MAXAAM KA JIRA IN :-Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi in ay ku kulmayaan Addis Ababa?

0
Tuesday February 19, 2019 - 23:27:39 in Wararka by
  • Visits: 243
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MAXAAM KA JIRA IN :-Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi in ay ku kulmayaan Addis Ababa?

    Madaxweynaha Jamhuriyada Federalka Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmajo iyo Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi ayaa lagu wadaa inay ku kulmaan magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya. Warar soo bxayo ayaa sheegaya in Kulankan oo uu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuriyada Federalka Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmajo iyo Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi ayaa lagu wadaa inay ku kulmaan magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya. Warar soo bxayo ayaa sheegaya in Kulankan oo uu soo qabqanqaabiyay Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa haddii uu dhacona waxa uu noqonayaa kulankii ugu horeeyay ee dowlada federalka iyo Maamulka Somailand ay yeesheen tan iyo sanadkii 2015kii iyadoo hakad uu ku yimid wadahadalada labada dhinac.

Madaxweyne Farmaajo oo booqasho ku joogay dalka Burundi ayaa waraku sheegayaan in uu  caawa gaaray magaalada Jabuuti, halkaasoo uu kula kulmayo Madaxweynaha Jabuti Ismaaciil Cumar Geelle ka hor inta uusan berri u ambabaxin magaalada Addis Ababa.

Lama oga ajandayaasha kulankan looga hadli doono hase yeeshee Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa hore ugu eedeeyay Madaxweyne Farmaajo inuu cunoqabatayn dhinac walba ah ku hayo Maamulkiisa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa toddobaadkii hore kulan gaar ah la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed xilli uu ka qeybgalayay Shir Madaxeedka Ururka Midowga Afrika.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa berri u safraya magaalada Addis Ababa, kaddib markii uu martiqaad uu u soo diray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.

Dalalka Turkiga, Jabuuti iyo Britian ayaa hore u waday dadaalada lagu doonayo in lagu dhex dhexaadiyo dowlada federalka iyo Maamula la magac baxay Somaliland,iyadoo shirar lagu qabtay dalalkaas.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip