Madaxweynaha Galmudug oo weerar afka ku qaaday dowladda Somaliya

0
Saturday February 23, 2019 - 21:03:50 in Wararka by
  • Visits: 314
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Galmudug oo weerar afka ku qaaday dowladda Somaliya

    Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa weerar afka ku qaaday dowladda Federalka Somaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa weerar afka ku qaaday dowladda Federalka Somaliya.

Xaaf oo maanta dib ugu laabtay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, ayaa wuxuu sheegay balamihii dowladda Somaliya ay wada galeen inaysan waxba ka soo bixin.

Wuxuu sheegay kulankii ugu dambeeyay ee Madaxweyne Farmaajo ay ku wada yeesheen Magaalada Garowe waxyaabihii la isla gartay inaysan waxba ka dhaqangelin.

Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in dowlada Federaalka ay dagaal kula jirto Galmudug, islamarkaana ay isku dayeeyso in ay Ciidamada 21-aad iyo NISA u adeegsato caburin iyo in ay u isticmaalan si qaldan taasina ay ka hortagi doonaan oo aysan marnaba suuraabi doonin ay wiilashooda loo adeegsado.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa ugu baaqay shacabka reer Galmudug isku tashtaan oo ay garab istaagaan Maamulkooda.

Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa kulankii ugu dambeeyay ee Madaxweynayaasha dowlad Goboledyada u balan qaaday wada shaqeyn dhexmarta dowladda Somaliya & Maamul Goboledyada.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip