Kenya oo shuruudo adag hor dhigtay Soomaaliya, si xal looga gaaro khilaafka labada dal

0
Monday February 18, 2019 - 10:56:35 in Wararka by
  • Visits: 287
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya oo shuruudo adag hor dhigtay Soomaaliya, si xal looga gaaro khilaafka labada dal

    Dowladda Kenya ayaa shuruudo adag hor-dhigtay dowladda Soomaaliya, si loo soo celiyo xiriirkii diblomaasiyadeed ee labada dal, kaddib markii maalin ka hor ay Kenya u yeeratay Safiirkeedii u fadhiyay Muqdisho, kuna amartay Safiirkii Soomaaliya inuu da

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Kenya ayaa shuruudo adag hor-dhigtay dowladda Soomaaliya, si loo soo celiyo xiriirkii diblomaasiyadeed ee labada dal, kaddib markii maalin ka hor ay Kenya u yeeratay Safiirkeedii u fadhiyay Muqdisho, kuna amartay Safiirkii Soomaaliya inuu dalkeeda ka baxo. Sida ay qoreen warbaahinta Kenya oo soo xiganayay Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya Macharia Kamau waxaa uu soo bandhigay saddex shuruuc oo xal u noqon kara muranka diblomaasiyadeed ee labada dal. Shuruudahan oo ah kuwo culus ayaa waxaa ay kala yihiin:-

In dowladda Soomaaliya ay ka noqoto qeybaha ka mid ka ah soohdinta dalkeeda ee ay Soomaaliya ku suug geysay Shirkii 7-dii bishan ka dhacay magaalada London.

In Soomaaliya ay ogeysiiso dhammaan Shirkadihii baayacay Xirmooyinkii dhulka Shidaalka ee ay ku soo bandhigtay Shirkii London, isla markaana ay cadeyso in dhulkaas ay Soomaaliya laheyn.

In laga baaqsado Maxkamada Cadaaladda Adduunka ee ICJ oo muranka badda ee u dhexeeya labada dal si walaalnimo oo hoose lagu xaliyo.



Macharia Kamau, ayaa sheegay in Kenya ay dooneyso in Soomaaliya ay fuliso sadexdaasi shardi si Kenya ay u soo celiso xiriirkii diblomaasiyadeed ee labada wadan ka dhaxeeyay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo xalay warqad ka soo saartay khilaafka labada dal ayaa sheegtay iney ka xun tahay warsaxaafadeedka Kenya, iyadoo ku sheegtay hadalkii Kenya ka soo baxay inuu ahaa mid aan xaqqiiqda ku salaysneyn, isla khariiradaha ay sheegtay dawladda Kenya ay muujinayso badda Soomaaliya ayna waafaqsan tahay mowqifka weligeed ee dawladda Soomaaliya iyo dawcadda ku saabsan xadka badda ee hortaalla maxkamada caalamiga ah ee Hague.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in aysan qandaraas ku bixin xidhmooyin dhuleed, isla markaana aan qorshaha ugu jirin in ay ku bixiso wax xidhmooyin shidaal ah oo ku yaalla degaanka lagu muransan yahay illaa inta maxkamadda caalamiga ah ee ICJ ay go’aan ka gaareyso.

Xiisada siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa cirka isku shareeray, kaddib markii Kenya ay u yeeratay Safiirkeeda, kuna amartay Safiirkii Soomaaliya inuu degdeg uga baxo dalkeeda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip