Sarkaal ka tirsanaa Xafiiska Xeer ilaalinta Qaranka oo Muqdisho lagu dilay

0
Wednesday February 20, 2019 - 23:39:19 in Wararka by
  • Visits: 261
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal ka tirsanaa Xafiiska Xeer ilaalinta Qaranka oo Muqdisho lagu dilay

    Rag hubeysan ayaa Barqanimadii Maanta waxa ay Xaafada Siigaale ee degmada Hodan ku dileen Wiil Dhalinyaro ah oo la sheegay in uu ka tirsanaa Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka Somaaliya. Ragga hubeysan ayaa la sheegay inay wateen Mooto Bajaaj,islamar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Rag hubeysan ayaa Barqanimadii Maanta waxa ay Xaafada Siigaale ee degmada Hodan ku dileen Wiil Dhalinyaro ah oo la sheegay in uu ka tirsanaa Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka Somaaliya. Ragga hubeysan ayaa la sheegay inay wateen Mooto Bajaaj,islamarkaana ay dileen Nin lagu Magacaabi jiray Maxamed Mursal kana mid ahaa ku xigeenada Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka.

Wararka kale aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in raggii dilkaasi ka dambeeyay ay horay u sii kaxeysteen Gaari nooca raaxada ah oo uu watay masuulka ay dileen.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa gaaray halka uu dilka ka dhacay wallow aysan ku guuleysan inay gacanta ku dhigaan dadkii ka dambeeyay dilkaas.

Magalada Muqdisho ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca dilal qorsheysan oo loo geysto,Mas’uulyiin ka tirsan Dowladda,Askar iyo Shacab intabada,waxaana mas’uuliyadooda sheegta dilalkaas Al-Shabaab




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip