Dowladda Kenya Oo Loo Far Muuqay Siyaasiyiinta Iyo Saraakiisha Soomaalida Ee Hantida…

1
Thursday February 21, 2019 - 21:40:43 in Wararka by
  • Visits: 295
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Kenya Oo Loo Far Muuqay Siyaasiyiinta Iyo Saraakiisha Soomaalida Ee Hantida…

    Xoghayaha Joogtadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalkaasi, Majaariya Kamaa'u waxa uu dhawaan soo saaray Qoraal ballaaran oo ku aadan Khilaafka Diplomaasiyadeed ee Somalia iyo Kenya ee ka dhashay muranka dhinaca Xuduud-baddeedka, iyo tallaab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoghayaha Joogtadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalkaasi, Majaariya Kamaa'u waxa uu dhawaan soo saaray Qoraal ballaaran oo ku aadan Khilaafka Diplomaasiyadeed ee Somalia iyo Kenya ee ka dhashay muranka dhinaca Xuduud-baddeedka, iyo tallaabadii ay ugu yeerteen Danjirahoodii u joogay Somalia, kuna soo cayriyeen Danjiraha Somalia u joogay Nairobi.

 
Qoraa Kenyan oo lagu magacaabo Majaariya Gaytho waxa uu ku tilmaamay Tallaabadii ay Kenya u xulatay Khilaafka Somalia ee Xuduud-baddeedka inuu ahaa mid aad caato u ahaa, loona baahnaa in si taxadir leh looga fekerayo xulashooyinka kale ama Tallaabooyinka kale ee fal-celinta ee laga qaadi lahaa Somalia.

Qoraagaasi oo ahaa Tifaftirihii hore ee Maamulka iyo Mashaariicda Khaaska ee Wargeyska Daily Nation, Majaariya Gaytho waxa uu bishan 19-dii Maqaal dheer ku qoray Daily Nation, isagoo taxliil iyo is-barbar dhig ku sameeyey Go’aankii Dowladda Kenya ka qaatay Khilaafka Kenya iyo Tallaabooyin kale ee muhiimka ee loo baahnaa in culayska la saaro.



Waxa uu sheegay in xulashadda kale ee aan lagu xusin Warqadda Dowladda Kenya ka soo saartay Khilaafka Somalia tahay inuu dalka Kenya Soomaalida u tahay hoygoodii 2-aad ee Xafiisyadda Nidaamka Maamulka ee Saraakiisha Ururadda iyo Waaxyaha Dowladda Somalia.

Sidoo kalena ay Siyaasiyiin Sarsare, Shaqaalaha Dowladda iyo Saraakiisha Ciiddamadda Soomaalia ee guryaha qoysaska ku leh gudha Kenya.

Qoraagaasi waxa uu qormadisa ku sheegay inay maalgashi culus ku sameysteen Hanti-ma-guurto iyo Ganacsi iyo inay Kenya u adeegsadaan sidii Dal lagu qaado Lacagaha, waa sida uu hadalka u yiri.

Waxa uu sii raaciyey side cunaqabatayn loola beegsan karaa Shaqsiyaadkaasi, iyadoo arrintan ka maqan tahay ficilkii fal-celinta ee Dowladda Kenya u cuskatay Khilaafka


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip