Culumada iyo Caasiyada Cusub haloo kala gar qaado= Nasashada Jimcaha.Q-136 aad=

0
Friday February 22, 2019 - 23:43:21 in Wararka by
  • Visits: 1021
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Culumada iyo Caasiyada Cusub haloo kala gar qaado= Nasashada Jimcaha.Q-136 aad=

    1.Jaamac oo Reer Gaalkacyo ah ayaa u yimid Muriidi oo harqaan ku leh Xamar weyne, si loogu tolo Busto ka jeexantay, Muriidii ayaa ku yiri: waxaan kuugu toloyaa 2 Shillin. Jaamac ayaa ku yiri: War badaw miyaad i moodaa , Hal Shillin ayaa lagu tolaa, w

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1.Jaamac oo Reer Gaalkacyo ah ayaa u yimid Muriidi oo harqaan ku leh Xamar weyne, si loogu tolo Busto ka jeexantay, Muriidii ayaa ku yiri: waxaan kuugu toloyaa 2 Shillin. Jaamac ayaa ku yiri: War badaw miyaad i moodaa , Hal Shillin ayaa lagu tolaa, waxaa la isku mari waayay qiimaha lagu tolayo, Dood dheer kadib, Muriidi ayaa yiri: Haddii aan hal shillin kuugu tolayo Anna Harqaanka hal Lug ayaa ku dhaqaajinayaa, haddii aad Laba shillin bixisana Labada Lugood ayaa kuugu toloyaa. Jaamac waxa uu yiri: iigu tol labada lugood, qaadana laba Shillin. (F.S:1aad) ( Somalidu iyadaa is dhaqan taqaan, ee ha la isagu simo kaligood) 2- Wadaad Reer Burco ah ayaa Hargeysa yimid, wuxuu ku arkay Dhalinyaro Qurbaha ka timid oo si qaab daran u labisan, Timahana si la yaab leh u jartay. Isaga oo la yaaban ayuu Makhaayad soo hor fadhiistay.

Waxaa soo dhinac fadhiistay wiil Ciyaal yoo yoo ah oo Surwaalkiisu Gadaal ka dabacsan yahay, kala barna hoos u dhigay. Wadaadkii waxa uu maleeyay in uu raadinayo wiilku meel uu ku saxaroodo, Wadaadii ayaa ku yiri: Adeer gacaliye, halkan Shaah ayaa lagu cabaa,ee halkaa fog fadhiiso oo ku saxaroo.( F.S:2aad)

(Culumada iyo Caasiyada Cusub haloo kala gar qaado)

3-Nin ayaa Naag Guursaday isaga oo Todoba kula jiro oo Saddax habeen kaliya ey wada joogeen, yaa Reeraheedii ka wateen, waxaana la siiyay Nin Qurbaha ka yimid oo eyna Gabadhu hore u aqoon, Lacag badana bixiyay.

Muddo kadib ayaa Naagtii oo Duqoowday oo Qurbaha ka timid, 3 caruurana wadato ayaa waxaa Liido ku arkay Ninkii hore.

Wuxuu ku yiri: Alxamdu, haddan is aragnay, waan kuu xiisay, "Qabyana ninkeeda dhameeys tira”, Afar habeen ayaa noo dhineeyd. Waxa ey ku tiri: Anba waa kuu xiisay ,kaamana maarmao ee Saddax ma ogtahay: 1) Sariirtu sidii aad ku ogeeyd uma taal. 2) Saddax Saqiirna waan wataa. 3) Saddaxdii habeen ee horena sidii aad wax ku waday, hadda wax ku socon maayaan waa la isku fahmay.

Waxa uu ku yiri: Sabab?. waxa ey ku tiri: Mucaarad aan Mabda’ Aqoon iyo Muxaafid aan Masuuliyad Aqoon ayaan u dhexeeyaa.( F.S: 3aad)

(…………………………………………..)

4- Nin Soomaali ah ayaa tahriib ku tegay Liibya, kadibna Talyaaniga, UK, Canada, kadibna waxa uu aaday Dayaxa , waxa uu ugu tegay Laba Nin oo kala ah: Kabuur oo Hindi ah & Cali Socdaal oo Somali ah.

waxa uu weydiiyay maxaa halkaan idin keenay. Hindigii Kabuur ayaa yiri: Ganacsi ayaan halkaan u imid. Kii Soomaliga ahaa Cali Socdaal ayuu ku yiri: Adigana maxaa ku keenay?. Somaligii ayaa ku yiri: Xiddigaha Alle waa badan yihiin. Halkaan sii maritaan "Transit” ayaan ku ahay. ( F.S: 4aad)

( Somaaliyeey, Safarnaye xageen u soconaa, Saqiiradiina Siyaasi wada Noqodeene, xageey salka dhigee)

5- Koo Reer Cabuud waaq ah ayaa Gabar saaxiibtii aheyd,oo Qooys sabool ah ka dhalatay oo Gaalkacyo degan ayuu Funaanad Hadiyad ah u keenay.

Subaxdii ayuu Suuqa ku arkay Aabaheed oo Funaanadii ku labisan, dhagxo ayuu soo urursaday, kadib halkii ey ku dhamaatay iyo cidii ka talisay ka i weeydiin, tag isbitaalka Gaalkacyo. ( F.S: 5aad)

( Saddaxdooda yaa gar daran?)

6.Wiil yar oo Sigaar Cabaya aya waxa arkay Nin waddada marayay ,Ninkii ayaa ku yiri: Aabahaa ayaa saaxiibo nahay waana kuu sheegayaa Galabta markii aan arko. Wiilkii ayaa ooyay oo ilmada qubay kuna yiri: Adeer, Aabe Labo Sanno ayuu naga maqan yahay ,siduu u tahriibayna lama arag, ee haddii aad aragto u sheeg waan u xiisnay ee ha noo soo noqdo.

Ninkii oo Naxsan ayaa ku yiri: Maandhoow, waan kula kaftamayay ,Aabahaana ma aqaan, ee waxaan is lahaa wiilka yar cabsii, Sigaarka ha iska tuuree. Wiilkii oo qoslayaa ayaa yiri: Adeer, Anigu xataa waan kula kaftamayay, Aabaheyna shaqo ayuu jiraa, ee waxaan hubinayay in aad Aabe taqaan iyo inkale. ( F.S: 6aad)

( Haddii aad rabto in aad Caruurta Akhlaaqdooda wanaajiso, adigu Been ha u sheegin)

Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip