Dhageyso:-Xildhibaano ku kala qeybsamay jawaabtii dowladda ka bixisay Go'aanii Kenya

0
Monday February 18, 2019 - 10:28:19 in Wararka by
  • Visits: 277
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso:-Xildhibaano ku kala qeybsamay jawaabtii dowladda ka bixisay Go'aanii Kenya

    Dhawaan dowladda Kenya ayaa dowladda Federaalka u jartay xiriirkii diblumaasiyadeed ee kala dhaxeeyay,iyada oo u yeertay safiirkeedii ka joogay Muqdisho sidoo kalena dalkeeda kasoo erisay safiirkii Soomaaliya u joogay halkaas taas oo abuurtay khilaaf

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhawaan dowladda Kenya ayaa dowladda Federaalka u jartay xiriirkii diblumaasiyadeed ee kala dhaxeeyay,iyada oo u yeertay safiirkeedii ka joogay Muqdisho sidoo kalena dalkeeda kasoo erisay safiirkii Soomaaliya u joogay halkaas taas oo abuurtay khilaaf xoogan,hayeeshee dowladda Soomaaliya ay xalay jawaab ka bixisay.

Bulshada Soomaaliyeed,Siyaasiyiin iyo Xildhibaano ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay Go’aanka Kenya ay gaartay iyo jawaabta ay ka bixisay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa qaba in Jawaabta dowladda Soomaaliya ay ka bixisay uu ahaa mid biseyl iyo si diblumaasiyadeed ah oo abuuraya xasilooni.

Xildhibaanka oo la hadlay Idaacadda Risaala ee Magalada Muqdisho ayaa hadalkiisa intaasi ku daray in dowladda Soomaaliya jawaabta ay bixisay ay tahay mid wanaagsan oo siyaasadeed,sidoo kalena uu socdo wadahadallo  labada dowladood ah,hayeeshee dowladda aysan gorgortan ka geleen taako ka mid ah Soomaaliya.

Dhinaca kale Xildhibaan Zakariye Xaaji Maxamuud oo ka  mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa aad u dhaliilay jawaabta ay dowlada Soomaaliya ka bixisay Go’aankii Kenya,waxaana uu ku tilmaamay in uu yahay mid jilicsan.

Waxa uu sheegay in dowladda Kenya ay ku xadgudubtay dhulka Soomaaliya,sidookalena ay sheegtay hadal xanaf ah oo dadka Soomaaliyeed iyo dowladda intaba taabanayay,balse dowladda looga baahnaa in jawaab kulul ay siiso.

Dhageyso Wareysiga Xildhibaan Sadiiq Warfaa

Audio Player

Dhageyso Wareysiga Xildhibaan Zakariye Xaaji Maxamuud XIGASHOrADIORISAALA.NET

Audio Player



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip