Labo ruux oo ku geeriyootay qarax ka dhacay wadada u dhexeysa Jowhar iyo Balcad

0
Tuesday February 19, 2019 - 20:52:26 in Wararka by
  • Visits: 236
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Labo ruux oo ku geeriyootay qarax ka dhacay wadada u dhexeysa Jowhar iyo Balcad

    Darawal iyo kaaliyihiisii ayaa ku geeriyoodeen ka dib markii gaari ay wateen oo uu dul maray miino lagu aasay waddada meel u dhexeysa magaalooyinka Balcad iyo Jowhar. Gaariga miinada dul maray oo noociisu ahaa N3 ayaa ka tegey magaalada Jowhar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Darawal iyo kaaliyihiisii ayaa ku geeriyoodeen ka dib markii gaari ay wateen oo uu dul maray miino lagu aasay waddada meel u dhexeysa magaalooyinka Balcad iyo Jowhar. Gaariga miinada dul maray oo noociisu ahaa N3 ayaa ka tegey magaalada Jowhar isagoo ku sii jeeday maga alada Muqdisho, waxana ay miinada kula qaraxday deegaanka Ceelka-Geelow oo u dhexeeya degmada Jowhar iyo Balcad. Wararka ayaa sheegaya in goobta miinada lagu aasay ay ku sugnaayeen dagaallamayaal ka tirsan Al-Shabaab kuwaasoo doonayay in ay weerar gaadmo ah ku qaadaan kolonyo ciidammo ka tirsan AMISOM oo marayay waddadaas.


Meydka 2da ruux ayaa la sheegayaa inay dagaallammayaal ka tirsan AL-shabaab u soo dhiibeen gaadiid kale oo waddada marayay iyadoo gelinkii dambe ee maanta lagu aasay qubuuro ku yaal duleedka magaalada Jowhar.

Waddada u dhexeysa Jowhar iyo Balcad ayaa waxaa mararka qaar gala dagaallammayaal ka tirsan Al-shabaab iyagoo weerarro ka geysta halkaas sidoo kalena ay ku aasaan miinooyin qasaare geysta.

Sannadkii aynu ka soo gudubnay ayaa sidan oo kale waddada u dhexeysa Jowhar iyo Balcad waxaa ay miino kula  Qaraxday baabuur nooca xamuulka qaada ah kaasoo ay ku dhinteen Darawal iyo kaaliyihiis.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip