastoo labadii dab ley ee dilka geysatay ay baxsadeen.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore, wax aana ay intaa ku dareen in raggii weerarka qorsheysan ay si nabadgelyo uga soo dhaq aaqeen halka uu dilka ka dhacay.

TACSI TIIRAANYO LEH

Bahda Saxaafadda Soomaaliyedinta badan oo kaa ah:- Cali Muuse Cabdi,Maxamed Ibara ahi Nuur {Macallimuu} Muuse Maxamed Cism aan{M/Kiimiko},C/laahi Maxamed Cumar {Mc jis}, Maxamuud Xasan Ax med {Xuurshe}, Faa rax Cumar Nuur ,Sh. Cali Cumar Maxamuud {Cali yoow},Jabriil Maxamuud Nuur {Jabra} ,Cismaan Xuseen Axmed {Wary eel}, Maxam uud Maxamed Nuureey{Jimcaale} Aadan Mac alin C/hi {Aadaamo},Aweys Xuseen Xasan {A.Shiino},C/hi.M.Salaad {Dalle},Aw eys Food eey Nuur ,C/fitaax Maxam ed Salaad {Diyee she}, Nuur Max amed Nuur {N.Qamadi}, Maca allin Xasan.,Cabdi Aadan Guuleed, Max amed Ibraahin Bakistaan, Xasan Cali Geeseey, Yaaquub C/hi Guure. C/dir C/lle Nuur {Qalbi Dahab}, Xuseen Cabdi Calasow, Qaasin C/lle Neero,Cali Muxuddiin Cali,C/dir M.Calasoow {Calas}, Maxamed Cali Maxamuud {Madka}, Abuukar Muxuddin Isow {Xasharo},Shaafici Muxddiin Islow, Cismaanc iil.C.Madoobe, Fal astiin Axmed Xaaji, Farxiyo Cali Qaajo, Mal yun Sh.Xeydar, Aamino Ladan Axmed, Leyla Cadceed Cisma an,Khadiijo Ca bdi Maxmed, Yuusuf Cali Cab di,Max amuud Xasan Cumar {Adduunyo} ,Am iin Yuusuf Qa saaro, Axmed Max amuud Dhici soow, C/hi Maxamed Xasan Black, Cali Maxa med Cism aan {A/Ameriko} Barre Sh.C/hi {Bangaala-de esh}, C/qaadir Ca dulle Abikar, {Baaanga}, Xa ashi C/lle Abirka {Ayatullaahi}, C//hi Maxamu ud Jiroow, Cali Muxudiin Cali, C/raxmaan Mu xuuddiin Cali, Mukhtaar Nu ur {Lovy} Abshir Cali Warsame, C/rashiid Cabd uule Abiikar{ Dayl, C/rax maan Axmed Absuge Burhaan Dii ni Faarax ,Kiin Cumar Makaar aan,, Abuukar SKYD, Maxa med Cali Suldaan, Shariif Macallin Maxam uud, C/qaadir Maxa muud Walaayo, Xasan Baydhabo, Xasan Max amuud Axmed Xasan {Fanax}, Safiyo Cali Sheekh, Shukri Axmed Leyte{Shii maa}, Cum ar Diini Geeddi, Cali Diini Geeddi, Bile Gur xan,Cilmi Nuurre We hliye, Maryan Cali Dhib aale, Safiyo Cali She ekh, Cadi Siyaad axmed, Ing.C/raxmaan Max amuud Cilmi, Mareeyahaya WMQ. Md.C/dir Maxamuud Juun, Nuuradiin Macaliin Mukh ta ar {Diimow},C/hi Calas Jimcale, Gud.Ururka Saxaafadda Soomaaliy eed ee NUSOJ Md.M aahir Daahir, Maxamed Shiil Xasan {Shiil} C/Wahaab Nuur Mahdi, Safiyo Ibraahin Cali{ SLoren}, MRYAN Cali Maxamed {M.Ruun,} Safiyo Sh. Maxamed, Timiro Maxamed Yabar oow, iyo Waraaiayaal kale Wax aay Tacsi u dirayaan Maamada Saxaafa da SoomaaliyeedMAR WO XABIIBO AXMED JIMCAALE {BI IBTO} IYO WALAALAHEED iyagoo ugu tacs iya dey naya GEERIDII KU TIMID WALAA SHEED :- RUQIYO AXMED JIMCAALE oo 20-ka Febaa ryo 2019-k ku Geeriyootay Degmada Kar aan ee M/Muqdisho waxaa yan alle ugu barya yaan inuu janna da ka war aabiyo marxuum madda samir iyo imaan saadaq ahna ka sii yo ehehlka iyo qarabadii ay ka baxday

Aamiin Aamiin Aamiin

Tacsi tiiraanyo leh

Dhammaan Reer Maxamed Cigalle, Reer Maxamuud Cigale, Reer Rooble Cigalle, Ilmo Cosobeey Cigalle iyo dhammaan reer cigala gadiid waxaayn tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhamaan ilmaJimcaale Cigalle Gaar ahaan reer axmed jimcaale ciggale iyo hani Ciise iyadoo ugu tacisyadeynaya geeridii ku timid ruqiyo axmed jimcaale oo arba cadii ku geeriyootay magaalada muqdisho waxayn alle ugu barayayaan inuu naxariistiisa ka waraab iyo qoyska iyo qaraabadana uu samir iyo imaan sadaq ah ka siiyo Aamiin Aamiin.

 





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip