Somaliland Oo War Culus Ka Soo Saartay Hadalkii Abiy Ahmed Ee Ku Aadanaa Wada Shaqeyn Dhexmarta Somaliland & Somalia

1
Thursday February 21, 2019 - 21:51:26 in Wararka by
  • Visits: 252
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Oo War Culus Ka Soo Saartay Hadalkii Abiy Ahmed Ee Ku Aadanaa Wada Shaqeyn Dhexmarta Somaliland & Somalia

    War-Saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliland ayaa waxaa lagu faah faahiyay kulan Madaxweyne Muuse Biixi uu la qaatay Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka oo dhameystiran. Somaliland waxa ay uga mah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War-Saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliland ayaa waxaa lagu faah faahiyay kulan Madaxweyne Muuse Biixi uu la qaatay Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka oo dhameystiran. Somaliland waxa ay uga mahadcelinaysaa Dawladda Federaalka iyo shacabka Itoobiya sidii milgaha iyo maamuuska lahayd ee ay u soo dhaweeyeen Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wafdiga ballaaran ee uu hogaaminayo oo booqasho rasmi ah ku jooga caasimada dalka Itoobiya ee Addis Ababa.

Somaliland oo war culus ka soo saartay Hadalkii Abiy Ahmed ee ku aadanaa wada shaqeyn dhexmarta Somaliland & Somalia


Somaliland waxa ay soo dhawaynaysaa, lana qabtaa Ra’iisal Wasaaraha Dalka Itoobiya Dr. Abiy Ahmed in Geeska Afrika noqdo meel nabad ah. Dalalka Geeska Afrikana iyadoo mid walba la qadarinayo jiritaankooda dhuleed iyo madax-bannaanidooda qarannimo, in ay iska kaashadaan dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo horumarka mandaqadda.

Shirkii wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha Somaliland uu la yeeshay Ra’iisal Wasaaraha dalka Ethiopia waxa la isku af-gartay in arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya lagu xalliyo wada-hadal iyo fagaare caalami ah, lagana fogaado wax kasta oo keeni kara colaado cusub iyo xasarado hor-leh oo ka curta Gobolka Geeska Afrika, gaar ahaanna dalalka Somaliland iyo Soomaaliya oo ay hore u dhex-mareen colaado lagu hoobtay.

Somaliland waxay ku aas-aasantay go’aan shacbi, waxaanay tixgelinaysaa deris-wanaagga iyo nabad ku-wada-noolaanshaha waddamada deriska ee geeska Afrika iyo kuwa beesha caalamka. Balse wada-hadal iyo nabad waarta waxay ku imanayaan Soomaaliya oo ka waantowda been abuurka, cadaawadda, iyo colaadda ay u hayso shacbiga Somaliland iyoHorumarkooda ayaa lagu soo geba-gabeeyay War-Saxaafadeedka.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip