Golaha degaanka degmada Warsheekh oo la asaasay

0
Sunday February 17, 2019 - 23:58:38 in Wararka by
  • Visits: 325
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha degaanka degmada Warsheekh oo la asaasay

    Munaasabad lagu daah furaayay barnaamishka Dhismaha Golaha Deegaanka Degmada Warsheekh ee Maamul Gobaleedka Hirshabelle ayaa lagu qabtay xarunta degmada Warshiiq Munaasabada oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha hoose ee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasabad lagu daah furaayay barnaamishka Dhismaha Golaha Deegaanka Degmada Warsheekh ee Maamul Gobaleedka Hirshabelle ayaa lagu qabtay xarunta degmada Warshiiq Munaasabada oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha hoose ee Hir-shabelle Kulanka la xiriira sidii loo heli lahaa gole deegaan oo ay yeelato degmada Warshiiq oo ka soo dhax-baxa isla bulshada degmada.

Munasabada ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin ka soctay maamulka Hir-Shabelle oo ka koobnaa Wasiiro Xildhibaanno iyo Mamulka Gobalka iyo Kan Degmada waxaa kaloo kasoo qeyb galay masuliyiinkale oo kakala socday, bulshada qeybaheda kala duwan sida ururada bulshada rayidka ururka haweenka, culumaaudiinka odayaasha dhaqanka , Aqoonyahanka, Dhalinyarada iyo kooxaha fanka iyo suugaanta

Mas’uuliyinta k asocotay dowlada Hisrhabelle ayaa kala ahaa Wasiiirka arimaha gudaha Maxamed Cali Caadle, Wasiir kuxigeenka wasaarada kaluumeysiga iyo kheyradka badda xildhiban Maxamed Xasan Moog, Wasiiru- dowlaha wasaarada Dib uheshiisiinta iyo Hubkadhigista maleeshiyaadka Maxamud Axmed Aneey, Godoomiyaha Gobalka Shabeelaha dhexe Axmad Meere Makaraan, Goduumiyaha Degmada Warsheekh Cumar Maxamed Cumar, Ururka Haweenka, Madax ka socotay Mamulka Gobalka Banaadir iyo Odayasha Dhaqanka Degmada Warshiiq .

Guud ahaan marka la eego deegaannada Hirshabeelle waxaa ka soconaya kulamo kala duwan oo la doonayo in bulshadu iyagu soo doortaan hoggaankooda taasoo ka bilaabaneysa in marka hore la helo golo deegaan.

 
 
 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip