Xildhibaan Jeesow "Kenya ciidankeeda ha nagala saaro, Dal marka uu Cadaw kugu tilmaamo, waxaa ka sugtaa waa in…"

0
Tuesday February 19, 2019 - 12:27:49 in Wararka by
  • Visits: 254
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Jeesow "Kenya ciidankeeda ha nagala saaro, Dal marka uu Cadaw kugu tilmaamo, waxaa ka sugtaa waa in…"

    Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ka tirsan golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay xiriirka xumaaday ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya, kaddib markii Sabtidii ay Kenya u yeeratay Safiirkeedii u fadhiyay Muqdisho, kuna amartay Safiir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ka tirsan golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay xiriirka xumaaday ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya, kaddib markii Sabtidii ay Kenya u yeeratay Safiirkeedii u fadhiyay Muqdisho, kuna amartay Safiirkii Soomaaliya inuu dalkeeda ka baxo.Daahir Jeesow ayaa ugu baaqay Xukuumadda Soomaaliya inay dadaal ku bixiso sidii dalka looga saari lahaa Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM, isagoo taas sabab uga dhigay hadalkii ka soo baxay Wasaarada arrimaha dibadda Kenya oo Soomaliya ku tilmaamtay Cadawgeeda. Xildhibaan Jeesow ayaa tilmaamay in beesha Caalamka ay tahay in lala kaashado sidii tallaabadan loo qaadi lahaa, iyadoo la marayo sharciyada Caalamiga ah.

"Waxaa hubaal ah oo Xukuumadda laga rabaa dal nagu tilmaamay Cadaw inaa u nahay Ciidankooda iney dalka ku sii jiraan ma aha, waa in aragti kale laga qaataa, dalkaas Cadawga nagu tilmaamay Ciidankiisa ma aamini karno inuu carada Soomaaliya ku sii jiro” ayuu yiri Xildhibaan Jeesow

Waxaa uu sheegay in biya dhaca hadalka Kenya ay tahay sidii ay ugu soo duuli laheyd Soomaaliya, wuxuuna talo ahaan u soo jeediyay inay ka dhex baxdo dalka, si dagaalka uu labo dhinac u noqdo.

"Dal marka uu kugu tilmaamo Cadaw, waxaa ka sugtaa waa inuu kuugu soo duulaa, marka inta uu nagu soo duulin ciidankiisa ayaaba AMISOM ahaan u joogee hanalaga saaro, markaas kaddib aan isla qaadano talaabada xigta” ayuu yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

Ciidamada Kenya oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM ayaa tacadiyo ka geysta Soomaaliya, waxaana lagu eedeeyay inuu gabood-falada uu geysto ay ka baxsan yihiin dhanka bani’aadamimada iyo sharciyadda AMISOM.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip