Wararkii ugu dambeyeay Ciidamo Mareykan iyo Soomaali oo weeraray duleedka Afgooye

0
Thursday February 21, 2019 - 12:20:23 in Wararka by
  • Visits: 220
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii ugu dambeyeay Ciidamo Mareykan iyo Soomaali oo weeraray duleedka Afgooye

    Faah faahin ayaa ka soo baxaya weerar cir iyo dhul ah oo xalay Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya iyo Ciidamo Mareykan ah ku qaadeen deegaanka Baladul Amiin ee hoostagta degmada Afgooye.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faah faahin ayaa ka soo baxaya weerar cir iyo dhul ah oo xalay Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya iyo Ciidamo Mareykan ah ku qaadeen deegaanka Baladul Amiin ee hoostagta degmada Afgooye.

Ciidamadan oo watay labo diyaaradood oo kuwa qumaatiga u kaca ayaa xalay ku degay duleedka deegaanka Baladul Amiin, iyagoo weeraray fariisin Al-Shabaab ku lahaayeen afaafka hore ee deegaankaas.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada huwanta iyo maleeshiyada Al-Shabaab uu dhex maray dagaal saacado qaatay, waxaana barbar socday duqeyn cirka ah oo fulisay diyaarad kuwa aan duuliyaha laheyn.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in weerarkii xalay lagu qaaday deegaanka Baladul Amiin in Al-Shabaab khasaare lagu gaarsiiyay, loogana dilay horjoogayaal.

Lama oga illaa iyo hada khasaaraha ka dhashay weerarkaas, sidoo kale ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Mareykanka oo inta badan faah faahin ka soo saara weerarada ay ka fuliyaan Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip