Wadooyinka qaar ee Muqdisho oo Maanta xiran

0
Monday February 18, 2019 - 10:48:58 in Wararka by
  • Visits: 284
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wadooyinka qaar ee Muqdisho oo Maanta xiran

    Ciidamada Ammaanka soomaaliya ayaa Maanta waxa ay xireen wadooyin ka mid ah kuwa muhiimka ah ee Magalada Muqdisho,iyaga oou diidaya inay isticmaalaan Gaadiidka dadweynaha iyokuwa sida gaarka ah looleeyahay. Wadooyinka xiran ayaa waxaa ka mid ah Wada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Ammaanka soomaaliya ayaa Maanta waxa ay xireen wadooyin ka mid ah kuwa muhiimka ah ee Magalada Muqdisho,iyaga oou diidaya inay isticmaalaan Gaadiidka dadweynaha iyokuwa sida gaarka ah looleeyahay. Wadooyinka xiran ayaa waxaa ka mid ah Wadada,Wadnaha,30-ka iyo qeybo ka mid ah Jidka Warshadaha ee Magalada Muqdisho,waxaana warar kala duwan ay kasoo baxayaan sababaha looxiray Wadooyinkaas. Wararka laga helaayo ayaa sheegayaan in Madax ka tirsan dowladda ay ka qeyb galayaan dhagax-dhig lagu sameynayo Wadooyinka isku-xira Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar iyo Muqdisho iyo Afgooye oo dib u dhis lagu sameynayo kuwaas oo dhismahooda ay horay u balan qaaday dowladda Qatar.

Ciidamada ayaa u diidaya inay Gaadiidka isticmaalaan wadooyinka aan soo sheegnay,iyada oo la arkayay in dadka qaarkood ee u socda Shaqooyinkooda gaarka ah iyo kuwa waxbarashada ay lugeynayaan maadaama wax gaadiid ah uusan Shaqeyneyn.

Todobaadyadii la soodhaafay ayaa Bulshada Magalada Muqdisho waxa ay ka nasteen xirnaanshaha wadooyinka qaar ee Magalada Muqdisho,kuwaas oo la xiro xilliyada ay madax dalka imaaneyso ama munaasabadaha.

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip