Ciidamada Itoobiya Oo Garoon Diyaaradeed Ku Xayiray Sarkaal DF Xil U Magacaawday

0
Monday February 18, 2019 - 10:45:27 in Wararka by
  • Visits: 275
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Itoobiya Oo Garoon Diyaaradeed Ku Xayiray Sarkaal DF Xil U Magacaawday

    Sarkaalka lagu xanibay Garoonka diyaaradaha degmada Diinsoor ee Gobolka Baay ayaa waxaa lagu Magacaabaa Axmed Cabdullaahi Aadan,waxaana uu ka tegay Magalada baydhabo oo ah Xarunta Gobolka Baay. Sarkaalkaas ayaa sheegay in dhawaan loo Magacaabay Ciid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sarkaalka lagu xanibay Garoonka diyaaradaha degmada Diinsoor ee Gobolka Baay ayaa waxaa lagu Magacaabaa Axmed Cabdullaahi Aadan,waxaana uu ka tegay Magalada baydhabo oo ah Xarunta Gobolka Baay. Sarkaalkaas ayaa sheegay in dhawaan loo Magacaabay Ciidamada Millateriga ee ku sugan degmada diinsoor iyo deegaanada hoostaga,isla markaana ay demada diinsoor u dirtay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Gaashanle Sare Axmed Cabdullaahi Aadan oo ah Sarkaalka Garoonka lagu xanibay ayaa sheegay in sababta loo xayiray ay tahay kadib khilaaf soo kala dhegalay,isaga iyo Guddoomiyaha degmada Diinsoor ee gobolka Baay,isla markaana Ciidamada Itoobiya u diideen in uu gudaha u galo degmada diinsoor.

Waxa uu sheegay in Ciidamada Itoobiya ku amreen in uu diyaaradii uu saarnaa dib ugu laabto,hayeeshee uu diiday,isla markaana uu weli ku sugan yahay degmada Diinsoor maanta oo isniin ahna uu ku wajahan yahay Magalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in Gaashanle Sare Axmed Cabdullaahi Aadan uu gaaro Baydhabo si xal looga gaaro khilaafka uu sheegay in uu kala dhaxeeyo Guddoomiyaha degmada diinsoor taasoo keentay in Garoonka Diyaaradaha Magaaladaas laga soo celiyo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip