Xildhibaan Zakariye "Tallaabooyin ficil ah kama muuqdo qoraalkiii dowladda, waxay aheyd jawaab adag…"

0
Monday February 18, 2019 - 11:26:41 in Wararka by
  • Visits: 314
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Zakariye "Tallaabooyin ficil ah kama muuqdo qoraalkiii dowladda, waxay aheyd jawaab adag…"

    Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa saluugay jawaabtii dowladda Soomaaliya ka bixisay eedeyntii dowladda Kenya iyo tallaabadii ay qaaday ee ay Safiirkeeda ugu yeeratay, kuna amartay Safiirkii Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa saluugay jawaabtii dowladda Soomaaliya ka bixisay eedeyntii dowladda Kenya iyo tallaabadii ay qaaday ee ay Safiirkeeda ugu yeeratay, kuna amartay Safiirkii Soomaaliya inuu dalkiisa ku laabto.

Wareysi uu siiyay mid ka mid ah Idaacadaha maxalliga ee Muqdisho ayuu ku sheegay inay ka sugayeen dowladda jawaab xoog badan oo u dhiganta wixii ay kenya sameyso oo kale inay dowladdu sameyso.

"Aniga ma arkin qoraalka waxaa leygu yiri tallaabooyin ficil ah kama muuqdo, waxay aheyd tallaabooyinka ay qaaday Kenya oo kale inay qaado aheyd, mar haddii dowlad weerar tahay, in la difaaco dalka oo diblomaasiyad xoogan lagu difaaco waaye, Kenya wax qaldan ayay sameysay, Baddeena ayay nagu qabsatay si adag in loogu jawaabo ayaa qabaa”ayuu yiri Xildhibaan Zakariye.

Waxaa uu sheegay in Kenya ay soo ceyrisay Safiirkii Soomaaliya u joogay Nairobi, isla markaana jawaabta dowladda Soomaaliya ay aheyd inay noqoto mid u dhiganta tallaabadii Kenya ay qaaday.

"Kenya si diblomaasiyad uma dhaqmin, markii ay safiirkaaga soo ceyrisay, amxaa adiga u bartooyameysaa, tan waxay aheyd inay Soomaali oo dhan ku midowdo”ayuu si kulul u yiri Avv. Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi.

Dowladda Soomaaliya ayaa si degenaan oo diblomaasiyad ku jirtay ugu jawaabtay dowladda Kenya, iyadoo qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya lagu sheegay inay aad uga xuntahay tallaabada ay qaaday Kenya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip