Dhalinyaro lagu eedeeyay amnidaro oo Boosaaso lagu soo bandhigay

0
Saturday February 16, 2019 - 22:51:35 in Wararka by
  • Visits: 332
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhalinyaro lagu eedeeyay amnidaro oo Boosaaso lagu soo bandhigay

    Ciidamada ammaanka Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, ayaa Magaaladaasi ku soo bandhigay dhalinyaro qayb ka ahaa falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka ee Magaalada Boosaaso.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada ammaanka Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, ayaa Magaaladaasi ku soo bandhigay dhalinyaro qayb ka ahaa falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka ee Magaalada Boosaaso.

Dhalinyaradan ayaa lagu eedeeyay inay dadka shacabka dhici jireen oo ay ka qaadan jireen taleefanada gacanta & agabka kale ee dadka isticmaalaan.

Dhalinyaradan lasoo bandhigay oo gaaraya 20 iyo qaar kale oo ku xiran saldhigyada Boosaaso ayay laamaha amaanku sheegeen in ay dhibaato xoogan ku hayeen bulshada isla markaana ay ka furan jireen dadka taleefanada iyo hantida kale ee ay wataan.

Taliyaha Booliska Puntland Gen.Muxiyadiin Axmed Muuse oo ka hadlay goobta lagu soo bandhigayay ayaa xusay in cadaalada la marsiinayo cid kasta oo khalkhal ku abuurtay amniga ,waxa uuna xusay in dhalinyarada lasoo bandhigay ay yihiin kuwa caadeystay dhaca dadka rayidka iyagoo adeegsanaya toorey iyo waliba hubka kale.

Taliyaha ayaa ku amaanay ciidamada amaanka sida wanaagsan ee ay ugu guuleysteen soo qabashada dhalinyaradan wuxuuna intaa ku daray hadalkiisa in ay sii wadi doonaan ciidamada howlgalada lagu soo qabanayo dadka khalkhalka ku wada amaanka magaalada Boosaaso.

Sidoo kale gudoomiyaha Gobolka Bari iyo Duqa Boosaaso oo goobjoog u ahaa goobta lagu soo bandhigayay dhalinyaradan ayaa dhankooda xusay in talaabo laga qaado cidkasta oo dhibaato u geysta bulshada, soo qabashada dhalinyaradan dhaca u bareerayna ay qeyb ka tahay dib usoo celinta amaanka magaalada Boosaaso.

Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa waxaa ka hawlgala Ciidamo badan oo Boolis ah, kuwaasi oo waayahan Magaalada ka waday hawlgalo ammaanka ku xaqiijinayaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip