Dilkan ayaa lagu soo warramayaa in loo geystay guddoomiyihii xuquuqul insaanka degamadaasi oo lagu magacaabi jiray Cabdi Abuukar Islow.

Marxuumka ayaa toogasho lagu dilay, xilli uu ku sugnaa suuqa magaalada Afgooye, sida ay  u xaqiijiyeen  Qaar ka mid ah warbaahinta dalka dad goobjoogayaal ah.

Raggii ka dambeyay dilkan ayaa goobta isaga baxsaday, iyadoona markii dambe ay halkaasi gaareen ciidamo ka tirsan kuwa amniga magaaladaasi.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay dilkaasi, basle Al Shabaab ayaa inta badan weeraro iyo dilal qorsheysan ka fuliya gobolka Sh/ Hoose.