Trump oo dalka Maraykanka ka hor istaagay gabadh Dawladda Islaamka ku biirtay

0
Thursday February 21, 2019 - 12:23:31 in Wararka by
  • Visits: 251
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Trump oo dalka Maraykanka ka hor istaagay gabadh Dawladda Islaamka ku biirtay

    Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in dalka laga hor istaagay gabadh ku biirtay kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka oo borobogaandadooda fidin jirtay. Isaga oo Twitter soo qoray ayuu sheegay in uu ku amray wasiirka arrimaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in dalka laga hor istaagay gabadh ku biirtay kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka oo borobogaandadooda fidin jirtay. Isaga oo Twitter soo qoray ayuu sheegay in uu ku amray wasiirka arrimaha dibadda Mike Pompeo "in Hoda Muthana aan loo ogolaan in ay dib ugu soo noqoto dalka Maraykanka" Pompeo ayaa horay u sheegay in gabadha 24 jirka ah aysan ahayn muwaadinad Maraykan ah isla markaasna aan loo ogolaan doonin in ay dib ugu soo noqoto dalkiisa. Sikastaba ha ahaatee qoyskeeda iyo qareenkeeda ayaa ku adkaysanaya in ay tahay muwaadinad Maraykan ah.

Hoda MuthanaLahaanshaha sawirkaAFP 

Hoda oo ku kortay Alabama ayaa u safartay Suuriya si ay ugu biirto Kooxda Dawladda Islaanka iyada oo markaas 20 jir ahayd.

Sheekadan ayaa u eg mid kale oo ka dhacday dalka Britainiyadoo dalkaasi uu dhalashadii kala laabtay Shamima Begum.

Shamima ayaa ka tagtay London sannadkii 2015kii si ay ugu biirto Kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka, waxayna sheegtay in ay hadda doonayso in ay ku laabato UK.

Madaxweyne Trump ayaa dhawaan UK iyo dalalka kale ee reer Yurub u sheegay in ay la wareegaan oo dalalkooda ku maxkamadeeyaan dagaalameyaasha kooxda Dawladda Islaamka ee dagaalkii u dambeeyay lagu qabtay

Wuxuu ka digay in haddii aan sidaa la samayn ay noqon karto in Kurdiyiinta ay Maraykanka wada shaqeeyaan ay iska sii daayaan dagaalamayaashaas.

Hassan Shibly oo ah qareenka qoyska Hoda ayaa sheegay "in wax laga caroodo ay tahay" in Trump uu dalalka Yurub ugu baaqo in ay muwaadiniintooda la wareegaan" haddana uu arrin middaa ka badalan la imaanayo marka ay timaaddo muwaadiniinta Maraykanka".

Dadka arrimahan ka faalooda ayaa sheegaya in doodda Maraykanka ay darantahay xaqiiqada ah in aabaheed uu ahaan jiray Dublamaasi reer Yemen ah. Carruurta ay dublamaasiyiintu dhaleenna isla markiiba looma aqoonsado muwaadiniin marka shuruucda dalka la fiiriyo.

Si kastaba ha ahaatee qareenkeeda ayaa ku doodaya in aabaheed uusan dublamaasi ahayn markii ay gabadhani Maraykanka ku dhalanaysay.

Xigasho:-BBC


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip