Somalia Oo Kamid Noqotay Dalalka Colaadaha Ka Socdan Ay Caruurta Badan Ku Geeriyooto

0
Tuesday February 19, 2019 - 13:12:18 in Wararka by
  • Visits: 302
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somalia Oo Kamid Noqotay Dalalka Colaadaha Ka Socdan Ay Caruurta Badan Ku Geeriyooto

    Warbixin ay Hay'adda Daryeelka Carruurta "Save the Children" ee dalka Britain soo saartay waxay ku sheegtay in ka badan 500,000 oo carruur ah laga yaabee inay ku geeriyoodeen Colaadihi ika dhacay Calaamka 5-tii sanno ee la soo dhaafay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbixin ay Hay'adda Daryeelka Carruurta "Save the Children" ee dalka Britain soo saartay waxay ku sheegtay in ka badan 500,000 oo carruur ah laga yaabee inay ku geeriyoodeen Colaadihi ika dhacay Calaamka 5-tii sanno ee la soo dhaafay. Celceliska Tiradaasi carruurta ku geeriyootay colaadaha Goballadda Caalamka waxay ka badan tahay 100,000 ama inay maalin kasta 300 carruur ah ku geeriyoodaan dalalka ay colaadaha ka socdaan. Warbixinta waxaa kaloo lagu xusay in ugu yaraan 500,000 carruur da'dooda ka hooseyso hal sanno ku geeriyoodaan colaadaha ka socda 10-ka waddan ee ay colaadaha halakeeyeen muddadii u dhexeysay 2013-kii ilaa 2017-kii Warbixinta Hay'adda Daryeelka Carruurta "Save the Children" ee dalka Britain waxaa lagu sheegay in Liiska dalalka ay carruurta ugu badan ku geeriyoodeen colaadihii dhacay sannadkii 2017-kii kala yihiin: Afganistan, Yemen, South Sudan, Afrikada Dhexe, Kongada Dimuqraadiga, Syria, Iraq, Mali, Nigeria iyo Somalia.

 
Balse, Warbixinta laguma xusin tirade carruurta sida tooska ah loogu dilay dagaalladda ka dhacay dalalkaasi.

Save The Children waxay sheegtay in titooyinkaasi ku jiraan carruurta iyo ilmaha yar ee laga yaabo inay u geeriyoodeen dhibaatooyinak ka soo gaaray dagaalladaasi, sida Macluul, cudduro dillaacay, burbur loo geystay Isbitaalladda ama dib-u-dhac ku yimaad gargaarka la soo diray.

Warbixinta waxaa lagu muujiyey in geerida carruurta sare u kacday ilaa 870,000 oo carruur, kuwaasi oo dhamaantooda ay ku jireen carruur ay da’dooda ka hooseysay 5 jir.

Dhinaca kale, Warbixinta Hay’adda Daryeelka Carruurta "Save the Children” ee dalka Britain waxay qiyaastay in ku-dhawaad 175,000 oo Dagaalyahano ama Askar lagu dilay colaadihii dhacay sannadihii 2013-kii ilaa 2017-kii.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip