Haweenka Suudaan oo u tashaday 'Ragga xaasaskooda khiyaana'

0
Thursday February 21, 2019 - 11:05:40 in Wararka by
  • Visits: 270
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haweenka Suudaan oo u tashaday 'Ragga xaasaskooda khiyaana'

    Taxanaha warqadaha ka yimaada weriyeyaasha Afrika ee loo soo diro BBC-da qaybta Luqadda Ingiriiska, ayaa Zeinab Mohammed Salih waxay ku eegeysaa sida haweenka dalka Suudaan ay u isticmaalaan qol ay ku leeyihiin Facebook-gga oo ay kaga hadlaan arrimah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taxanaha warqadaha ka yimaada weriyeyaasha Afrika ee loo soo diro BBC-da qaybta Luqadda Ingiriiska, ayaa Zeinab Mohammed Salih waxay ku eegeysaa sida haweenka dalka Suudaan ay u isticmaalaan qol ay ku leeyihiin Facebook-gga oo ay kaga hadlaan arrimaha ku saabsan jaceylka iyo si ay usoo bandhigaan tacaddiyada la sheegay inay la kulmeen inta ay socdaan dibadbaxyada dowladda looga soo horjeedo. Tiro haween ah oo aan la cayimin ayaa waddooyinka uga qayb qaata dibadbaxyada dalka Suudaan ka socda ee billowday bartamihii bishii December. Iyadoo ay jiraan in ciidammada ammaanka ay dhibaatooyin u geystaan dibadbaxayaasha, iyo warar sheegaya in tacaddiyo jinsiyadeed ay ka dhacaan bannaan baxyadaasi, haddana haweenkaasi marna kama baaqdaan dibad baxyada.

SudanLahaanshaha sawirkaREUTERS

In ka badan 50 qof ayaa loo maleynayaa inay ku dhinteen gacanta laamaha ammaanka, kuwo badan ayaana sidoo kale la jirdilay, sida ay sheegeen kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha.

Meelaha qaar haweenka dibad baxaya waa boqolkiiba 70% , iyagoo ka hor yimid shuruucda dalkaasi looga dhaqmo diinta Islaamka.

Waxay dhammaantood xirtaan xijaab sida waafaqsan shuruucda dalka Suudaan, waxaa dhacda in la ciqaabo haddii ay xirtaan dhar uu ka mid yahay surwaalka.

Sakiin ayaa timaha looga xiiray

Balse haweeney 23-sano-jir ah oo jaamacad ka baxday ayaa iiga warrantay sida xijaabka looga feyday mar ay 31-kii January laamaha ammaanka ka soo qabteen dibadbax ka socday Khartoum.

"Waxay timahayga dhan iigaga xiireen sakiin waxayna iigu hanjabeen inay I kufsan doonaan xilli aan ku dhex jiray gaarigooda," ayay tiri Jode Tariq.

Gabar kale oo 24-sano-jir ah ayay Khartoum ku qabsatay dhacdo taas la mid ah horraantii bishii January.

"Waxay aniga iyo haweeney kaleba naga jareen timaha mar aan ku sugneyn meel aan la garaneyn oo dadka lagu xiro," Afraa Turky ayaa sidaasi tir.

Haweenka weriyeyaasha ah, Shamael al-Nnoor iyo Durra Gambo, oo labadooda loo xiray sababo la xiriira inay tebiyeen dibadbaxyadii bishii la soo dhaafay, ayaa sheegay in haweenka dhalinyarada ah qaarkood ee ay la kulmeen intii ay xabsiga ku jireen ay u sheegeen in tacaddi jinsiyeed ay u geysteen laamaha ammaanka.

Haween kale oo badan oo xabsiga loo taxaabay ayaan wax war ah laga hayn tan iyo intii la xiray.

Shuruucda Sudan ee bulshada

  • Sharcigu waa Qodobka 152 ee dembiyada wuxuuna ku saabsan yahay "ficillada aan habbooneyn" ee bulshada dhexdeeda
  • Waxaa ka mid ah xirashada "labis aan habbooneyn" amaba "amaba wax u dhimaya dareenka bulshada"
  • Haweenku waa inay xijaab xirtaan mana xiran karaan surwaal
  • Inta u dhaxeysa 40,000 ilaa 50,000 oo haween ah ayaa waxaa sanad walba xira oo garaaca booliiska dhowra sharciga dadweynaha sababo la xiriira dharka ay xirteen
  • Haweenka ayaa waxaa sidoo kale qabanaya qodobkan haddii lagu arko iyagoo nin la socda
  • Dadku waxay sidoo kale ciqaab ku mudanayaan haddii lagu arko iyagoo cabaya aalkolo sida khamriga

Balse haweenka ayaa ka gilgilanaya tacaddiyadaas la sheegay iyagoo isticmaalaya qol ay haween keliya ku jiraan oo ay ka aasaaseen barta Facebook, kaas oo la sameeyay saddex sano kahor si ay iskula wadaagaan oo ay bannaanka u soo dhigaan ragga xaasaskooda khiyaama.

Waaxda awoodda badan ee Sirdoonka Qaranka iyo Ammaanka ee Suudaan (NISS), ayaa ka dambeysa tacaddiyada ka dhaca dibadbaxyada ka bilowday magaalada bariga dalkaasi ku taalla ee Atbara ee markii hore looga cabanayay qiimaha rootiga ee sare u kacay.

Haatan sawirro laga soo qaaday dibadbaxyada oo ay ka muuqdaan rag looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin waaxda NISS ayaa lagu wadaagay qolka, oo lagu magacaabo Minbar-Shat, taas oo micnaheedu yahay "Jaceyl Xad-dhaaf ah".

Haddii qof uu garto amaba wax ku saabsan uu og yahay - waxay kuwa kale la wadaagaan xogtooda, mararka qaar xitaa magacyadooda, meelaha ay deggan yihiin iyo nambarradooda. Tani waxay horseedday in qaar ka mid ah dibadbaxayaasha ay guryaha ku calaameeyaan qoraal ay ku sheegayaan inuu ku nool yahay qof ka tirsan NISS.

'Ha i soo eegin'

Xukuumadda Suudaan ayaa isku dayday inay baraha bulshada ka xirto dalkaasi, balse haweenka ayaa ka hortagay arrintaasi iyagoo isticmaalaya qaab aan lagu ogaan karin halka ay ku sugan yihiin.

SudanLahaanshaha sawirkaAFP Image caption
Dibadbaxayaasha ka careysan qiimaha maciishadda ee sare u kacay ayaa doonaya inuu madaxweyne Bashir xilka ka dego

Ragga ka tirsan NISS ayaa bilaabay inay wajiga soo xirtaan si aan loo garan.

Qaar ka mid ah dibadbaxayaasha ayaa ii sheegay in marka la xiray lagu qasbay inay hoos eegaan muddo saacado ah.

Mid ka mid ah ayaa tiri, "Madaxa ayaa ul la iiga garaacay sababtoo ah si kedis ah ayaan kor u eegay wuxuuna igu yiri, 'Ma waxaad dooneysaa inaad sawirradeyda u dirto Minbar-Shat? Ha i soo eegin.'"

Dibadbaxayaasha ayaa qudhooda wajiga xirta sababo kala duwan awgood.

Waxay ka soo iibsadaan farmashiyeyaasha si ay isaga difaacaan urta qurmoo ee sunta dadka ka ilmeysiisa ee loo adeegsado inta ay socdaan dibadbaxyada.

Minbar-Shat ayaa hadda qoraallo ku soo qorta bogga Facebook-gga ee Toyota, iyagoo shirkadda ku wargelinaya in gawaaridooda ay xubnaha NISS u adeegsadaan inay dadka ku soo xirxiraan mararka qaarna ay dardarsiiyaan dibadbaxayaasha.

Suudaan aad ayay ugu liidataa dhanka xuquuqda haweenka, hay`adda Human Rights Watch ayaa sheegtay in ciidammada ammaanka ay inta badan tacaddiyo jinsiyeed u adeegsadaan haweenka si ay u aamusiiyaan.

SudanLahaanshaha sawirkaAFP Image caption
Dibadbaxayaal badan ayaa sidoo kale wajiga xirta si ay isaga difaacaan gaaska dadka ka ilmeysiiya

Toban maalmood kahor, koox haween ah ayaa waxaa xero barakac oo ku taalla waqooyiga Darfur ku kufsaday maleeshiyo dowladda ka tirsan, xeradaas oo ay Qaramada Midoobay sheegtay in kufsiga loo adeegsado hub ahaan intii uu socdan dagaalkii bilowday 13 sano kahor, si loogu dalbado xuquuqda siyaasadeed iyo tan dhaqaale ee qowmiyadaha gobolka ku nool.

SudanLahaanshaha sawirkaAFP Image caption
Madaxweyne Bashir, oo toddobaadkii hore u khudbeynayay dibadbaxayaasha, ayaa xukumayay Sudan ku dhowaad 30 sano

Arrinta xiisaha leh ayaa ah, in madaxweyne Omar al-Bashir, oo xukun adag ku hoggaaminayay dalkaasi tan iyo intii uu afgembiga ku qabsaday sanadkii 1989, ayaa jilciyay luqaddiisa shurcuuda dadweynaha.

75-sano-jirkan ayaa dhaqan-gelinta shuruucdaas u arka inay sababeen dibadbaxyada, wuxuuna sheegay in laga badbadiyay.

Tani waxay khilaafsan tahay hadalkiisii uu sanadkii 2010-kii ku difaacay sharcigaas, kaddib markii baraha bulshada aad loogu wadaagay muuqaal muujinaya haweeney qeylineysa oo la garaacayo iyaodo loo haystay inay surwaal xiratay.

Ms Tariq iyo Ms Turky, oo ay labadoodaba bishii hore timaha ka jareen laamaha ammaanka, ayaa ku adkeysanaya inaysan joojin doonin dibadbaxyada ilaa uu madaxweyne Bashiir xilka ka dego.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip