Dad badan oo ku dhintay dab qabsaday guri ku yaalla dalka Bangladesh

1
Thursday February 21, 2019 - 12:57:18 in Wararka by
  • Visits: 228
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dad badan oo ku dhintay dab qabsaday guri ku yaalla dalka Bangladesh

    Dabka Dhaka Dab ka kacay guri ku yaalla qaybta qadiimiga ah ee magaalada Dhaka ayay ku dhinteen ugu yaraan 60 ruux. Dabka ayaa Arbacadii ka kacay dhismo deegaan ah oo qayb ahaan la dhigay waxyaabo kiimiko ah. Dabka ayaanaa ku faafay dhismayaashii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dabka Dhaka Dab ka kacay guri ku yaalla qaybta qadiimiga ah ee magaalada Dhaka ayay ku dhinteen ugu yaraan 60 ruux. Dabka ayaa Arbacadii ka kacay dhismo deegaan ah oo qayb ahaan la dhigay waxyaabo kiimiko ah. Dabka ayaanaa ku faafay dhismayaashii ka ag dhawaa, sida ay tabiyeen warbaahinta gudaha. Masuuliyiinta ayaa BBC-da u sheegay in subaxnimada Khamiista ay dhimashadu marayso lixdan, balse dabkii la xakameeyay. Waxaa laga yaabaa in dabku uu markii u horraysay ka billawday gaaska wax lagu karsado, ka hor inta uusan ku sii faafin qaybtii ay kiimikadu taallay, sida uu wakaaladda wararka ee AFP u sheegay Cali Axmed oo ah madaxa waaxda dabdamiska.

Fire blaze in DhakaLahaanshaha sawirkaREUTERS Image caption

DhakaLahaanshaha sawirkaREUTERS Image caption

Dabka ayaa hadda la xakameeyay Dabka ayaa sii qabsaday afar dhisme oo isku xiriirsan oo kiimiko taallay, ayuu yiri.

Dadka ayaa ku xayirmay dhismeyaasha, sida ay wararku sheegayaana waxaa u suuragali wayday in ay holaca ka soo dhex baxaan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip