Xukuumadda Soomaaliya oo xeer ka soo saartay gelida heshiisyada

0
Wednesday February 20, 2019 - 22:10:16 in Wararka by
  • Visits: 302
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Soomaaliya oo xeer ka soo saartay gelida heshiisyada

    War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa lagu soo bandhigay Xeerka dhaqan gelinta habraaca Heshiisyada dowladda Federaalka la gasho dalal ,shirkado iyo hey'addo ajnab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa lagu soo bandhigay Xeerka dhaqan gelinta habraaca Heshiisyada dowladda Federaalka la gasho dalal ,shirkado iyo hey'addo ajnabi ah,habracaas oo loo baahan yahay inay maraan cid walba oo ka tirsan dowladda xilliyada ay heshiis galeyso. Xubnaha Wasaaradaha iyo Hay'adaha dowladda ayaa ka reeban inay heshiis toos ah iyo mid dadban intaba la galaan,Dalal,Shirkado ama sidoo kale Hay'addo Ajnabi ah,iyada oo aan la raacin habraaca la soo saaray,sida lagu sheegay farqada cad qodobkiisa labaad.

Sidoo kale War-Saxaafadeedka kasoo baxaya Xafiiska Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa lagu cadeeyay heshiisyada lala gelayo Dalal,Shirkado ama sidoo kale Hay’addo Ajnabi ah la horgeeyo Golaha Wasiirada Soomaaliya,sidoo kalena lasoo marsiiyaa Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya waaxdeeda Sharciyada iyo heshiisyada Caalamiga ah.

Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka kasoo baxay Xukuumadda Soomaaliya.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip