Golaha Wasiirada Cusub Ee Puntland Oo Goordhow La Ansixiyay

0
Saturday February 16, 2019 - 22:08:38 in Wararka by
  • Visits: 300
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Wasiirada Cusub Ee Puntland Oo Goordhow La Ansixiyay

    Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa Maanta kulan aan caadi aheyn waxa ay ku yeesheen Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulkaasi,waxaana la horgeeyay Golaha Wasiirada cusub ee Puntland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa Maanta kulan aan caadi aheyn waxa ay ku yeesheen Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulkaasi,waxaana la horgeeyay Golaha Wasiirada cusub ee Puntland.

Kulanka 43-aad ee fadhigiisa 19-aad ayaa waxaa Goobjoog ahaa 63 xildhibaan,halka 4 xildhibaan ay ka maqnaayeen ,intaasi kadib waxaa la guda galay cod u qaadista sidii loo ansixin lahaa Golaha Wasiirada ayaa ogolaatay ansixinta halka laba ay ku aamustay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed) ayaa sheegay in ay ansax tahay ansixinta Golaha Wasiirada Cusub ee Puntland.

10-ka Bishaan ayuu Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ku dhawaaqay Golihiisa Wasiirada,kuwaasi oo ka kooban 18 Wasiir,18 Wasiir kuxigeen iyo 9 Wasiiru dowle.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip