Maxaa xilligan ku soo beegay cabashada Wariyeyaasha Muqdisho ?

0
Monday February 18, 2019 - 23:59:06 in Wararka by
  • Visits: 901
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa xilligan ku soo beegay cabashada Wariyeyaasha Muqdisho ?

    Wariyeyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa maanta cabasho ka keenay hab dhaqan muddo soo jiitamayay oo ka socday Xafiisyada Warbaahinta Madaxtooyada iyo Ra'iisul Wasaaraha ku hayeen, kaasoo looga hor-istaagay in si madax banaan xogo ama wa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wariyeyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa maanta cabasho ka keenay hab dhaqan muddo soo jiitamayay oo ka socday Xafiisyada Warbaahinta Madaxtooyada iyo Ra'iisul Wasaaraha ku hayeen, kaasoo looga hor-istaagay in si madax banaan xogo ama warbixin dhameystiran uga helaan Xafiisyada dowladda, taas bedelkeedna muuqaalo la soo jar jaray oo faaf reeb lagu sameeyay si isku mid ah loo soo diro.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa xalay farriimo u dirtay Suxufiyiinta, iyagoo u sheegay iney aroorta hore isu soo diyaariyaan Shaqo la xiriirta dhagax dhiga mashaariic lagu dhisayo waddooyinka Muqdisho ku xira Afgooye iyo Jowhar.

Abaara 06:00am ee Saaka ayaa sidii balanta aheyd waxaa guriga Hooyooyinka oo ku dhow Madaxtooyada tagay Wariyeyaashii lala xiriiray si ay shaqada u qabtaan, iyadoo si dhib ah ay ku tageen halka lagu balamiyay maadaama ay maanta xirnaayeen wadooyinka Caasimada.

Saacado badan kadib Wariyeyaashii ayaa loo sheegay inay Xafiisyadooda dib ugu laabtaan oo aan shaqada loo wadeynin, wixii Muuqaalo ahna loogu soo dirayo Emailada TV-yada, taasoo niyad jab ku nooqtay bahda Warbaahinta.

C/casiis OK oo katirsan TV-ga Universal kana mid ah Suxufiyiintii loo wacay ayaa sheegay in caqabadaha heysta Suxufiyiinta ay tahay in aysan heli karin xog ku filan macluumaadka ay u baahan yihiin Shacabka, maadaama aysan Villa Somalia iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ogoleyn in Warbaahinta madaxa banaan wararka soo tabiyaan.

"Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo kan Madaxweynahain ay sameysteen qeybta wax soo saarka, kuwaasoo muuqaalada u duuba Warbaahintana u dirta, sidaasna ay ku doonayaan in wararkooda loogu sii daayo, ayaa maanta naga hor istaagtay shaqadii loogu yeeray Warbaahinta madaxa banaan” ayuu yiri C/casiis OK

Suxufiyiinta maanta loogu yeeray shaqada waxaa ku jiray Dumar xaafado ka fog halka lagu balamiyay ka soo lugeeyay, kuwaasoo markii dambena dantii biday inay xarumohooda shaqada dib ugu laabtaan maadaama shaqao aaney jirin.

Ma ahan maanta wax ku cusub dhibaatada Saxaafada, balse tan iyo markii uu Xilka uu la wareegay Madaxweyne Farmaajo sanadkii 2017, waxaa aad u yaraa helista xogaha warbaahinta ka helaan Madaxtooyada, iyadoo aad loo xadiday xiriir warbaahinta ku yeelato Madaxtooyada ama warar hufan ka hesho.

Cabashada Wariyeyaasha ayaa ahaa mid in muddo ah soo jiitameysay, waxaana Xafiisyada Madaxda dowladda ay noqdeen kuwo kala takooray Wariyeyaasha, kuwana ay si toos ah ugu xiran yihiin oo dhaqaale ku bixiyaan, si ay farriimahooda u marsiiyaan iyo kuwana xogta iyo macluumaadka loo diido

Madaxda Warbaahinta Xafiiska Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa xadiday dhaq dhaqaaq kasta oo Warbaahinta ku yeelan laheyd xafiisyadooda, taas bedelkeed waxaa la sameeyay Koox Warbaahinta ka shaqeysa oo muuqaalada duubta, kaddibna muuqaalada faaf reebka lagu sameeya u dira Warbaahinta madaxa banaan.

Madaxda Soomaaliya ayaa ka feejigan inuu ka boxo Muuqaal ama Cod dib ugu soo laaban kara, si taas meesha looga saarana waxaa ka dhex sameystay warbaahinta iyo Xafiisyada Madaxda dowladda darbi ka xadidaya in macluumaad ama xogo ka helaan xafiisyada.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya C/nuur Maxamed Axmed oo Suxufiyiinta qaar ay tuhmayaan inuu yahay ninka go’aankaas qaaday ayaa mas’uuliyada dhibaatooyinkii maanta dhacay dusha uga riday Xafiiska Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, inkastoo shaqsiga Warbaahinta u yeeray uu ka mid ahaa howlwadeenada Villa Soomaaliya.

"Wixii maanta dhacay wax qurux badan ma aheyn, laakiin waan sixi doonaa sida ugu wanaagsan ayaana u wajihi doonaa, waana la fariisan doonaa dadka madaxda u ah iyo Wariyayaasha” ayuu yiri C/nuur oo BBC-da.

Waxa uu Suxufiyiinta ku eedeeyay iney yihiin kuwo waxa ay doonaan iska qora oo aan faaf reeb marin, isagoo sheegay in Suxufiyiinta ay yihiin kuwo iska qora warar uu ku sheegay kuwo been abuur ah Ama Fake ah.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle oo la hadlayay VOA ayaa sheegay inay rabaan in wariyeyaasha ay had iyo jeer ay helaan marka ugu horeysa oo ay xogta ay gaarsiiyaan bulshada.

Waxaa uu sheegay in aanay diyaar u aheyn in Wariyeyaasha la takooro, isagoo xusay in Warbaahinta uu la kulmi doonaa, wixii ay tabanayaan xalin doonaan sida uu yiri.

Si kastaba ha ahaatee Dowladda ayaa loo arkaa mid xilligan si gaar ah u takooreyso Warbaahinta, iyadoo ay dhif iyo naadir tahay in Madaxda in si toos ah Warbaahinta u soo hor istaagaan ama shir jaraa’id iyo wareysiyo bixiyaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip