Qarax khasaare geystay oo ka dhacay wadada Warshadaha M/Muqdisho

0
Tuesday February 19, 2019 - 22:54:24 in Wararka by
  • Visits: 284
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax khasaare geystay oo ka dhacay wadada Warshadaha M/Muqdisho

    Qarax xoogan ayaa ka dhacay Wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho oo ay aad u isticmaalaan dadka iyo Gaadiidka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qarax xoogan ayaa ka dhacay Wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho oo ay aad u isticmaalaan dadka iyo Gaadiidka.

Qaraxaayaa lala eegtay gaari Cabdi Bile ah oo ay wateen Ciidan ka tirsan Milatariga Soomaaliya oo marayay ka soo horjeedka Xarunta Warshada Biyaha Caafi, Jugta Qaraxa ayaa laga maqlay xaafado badan oo kamid ah Degmada Yaaqshid.

Goobjoogayaal ayaa inoo sheegay in qaraxa uu dhacay kadib markii uu meesha ka gudbay gaarigii bartilmaameedka ahaa, wuxuuna khasaare ugeystay shacab meesha marayay.

Inta la ogyahay Saddex qof ayaa ku dhaawacantay kuwaas oo loola cararay goobaha Caafimaadka.

Qaraxa kadib Ciidamadii bartilmaameedka ahaa ayaa rasaas dhawr jiho u riday taas oo ay ku kala ceyriyeen dad ka agdhawaa halka qaraxa lagula eegtay.

Al Shabaab ayaa inta badan wadooyinka dhaca duleedyada Muqdisho ku aasa Miinooyinka ay ku bartilmaameedsadaan gawaarida ay wataan ciidanka Dowladda iyo shaqaalaha u shaqeeya Xafiisyada Dowladda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip