Ganacsatada Soomaaliyeed oo ku dhawaaqay in ay joojiyeen qaadka ay ka keeni jireen Kenya.

0
Tuesday February 19, 2019 - 13:10:04 in Wararka by
  • Visits: 304
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ganacsatada Soomaaliyeed oo ku dhawaaqay in ay joojiyeen qaadka ay ka keeni jireen Kenya.

    -Ganacsatada Soomaaliyeed ee qaadka ka keeni dalka Kenya ayaa maanta waxaa ay ku dhawaaqeen in ay joojinayaan keenista qaadka, iyagoona arintan ku sheegay in ay tahay, mid ay ku taageerayaan dowladda Soomaaliya oo xilligan khilaaf kala dhexeeya Kenya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

-Ganacsatada Soomaaliyeed ee qaadka ka keeni dalka Kenya ayaa maanta waxaa ay ku dhawaaqeen in ay joojinayaan keenista qaadka, iyagoona arintan ku sheegay in ay tahay, mid ay ku taageerayaan dowladda Soomaaliya oo xilligan khilaaf kala dhexeeya Kenya.

Qooje Maxamuud Qayliye oo ah Guddoomiyaha qaadleyda Soomaaliyeed oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa shaaca ka qaaday in wixii xilligan ka dambeeya ay ka maarmaan ka Ganacsiga qaadka ee laga keeno dalka Kenya.

Waxaa uu sheegay Guddoomiyaha in Qaad wanaagsan ay ka heli karaan dalka Itoobiya oo deris la ah Soomaaliya.

Mr Qooje ayaa sheegay in Sababta ay u joojiyeen qaadkii laga keeni jiray Kenya ay ku sheegeen in ay tahay khilaafka soo kala dhex galay dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya.

Shalay ayay aheyd markii ganacsatada qaadka ee dalka Kenya ay ku goodiyeen in ay joojin doonaan qaadka ay keenaan Soomaaliya.






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip