Kulan ay si wada jir ah u shir guddoomiyeen wasiirka arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye iyo wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee soomaliya Peter De Clerq ayaa lagu soo bandhigay hanaan la’isku raacsan yahay oo lagu filin doono mashaariicdaasi.

Sanduuqa nabadeynta Soomaaliya ayaa tan iyo sanadkii 2009-kii Soomaaliya ku caawiyay lacag garaysa 45 Milyan oo dollarka Mareykanka, taas oo qeyb ka ah qorshaha QM ay ku taageereyso Soomaaliya.