Kenya oo shuruud ku xirtay xalinta khilaafka diblumaasiyadeed ee kala dhaxeeysa Soomaaliya
Sida ay soo xigteen warbaahinta Kenya, Xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya Mr. Macharia Kamau, ayaa sheegay in Kenya ay dooneyso in Soomaaliya ay fuliso sadexdaasi shardi si Kenya ay u soo celiso xiriirkii diblomaasiyadeed ee labada wadan ka dhaxeeyay.
Xalay ayey aheyd markii dawladda Soomaaliya ay sheegtay in khariiradaha ay sheegtay dawladda Kenya ay muujinayso badda Soomaaliya ayna waafaqsan tahay mowqifka weligeed ee dawladda Soomaaliya iyo dawcadda ku saabsan xadka badda ee hortaalla maxkamada caalamiga ah ee Hague.
Waxay kale oo ay sheegtay dowladda Soomaaliya in mowqifkaasi uu ka turjumanayo mas’uuliyadda saaran dawladda Soomaaliya ee ay ku ilaalinayso midnimada iyo madaxbannaaniddeeda siyaaso iyo dhuleed.
Soomaaliya ayaa intaasi ku dartay in aysan qandaraas ku bixin xidhmooyin dhuleed, qorshahana ugu jirin in ay ku bixiso wax xidhmooyin gaaska ah oo ku yaalla degaanka lagu muransan yahay ilaa inta maxkamadda caalamiga ah ee ICJ ay go’aan ka gaareyso. Sabtidii ayuu murankan soo baxay, markii Kenya ay go’aansatay inay xiriirka diploimaasiyadeed u jarto Soomaaliya.
Safiirkii Kenya ee Somaliya Lucas Tumbo,ayaa shalay dib ugu noqday Nairobi , safiirkii Soomaaliya ee kenyana, Maxamed Nuur Tarsan ayaa isna Axaddii shalay ku noqday Xamar.
Kenya oo shuruud ku xirtay xalinta khilaafka diblumaasiyadeed ee kala dhaxeeysa Soomaaliya
Sida ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta dalka Kenya, Kenya ayaa ku xirtay Somaliya shuruud sadex qodob ka kooban si xal looga gaaro muranka diblomaasiyadeed ee dhinaca badda ee labada wadan ka dhaxeeya. Qodobka koowaad ee ay Kenya dalbaneysa aya