Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Itoobiya oo 108 sano jir ah, balse u muuqaal eg dhalinyaro

0
Saturday February 23, 2019 - 21:20:08 in Wararka by
  • Visits: 384
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Itoobiya oo 108 sano jir ah, balse u muuqaal eg dhalinyaro

    Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Itoobiya oo lagu magacaabo Rejal Umer oo 108 sano jir ah ayaa ka yaabiyay Saxaafadda Dunida, isagoo leh muuqaal dhalinyaro ah oo aanay isla laheyn da'diisa iyo wejigiisa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Itoobiya oo lagu magacaabo Rejal Umer oo 108 sano jir ah ayaa ka yaabiyay Saxaafadda Dunida, isagoo leh muuqaal dhalinyaro ah oo aanay isla laheyn da'diisa iyo wejigiisa.

Warbaahinta dowladda Itoobiya ee FANA ayaa wax ka qortay ninkaan iyo sheekadiisa cajiibka ah, waxaana uu sheegay inuu yahay Korneel ka tirsan Ciidamada Itoobiya, isla markaana uu dhashay 1911.

"Waxaa rabaa inaan dunida sii joogo 10-ka sano ee soo socota ayuu yiri 108-jirkaan u dhashay dalka Itoobiya oo wareysi la hadlay FBC.

"Qofna ima aaminayo marka aan ka hadlo da’deyda”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Waxaa uu sheegay inuu mar la xiray muddo todobaad ah, kaddib markii uu dalbaday in howlgab ka noqdo Saraakiisha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, waxaana xilligaas loo maleynayay inuu dadka khiyaamayo oo uu da’diisa ka been sheegayo.

Waxaa uu sheegay in aanu garaneyn tirada saxda ee carruurtiisa, marka laga reebo 12 carruur.

Rejal ayaa sheegay in aabihii uu ku dhintay da’da 130 sano jir ah, isla markaana uu haatan isaga doonayo in tobanaan sano kale inuu sii noolaado.

Waxaa uu sheegay inuu askari ahaa xilligii uu dalka Itoobiya ka talinayay Haile Selassie, dagaalkii Kuuriyada iyo howlgalkii Nabad ilaalinta Ciidamada Itoobiya ee Rwanda

Rejal ayaa sheegay in aanu waligiis cunin hilib la kariyay, balse uu kaliya cuno hilib ceyriin ah, isla markaana uu sameeyo jimicsi joogto ah




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip